Posts

Showing posts from April, 2026

Xirfadaha kaa dhigi kara hantiile inta aanad gaadhin da’da 30 jirka

Image
  In aad hantiile noqotid 30 jir ka hor waa nasiib, waxayna inta badan ku timaaddaa in qofku barto xirfado macne leh oo xallinaya dhibaatooyin waawayn. Dunida waxba laguma helo da’da, waxa wax lagu helaa wax qiimo leh oo aad qabatay, fekrad aad hirgelisay, ama natiijo macne leh oo aad soo kordhisay. 1-     Iibka:  Iibku waa kartida aad dadka ku qanciso inay tallaabo qaadaan. Haddii aad iibinayso alaab, adeeg, fikrad, ama xitaa naftaada (sida wareysi shaqo), xirfadda iibintu waxa ay beddeli kartaa wax walba. Qofka yaqaan sida wax loo iibiyo wuxuu lacag ka samayn karaa meel kasta, sababtoo ah wuu garanayaa sida dadka loo qanciyo. Sidee loo bilaabi karaa? Baro qancinta, sida dadka fikirkaaga kuugu raacaan si dabiici ah, Fahan baahida iyo dhibaatada dadka haysata, naftaadana ku tababbar in ay si kalsooni leh dadka ula sheekaysato. 2-     Xidhiidhka wanaagsan:  Dad badan oo karti leh ayaa weli sabool ah, sababtoo ...

Haddii aad rabtid ixtiraam:

Image
  1-       Qofka wax ka badan laba jeer ha wicin. 2-      Asxaabta inta muhiimka ah mooyee kuwa kale iska ururi. 3-      Ha bixin talo aan lagu wayddiin. 4-      Hadalka yaree oo noqo qof sir leh. 5-      Qofna yaanu ogaan tallaabadaada xigta iyo qorshaha aad leedahay eed qabanaysid. 6-      Raadso ilo kala duwan oo aad dhakhli ka samaysid, lacag bandanna samee. 7-      Ha noqon qof ku khasban qof kale (baahi darteed), balse noqo qof si ikhtiyaar ah wax u doorta. 8-     Muhiima maaha in aad qofkasta farxad gelisid. 9-      Qabo keliya waxa aad aaminsantahay in uu saxanyahay. 10- Haddii qof noloshaada ku daro wax qiimo leh ama in uun ku anfacay ha illaawin in aad u mahadcelisid. W/Q: Mastering Manhood Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere

Haddii aad tahay DHALLINYAR…

Image
  Haddaa tahay dhallinyar qodobbani way ku anfacaysaa: 1-       Inta aad yartahay waa in aad wax dhisataa, waa in ayna raaxadu ku qaadan: Haddii waqtiga aad dhallinyarada tahay nasashada doorbiddid gadaal ayaan shanlayn doontaa. Halka dadka kale iska baashaalayaan waa in aad adigu wax dhisatid oo wax qabsatid. Haddii aad HADDA anshax yeelatid, berry waxa aad heli doontaa xorriyad dhinacyo badan ah. 2-      Maad habsaamin: Qof bar dhammaadka qorshihiisii jooga ha isbarbardhigin adiga oo bar bilowga qorshahaaga jooga. Qofkastaa waqtigiisa gaarka ah ayuu leeyahay, adigu waqigaaga uun diiradda saar. Isbardhiggu waa dilaaga koritaanka. 3-      Saaxiibbadu way yaraan doonaan: Saxiibbada qaarkood way kula jaanqaadi doonaan oo kula kori doonaan, halka kuwa kalana kaa hadhi doonaan; halka qaarna ku khiyaami doonaan. Waa sunnaha isbeddelka. Qofna diyaar uma aha inuu kaa caawiyo noqoshada qofka aad rabtid. Cidkasta sidee...