Posts

Showing posts from April, 2024

Taariikhda Sh. Maxammad Cumar Dirir

Image
    Hordhac Sh. Maxammad Sh. Cumer Dirir, waa sheekh caan ah oo dhammaan geyiga Soomaaliyeed laga wada yaqaanno. Waa daaci, wadaad, aqoonyahan, Mufasir, Khaddiib, Macallin, Mufti iyo Barofaseer. Aad baa loo yaqaannaa Sheekha, wuxuuna ku caan yahay Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah, oo uu Idaacadaha iyo muuqbaahiyayaasha ka akhriyaa.  Waa Sheekh innagu wada qaali ah oo aynnu wax badan ka barannay. Inyar ayaynnu dul istaagi doonnaa sooyaalkiisa soojireenka ah.  Waxyaabaha aynnu dul istaagi doonno intaynu maqaalkan ku jirno waxaa ka mid ah:  1-       Dhalashadiisii (Halkuu ku dhashay, siduu u barbaaray, iyo halka uu ku barbaaray).  2-       Waxbarashadiisii ( Halkii uu wax ka bartay, ciddii bartay, sidii uu u bartay iyo heerarkii kala geddisanaa ee uu usoo maray waxbarashada). 3-     Aabbihii ka dib siduu noqday (Culimadii waxbartay dhimashadi aabbihii Cumer AHUN).  4-       Dacwadda Diinta ( Xilligii uu dacwadda bilaabay, sidii uu u bilaabay… IWM).  5-      Caqabadihii uu la kulmay ( Caqab