Posts

Showing posts from March, 2024

Sidee werwerka la iskaga ilaaliyaa/daweeyaa?

Image
  1-     Badi akhrinta Quraanka Quraanku waa dawo. Wuxuu dawo ka yahay cudurkasta iyo xanuunkasta oo qofka ku dhaca. Alle wayne wuxuu Suuratu Isra ku yidhi “ Quraanka waxa aan usoo dejinnay inuu Muslimiinta u yahay dawo, hanuun iyo naxariis…” Werwerku wuxuu ka midyahay xanuunnada nafsiga ah ee qofka maskaxdiisa ku dhaca, waxyaabaha dejiya ee qofka ka baabbiiyana waxa ka mid ah Quraanka.   2-   Badi adkaarta, sida Tasbiixda, taxmiidda, takbiirta Waxyaabaha qofka werwerka iyo walbahaarka ka ka ilaaliya waxa ka mid ah adkaarta noocyadeeda kala duwan sida Tasbiixda ( Subxaan Allah), Taxmiidda ( Alxamdulillaah), iyo Takbiirta ( Allahu Akbar). 3-   Dheh ‘ Laa xawla walaa quwata illaa billaah’ Dawooyinka la tijaabiyay ee qofka dejiya, werwerka iyo walbahaarkana ka ilaaliya waxa ka mid ah inuu qofku ku celceliyo oo markasta afka ku hayo ‘ Laa xawla walaa quwata illaa billaah.’ Waa kuu muhiim adkaartani. Tijaabi oo dhawr jeer ku celceli. 4-   Badi Salliga Nebiga SCW Salliga