Posts

Showing posts from October, 2024

Talo Waalid

Image
   Aabbo ayaa la taliyay wiilkiisii, wuxuuna ku yidhi: " Wiilkaygiiyoow, nolosha saddex shay ha dayn:  1- In aad cuntid cuntada ugu wanaagsan. 2- In aad ku seexatid sariirta ugu raaxada badan. 3- Iyo in aad ku noolaatid hoy wanaagsan ..."  Wiilkii baa ku jawaabay: " Balse, aabbo waxa aan nahay sabool. Sideen ku heli karnaa waxyaabaha aad sheegaysid?"  Aabbihii caqliga badnaa ayaa ku jawaabay " Haddii aad cuntada cuntid marka aad gaajoonaysid, way kuu dhadhamaysaa, cuntada aad cuntidna waxa ay noqonaysaa ta ugu macaan eed cuntid.  Haddii aad si adag u shaqaysid oo shaqo badan qabatid marka aad seexatid waxa aad seexanaysaa hurdo raaxo leh.  Haddii aad dadka ula dhaqantid si wamaagsan, iyaguna si wanaagsan oo qalbiwanaag ah ayay kuula dhaqmi, waxaanad ku noolaan doontaa qaybiyadooda."

Culayska Masuuliyadda

Image
  Xaaskii Amiirkii Muuminiinta ee Cumar Binu Cabdilcasiis ayaa waxa ay tidhi: “ Maalin ayaa aan u soo galay Cumar oo ku fadhiya masallihiisii, gacanta dhaban ka saaray, oo ilma dhabannadiisa qoysay. Marka ayaa aan ku idhi: ‘ Maxaa kugu dhacay?’ Waxa uu yidhi: ‘ Hoog baan ku suganahay Faadumooy oo waxa la ii dhiibay talada dadkan, markaas ayaan ka fekeray ka baahan ee gaajoonaya, ka buka, ka qaawan, agoonka niyadjabsan, gabadha agoonta ah ee cidlada ah, ka dulman ee xaqiisii meel laga mariyay, socotada la qafaashay, odayga way nee carruurta badan daba ordayso ee aan xoolaha lahayn, iyo kuwa la mid ah eek u nool dhulka aan xukumo. Markaas ayaan xaqiiqsaday in Alle wax iga wayddiin doono maalinta Qiyaame, sidaas darteed ayaan u ooyayaa.’…”  Masuuliyaddu waxa ay leedahay culays, waxa waajiba qofkasta oo cid masuul looga dhigaa inuu masuuliyaddaas ilaaliyo, haddii ifka cid la xisaabtanta uu waayo, ha ogaado in aakhiro jirta meel caddaalada oo lagula xisaabtami doonaa.  Madaxde...