Posts

Showing posts from July, 2023

Faallada buugga “ Salaad Baa I Dhaaftay”

Image
  Hordhac Buugga “ Salaad Baa I Dhaaftay” waxa qoray Islaam Jamaal. Cinwaan hoosaadkiisu waa ‘ Maxay Dadka Qaarkood u ilaaliyaan Salaadda, kuwa kalana uga tagaan?” Asal ahaan wuxuu ku qornaa luuqadda Af Carabiga. Waxa Af Soomaali ku turjumay Cabdixakiin Maxamed Obsiiye oo ah dhallinyarada ugu cadcad ee Af Soomaali waxku turjunta. Guud ahaan buuggu wuxuu si wacan u qaadaadhigayaa waxyaabaha keena in dadka qaarkood Salaadaha dhayalsadaan oo ayna xil iskaga saarin, halka kuwa kalana uga tagaan salaaddan, sidaasi si la mid ah sababaha dadka qaar ka mid ahina ay salaadaha uga ilaaliyaan. Waxa aan isku dayi doonaa waxyaabaha uu ka warramayo inaan si kooban u sheego, nuxurka guudna tilmaamo. Waa Maxay Nuxurka Buuggu?   Qoraagu waxa uu ku bilaabayaa xaaladda qof aan salaadda tukan uu ka werinayo: Waxa aan jeclaa in aan ka mid noqdo kuwa Salaadda tukada. Waxa kale oo aan ogsoonahay marka aan tukado noloshaydu in ay noqonayso mid ay ku ladhantahay liibaan iyo xasillooni. Isla aragt