Nolosha oo Laga Fahmo Dhinac Cusub
Dadku waa laba jaad: Dad u nool si ay u noolaadaan nolol darteed, iyo dad u nool aragti darteed. Haddaba dadka aragtida u nooli waa waa laba nooc: Dad aragtida u nool se aan si dhammaystiran ugu qanacsanayn; iyo kuwo aragtida darteed la nool oo ay noloshooda oo dhan la wareegtay oo ay mulkiday. Kuwa hore aragtida ayay u noolyihiin, waayo way ka faa’idaysanayaan; kuwa labaadna aragtida ayay u noolyihiin, waayo aragtida ayuu ka dhex arkaa badhaadhaha, iyo waxkasta oo kale. Dadku dhinaca habdhaqanka waa laba nooc: Qaar waa kuwo ka fekera maxaad hanti iyo magac ba kasban oo heli kartaa? Kuwa kalana waa qaar ka fekera maxaad kasban ee caqli, fekrad, iyo dadnimo ah? Kuwa hore waxa ay qiimaynayaan xidhiidhka aad adigu iyaga la yeelanaysid, waayo waxa aad muhiim u tahay jeebkooda. Kuwa kalana waxa ay qiimaynayaan xidhiidhka ay iyagu kula yeelanayaan; waayo waxa aad muhiim u tahay caalamka fekradahooda. Hoggaamintu waa laba nooc: Waxa jirta hoggaamin ka fekerta uun awood...