Posts

Showing posts from July, 2024

Cashirka Nooceeya ayaynu Ka Baran Karnaa Qisada Shammuuri? 

Image
  Qofku marka aanu fursaddaa diyaarsanayn haddii ay timaaddo wuu dayacaa, meel bannaana wuu ku dhacaa. Waayo, fursadaha noloshu si kedis ah oo bilaa ogaysiis ah ayay ku yimaaddaan. Waa sababta markasta loo yidhaahdo: " Diyaargaraw. Diyaargarawgaa waxkasta ka horreeya." Waayo, fursaddu kuma sugayso, haddaanad diyaar ahayn oo degdeg uga faa’deysan, way ku dhaafaysaa.  Adiga oo aan diyaar ahayn in ay fursadi timaaddo oo sidaa kugu dhaafto adoon ka faa'idaysan waxa ka wacan adoo diyaarsan inaad fursad waydid. Waayo, ta hore waa qoomamo, ta danbana waa shay nasiib ku siin waayay, oo waxa laga yaabaa inay fursaddii weli kuu soo socoto. Mudane Shamuuri oo soo caan baxay bishii 2aad ee sannadkan 2024, kuna soo caanbaxay markhaatigii uu furay Kiiskii Gubidda Marxuum Luul. Isaga oo markii su'aalaha maxkamaddu wayddiisay markasta ku darayay ' Masha Allah, Insha Allah..." Labadaa kalmadooda iyo hadalkiisa ayaa bulshada aad usoo jiitay, aadna upa dhaceen. Iyada oo la h

Nimka China ugu TAAJIRSAN oo TALO bixiyay

Image
  Ninka ugu taajirsan China oo ah Jack Ma ayaa wuxuu yidhi: " Haddi hal Sallad aad ku wada riddid Muus & Lacag, ka dibna aad hordhigtid Daanyeer; Daanyeerku wuxuu dooranayaa Muuska! Waayo Daanyeerku ma garanayo in Lacagtu goyso Muus badan..." Xaqiiqdii, haddii dadka aad usoo bandhigtid shaqo iyo Ganacsi ka ay rabaan waxa ay dooranayaan shaqada; waayo dadku intooda badan ma garanayaan in ganacsiga laga sameeyo lacag badan oo in doora ka badan lacagta mushaharka ah ee shaqo laga qaato. Mid ka mid ah sababaha dad badan oo sabool ahi ay saboolka u yihiin waxa lagu sheegaa in saboolku ayna rumaysnayn fursadaha bilaabidda hal'abuur ganacsi. Waqti badan ayay ku lumiyaan Dugsi, oo waxa ay Dugsiyada ka bartaana wuxuu u tababaraa inay shaqaale noqdaan oo mushahar sugaan, halkii ay iyagu shaqo abuuran lahaayeen. Faa'idada ayaa ka fiicanyahay mushaharka, waayo mushaharku waqti kooban buu ku haynayaa, halka  Faa'idadau kaa dhigayso hantiile. Turjumid:  Sandheere