1 Sano Ka Dib Doorashadii Golaha Wakiillada Somaliland: Qiimayn Guud
Hordhac
Waxa sannad buuro ah laga joogaa maalintii ay dhacday doorashii ay ku soo baxeen Golaha Wakiillada Soomaalilaan. Waxa ay dhacday 31kii May sannadkii 2021kii. Waxa ay ahayd maalin wayn oo Soomaalilaan taariikh ku leh. Maalintaas bulshada iyo musharraxiintuba si wayn ayay u sugayeen.
Golahani waxa uu baddelay golihii ka horreeyay oo muddo badan kuraasida fadhiyay, muddo ku dhaw 11-12 sano oo aan sharci ahayn oo muddo kordhina ayay fadhiyeen golihii hore, oo sannadkii 2005tii ayaa la doortay. Shacabku way ka daaleen, oo inay ka daaleen waxa kuu caddaynaysa sida kuwa hadda la doortay loo yaqaanno looma aqoon, sida kuwa hadda la doortay kalfadhiyadooda loogu dhegtaado looguma dhegtaagi jirin. Cidiba iskuma mashquulin jirin.
Haddaba golahan cusub rejo badan ayaa laga qabay, aad baana loogu hanwaynaa. Bulshaduna isbeddel ayay naawilaysay. Haddaba waa gar in la iswayddiiyo rejadii shacabka iyo wixii laga filayay Golaha cusub ee Wakiilladu muddadaas sannadka ah maxay ka qabteen? Waa gar, weliba waa waajib in qiimayn guud lagu sameeyo.
Aniga oo aragti muwaaddin qaba ayaan aragtidayda iyo jamhuurka bulshadu qabto ku cabbirayaa halkaa sano waxa ay goluhu soo kordhiyeen, dhaliishooda, halka ay rejadii shacabka wadaan, iyo waxa laga filan karo 4 sano ee u hadhay.
Maxay qabteen 1kaa sano Golaha Wakiilladu?
Markii golaha cusub la doortay ee 82ka mudane soo baxeen, isla markiiba waa la dhaariyay. Dhaartii ka dib waxa sidii sharcigu ahaa ay noqotay inay iska dhex doortaan shirguddoon. Isjiidjiid badan, hirdan badan iyo waqti badan ka dib bishii Ogosto waxa ay doorteen shirguddoon cusub. Maalmihii ay shirguddoonka dooranayeen bulshadu habdhaqanka golaha aad bay u dhalliilaysay, oo qaabka ay wax u wadaan, iyo habkooda aad baa loo saluugsanaa, waayo waxa la isla dhexmarayay in xildhibaanno lacag lagu baayacay oo qaarkood la iibsaday. Marka qofku maqlo xildhibaankii aad cadceedda u taagnayd waa la baayacay wuu yara khajilayay. Aakhirkii shirguddoon cusub baa la doortay.
Maalintaas wixii ka danbeeyay waxa bilaabmay kalfadhiyadii golaha. Muddada sannadka ah ee ay joogaan waxa ay qabteen 2 kalfadhi, iyo kii saddexaad oo ay hadda ku jiraan oo socda. Waqti dheer ayay fasax galeen oo ku dhaw kalfadhiyada. Halkaas waxoogaa bulshadu way ka dayrisay oo waxa ay islahaayeen iska daa inay fasaxa sii dheeraystaane xataa waqtiga sharcigu fasaxa u oggolaaday ayay bulshada u shaqayn.
Intii ay kalfadhiyada ku jireen waxa ay qabteen shaqooyin badan. Sida ay ku sheegeen MUUQAAL uu GOLUHU maalin dhawayd duubay waxa ay xuseen waxyaabahan:
1- Samaynta xeer hoosaadka iyo ansixinta.
2- Samaynta Xafiisyada tobanka Guddi iyo qalabayntooda.
3- Habaynta Xafiisyada Shirguddoonka.
4- Wax ka baddelka Miisaaniyadda.
5- Ansixinta xeerka sahaminta iyo saasaarista shidaalka.
6- Xeerka Ilaalinta xuquuqda Carruurta.
7- Xeerka xakamaynta ka ganacsiga iyo tahriibinta dadka.
8- Xeerka shaqaalaha dawladda.
9- Ansixinta guddida furista ururrada.
Maxaa dhalliila ee Golaha lagu arkay 1kaa Sano?
1- Gacan ka hadal iyo dagaal: Tiraba laba jeer ayay golaha khilaaf gacan ka hadal sababay ka dhashay, mar waxa ay dhammaadkii sannadkii hore ee 2021ka maalin la horkeenay xeer 14 oo ku saabsan furista ururrada. Maalintyaas dagaal iyo buuq baa ka dhacay golaha, oo sida saxaafaddu warinaysay waa ba la isgacanqaaday.
Ta labaad waxa ay ahayd bishan May dhexdeeda maalintii la ansixinayay Guddida Furista Ururrada. Ansixintii ayaa lagu kala aragti duwanaaday. Aragti duwanaantiina waxa ay sababtay gacan ka hadal iyo feedh. Goolahana maalintan aad baa loogu dhex dagaallamay, oo mudanayaashu xataa way kala safteen oo aad bay isku feedheen.
Labadaas ficil ee labada maalmood ee kala duwan dhacay labadaba waxa aan u arkaa ceeb. Mudanayaasha qaarkood oo saxaafadda la hadlay ayaa ku dooday in dagaalku yahay dabcdiga iyo dhaqanka Baarlamaannada dunida! Maaha, waa ba ka ceeb iyo magacxumo. Malaha duni tan aynu joogno ee dagaalka dibudhaca loo arko ayay sheegaan! Malaha duni tan ixtiraamdarrada aragtida ceebta loo arko mid aan ahayn ayay sheegayaan. Mooyaan, se waxa aan xasuusinayaa cidkasta in Mudanayaal Gole oo iyagu sidii arday fasal fadhida isku feedhfeedhayaa inay ceebtahay. Waa ceeb, mardanbe iyo beri danbe inay arrintaas ku noqon ayaan qabaa.
Waa mid ka mid ah waxyaabaha dhaawacaya rejadii iyo kalsoonidii ay bulshadu ka qabtay mudanayaasha. Rejadii bulshadu ka qabtay mudanayaasha qayb ka mid ah dagaalkaa gacan ka hadalka ah iyo isjiidjiidkaas ayaa dhaawacay. Haddii uu sidaas ku sii socdana waxa aan hubaa in la tufi doono, oo shacabku ka rejo dhigi doono, kalsoonida ay ku qabaanna kala noqon karo iyaga oo aan xilkooda dhammaysan.
2- Maalinta Doorasho laga hadlayo ayay golaha soo wada xaadiraan: Inta badan marka doorasho nooca ay doontaba ha ahaatee laga hadlayo golaha iyo dalkaba xiiso gaara ayaa ku soo kordha. Waan garan waayay waxa xiisaha ka qaaday maalinta goluhu ka hadlayo xeerka shaqaalaha, waxbarashada, tamarta, caafimaadka iyo adeegyada kale, ee maalinta doorashada uun wada xiiso iyo khilaaf ka dhigaya! Waan ogahay oo mudanayaashu si fiican ayay uga warqabaan xaaladda iyo duruufta ay ku suganyihiin bulshadii soo dooratay ee Miyi iyo Magaalaba joogtay, oo xogla’aan kama aha, se malaha waa ka arrinxumo iyo danaynla’aan! Bulshada Miyi joogta ee mudanaha soo dooratay adhi iyo geel umay dirane waxa ay u diratay inuu duruuftooda wax ka qabto, oo dhaqdhaqaaq sameeyo oo ceelal, caafimaad, waxbarasho iyo wixii kalaba u qabto! Kuwa magaala joogana waxa ay ahayd inay maciishadda, shaqala’aanta, caafimaadka, waxbarashada, sicirbararka IWM wax kala qabtaan. Mudanayaashu intaaba iyagaa afkooga ka ballanqaaday maalmihii ay ololaha ku jireen maaha wax hadda yimid oo xalay dhalay ah! Haddii ayna waxba waxyaabahaas ka qaban KARIN may ahayn inay ku ololeeyaan ama bulshada bacadka u taagan kaga hor afgobaadsadaan.
3- Baahiyaha Bulshada waxbadan kamay qaban: Tan iyo maalintii mudanaha la doortay oo hadda laga joogo sannad buuxa way yartahay mudanaha deegaannadii laga doortay tagay ee xaaladdooda u kuurgalay! Mudanaha hal mar tagay mar labaad ma tegin. Intii ay ololaha ku jireen ee ay deegaannadooda tageen ayaa kun jeer ka badan intan iyaga oo mudanayaal ah ay tageen! Iskuma wada darayo, se waxa xaqiiqo ah mudanayaal badan maalintii la doortay ayaa deegaannada qaar ugu danbaysay! Waxqabad iyo u kuurgal iska daaye, xataa mahadcelin umay tegin. Waa dhalliil uu leeyahay mudane kasta oo deegaankii laga soo doortay aan xaaladdooda ka warhayn.
4- Hadal mooyee waxqabadku wuu ku yaryahay: Mudanayaasha danta bulshada SL ka hadlaa aad bay u yaryihiin, haddana inta hadasha ee dano bulsho ka hadasha waxa ka badan inta aamusan. Sidoo kale, waxa yar metelaadda mudanayaasha. Way yartahay oo kow iyo laba ayay noqon mudanayaasha deegaannadii laga soo doortay wax u qabtay. Arrinta mudanayaashu ku dhalliilanyihiin waxa ay tahay inayna hadal mooyee ficil qaban! Haddii ay HADAL uun bulshada u qaban karaa maxay kaga duwanyihiin qof shiciba oo isba hadlay? Waxba, kaliya xasaanadda ayay dheeryihiin. Waxa xasaanadda loo saaray may ahayn hadal kaliya, se waxa ay ahayd inay iyaga ayaa xeerarka iyo sharciyada dalka lagu dhaqayo curiyaane inay xeerar ka soo saaraan, oo gacmahooda wax ku baddelaan. Se way ka gaabiyeen oo muddadaas sannadka ah ee ay joogaan waxbadan may soo kordhin.
5- Awoodda Golaha xukuumaddu may dareemin: Markii ay golaha yimaaddeen mudanayaasha hadda joogaa waxa ay la yimaaddeen facfac badan, waxa ay isku dayeen inay xukuumadda la xisaabtamaan. Dhawr jeer oo kala duduwan waxa ay u yeedheen oo la kulmeen qaybaha kala duwan ee xukuumadda. Inta badan way soo ajiibeen hay’adaha xukuumaddu. Se waxa jirtay marar wasiirrada qaar xukuumadda ka mid ahi mudanayaasha diideen sida ay mudanayaashu saxaafadda ka sheegeen. Tusaale ahaan, Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilladu waxa ay golaha u soo gudbiyeen inay yeedheen Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, se uu ka dhega adaygay, sidaas darteed ay kalsoonida kala laabtaan. Markii uu Wasiirku Guddida u iman waayay guddidu waxa ay saxaafadda ka sheegeen in ay shaqo ka qabanayaan, oo go’aan ka gaadhayaan. Golaha ayay u gudbiyeen, waraaqaddii kalsooni kala noqonashada ku saabsanayd waxa golaha ka hor akhriyay xoghayaha golaha. Se hadalkii ay saxaafadda ka sheegeen iyo soojeedintii kalsooni kala noqoshada may jirin wax ka fulay. Taasi waxa ay sheegaysaa in awoodda golaha aan weli xukuumadda laga dareemin, hadallo badan oo mudanayaashu saxaafadda ka sheegaana aan la dhaqangelin.
Maxaa laga filan karaa 4ta sano ee soo socda?
Maadaama ay sannad mudanayaashu golaha fadhiyeen, waxa ay qabteene ay tirsanyihiin, waa macquul oo waa laga qiyaas qaadan karaa waxa ay soo kordhin karaan 4ta sano ee soo socda.
Tan iyo intii ay mudanayaashu golaha fadhiisteen fudayd badan ayaa ka muuqda, dhawr jeer ayay hadallo isdhaafsan saxaafadda ka jeediyeen, se may dhaqangelin. Waxa ka mid ahayd inay sheegeen inay kalsoonida kala noqonayaan wasiirro, se may dhicine illaa hadda xubnihii ay kalsoonida kala noqonayeen waa wasiirro.
Waxa laga filan karaa waxyaabo badan oo waxqabad iyo fadhiidnimaba iskugu jira. Horta rejadii bulshadu ka qabtay marba marka ka danbaysa way sii yaraanaysaa.
Talo Soojeedin
Maadaama aynu soo sheegnay muddadaas sannadka ah waxyaabaha ay Goluhu qabteen iyo waxa ay na qaban, dhalliisha IWM, waxa muhiim ah in aan wixii talo ah mudanayaasha halkan uga gudbiyo:
1- Waa in mudane kastaa deegaannadiisii ku noqdaa, ku noqosho kaliya maahee waa inuu wax u qabtaa oo baahiyaha tirabeelka ah ee ay tebayaan waa inuu wax kala qabtaa. Mudanaha marka masuuliyadda Qaranka laga yimaaddo, masuuliyad gaara ayaa ka saaran deegaanka laga soo doortay.
2- Waa in mudanuhu si gaara uga warhayaa bulshadii u codaysay intii baahiyaha gaarka ah qabay. Ma wada gaadhi karo, se waa muhiim kolba inta uu awoodo inuu wax la qabto.
3- Waa in mudanuhu dhankiisa u ololeeyo sidii uu u samayn lahaa xeerar bulshada anfacaya.
4- Waa in dhammaan mudanayaashu isku waafaqaan inay soo saaraan xeerar wax ka qabanaya sicirbararka, waxbarasha xumada, caafimaad darrada IWM.
5- Waa inay mudanayaashu fahmaan in la aragti kala duwanaadaa inayna ceeb ahayn, se ay tahay wax caadiya oo bini’aadanka ka mid ah; se waxa ceeb ah in kala aragti duwanaanshaha la isku ceebsado, la isku dagaalo, oo la isku xumeeyo.
6- Waxa aan u soo jeedinayaa mudanayaashu inay ogaadaan in dagaalka gacan ka hadalka ahi aanu dabciga golayaasha iyo siysaadda ka mid ahayn, se uu yahay dibudhac, ceeb iyo wax laga xishoodo.
7- Waa in mudanayaashu aad uga fiirsadaan go’aannada ay bulshada la wadaagayaan iyo waxa kaga soo noqonaya, waayo waxa dhici karta in mudane bulshada wax u sheego, haddana wax ka duwan lagu dhaqmo oo go’aankiisii beenoobo.
8- Waa in mudanayaashu ay hadalka ficilka ka horreysiiyaan, hadalkana markasta ka doorbidaan ficil iyo waxqabad ay bulshada u qabtaan.
9- Waa in mudanayaashu marka ay bulshada la hadlayaan hiddidiilo iyo rejo geliyaan, waana inay runta u sheegaan, oo wax macquula kula hadlaan, waana inay caqliga iyo aqoonta bulshada ixtiraamaan.
10- Waa in mudanayaashu ogaadaan in waqtigii la doortay durba shan meeloodoow hal meel tagtay, oo 4 meelood u hadhay. Waqtigii durba waa gabaabsi, inta aad joogtaan wax la idinku xasuusto bulshada u qabta, oo shaqada iyo waxa la idiin doortay garta oo ku mashquula.
Gebagebo
Maalintii la doortay Golaha Wakiillada durba 1 sano ayaa ka soo wareegtay. Shantii sano ee sharciga ahaa, 4 baa u hadhay, 1 baa dhammaaday. Markii ololaha lagu jiray iyo intii la hadalhayay in gole cusub la doortaba bulshada rejo wayn ayaa gashay. Golihii ay doorteen waxoogaa way qabteen, se waxbadanna way ka gaabiyeen.
Waxa muhiim ah in mudanayaashu shaqada sidii ay ugu dhaarteen u qabtaan, waa inay rejada bulshada u rumeeyaan, waana inayna bulshadu ku hungoobin.
W/Q: Cabdirisaaq Sandheere
02 Juun, 2022
Comments
Post a Comment