Posts

Showing posts from August, 2022

Faallada Buugga “ How Will You Measure Your Life”

Image
Hordhac   Buuggan la yidhaahdo “How Will You Measure Your Life~ Sideed Noloshaada Halbeeg ugu samaynaysaa?”   waxa qoray saddex qoraa oo kala ah: Clayton Christensen, James All worth iyo Karen Dillon. Wuxuu ka warramayaa sidii qofku noloshiisa halbeeg uu ka duulo u samayn lahaa. Waxkasta iyo heerkasta oo nololeed wuxuu u baahanyahay in qofku halbeeg yeesho. Waxa laga yaabaa inaad marar badan iswayddiisid: Waa maxay hadafka noloshaydu? Maxaan rabaa inaan dunida kaga tago ka hor inta aanan dhiman? Sideen u noolaan karaa nolol ujeeddo leh? IWM. Haddaba buuggu waxyaabahaas ayuu si wanaagsan kaagaga jawaabayaa. Buuggu wuxuu ka koobanyahay 207 bog. Wuxuu ka koobanyahay laba qaybood. Labadaas qaybood ayaan si kooban u sharraxi doonaa. Sideed Noloshaada u cabbiri kartaa?   Qaybta koowaad, qoraayadu waxa ay kaga warramayaan in qofku farxad ku dareemo shaqada uu qabto.   Waxa muhiim ah in qofku shaqada uu qabto uu jecelyahay oo farxad ku dareemayo. Haddii aanu qofku ku qanacsanay

Ninkii Dhimashadiisa Gaaladu ku Farxeen!

Image
   Ninkan markii uu dhintay reer Yurub aad bay u farxeen. Qabrigiisii ayay dul fadhiisteen iyaga oo ku dul jaasaya, khamrigana ku dul cabbaya. Dadka qarbiga Salaaxudiin Al Ayuubi ku dul jaasayay waxa ka mid ahaa boqor Fuunus, qabrigii Salaaxudiin ayuu teendho ka dul dhistay, wuxuuna dul dhigtay sariir dahab ka samaysan. Isaga iyo xaaskiisiiba iyaga oo jiqilaysan ayay qabrigii dul seexdeen. Boqorkii wuxuu yidhi: “ Maanta waxa aan la wareegay dhulkii Muslimiinta iyo Carabta.” Mid ka mid ah dadkii Qabriga dul fadhiyay ayaa yidhi: “ Wallaahi haddii ninka qabrigan ku jiraa uu soo baxo hal qofna innaga reebi maayo oo dhammaanteen wuu inna wada layn.” Boqorkii baa xanaaqay, seeftiisa ayuu galka kala baxay isaga oo raba ninka hadalkan leh inuu qoorta ka gooyo, ka dib xaaskiisii oo ag joogtay ayaa gacmaha qabatay, waxayna ku tidhi: “ Run buu ninkaasi sheegay, haddii uu Salaaxudiin noolyahay ma sidaas ayaynu qabrigiisa ugu dul faani lahayn? Wallaahi taasi isaga sharaf bay u sii kordhinaysaa, xat

Gorfeynta Buugga “ Everything You Have Told Me Is True ~ Waxkastaa waa Dhab.”

Image
   Hordhac Buuggan ladhkiisu waa  “  Everything You Have Told Me Is True ”  oo Af Soomaali ku noqon kara ‘ Waxkastaa oo aad ii sheegtaa waa Dhab .” Cinwaan hoosaadkiisu waxa uu yahay “    The Many Faces of Al Shabaab ~ Wejiyada badan ee Al Shabaab.” Buugga waxa qortay Maari Haarbar, oo ah gabadh ajnebi ah. Maari, waxa ay u shaqaysaa Idaacadda BBC. Waxa ay BBC uga soo warramaysay tan iyo markii dagaalkii sokeeye qarxay sannadkii 1991kii. Waxa ay shahaadooyin Jaamacadeed ka qaadatay Jaamacadda Cambridge, iyo School Oriental and African Studies. Meelo kaladuwan ayay wax ku daabacdaa sida ‘ The Times’ iyo ‘ The Washintong.’ Arrimaha Soomaalida muddo badan ayay ka hadlaysay, oo wax ka qoraysay. Maqaallo badan ayay ka qortay. Buugta ay ka qortay waxa ka mid ah buugga “ Warxumatashiilka Soomaaliya – Getting Somalia Wrong” iyo buuggan la yidhaahdo    “ Everything You Have Told Is True” oo ay Al Shabaab ka qortay, ayna soo saartay sannadkii 2019kii. Maari Haarbar, waxa ay ku hadashaa waxna ku q

Maxay Noloshu I Bartay?

Image
      1-        Noloshu waxa ay I bartay in dadka qaar ka cabsadaan wax cusub oo ay jecelyihiin waxa tegay/tagtadii, ayna nacaan inay wax la yimaaddaan oo ikhtiraacaan. Sidaas darteed ma jiro wax cusub oo ku soo kordhaa. Sidaas darteed qaarkood waxa ay isku dayaan inay soo koobiyeeyaan afkaaro dad kale leeyihiin, ka dibna ay yidhaahdaan ‘ Aragti cusub ayaan haysannaaye miyaanad ujeedin?’ 2-      Noloshu waxa ay I bartay in dadka qaar ka cabsadaan Ducaadda la jecelyahay, iyo mufarikiinta haya aragtiyo cusub oo aragtiyahoodu muhiimka yihiin; sidaas darteed waxa ay dadkaas la galaan dagaallo ay ku jabayaan oo khasaare laxaadlihi ka soo gaadho. Balse, dadku waxa ay ducaaddaas iyo dadka kalmadda xaqa ah faafinaya ka korodhsadaan wacyi iyo jaceyl. 3-       Noloshu waxa ay I bartay in hadalka miisaaman ee isku dheellitiran in la yidhaahdaa ay waajib tahay, waayo hadalku waa ka abuura dhabnimada waaqica. Hadalkuna waa natiijo ka dhalatay aragti. Quraanka markii la soo dejiyay hadalkii u horree

Tallaabooyin kaa caawinaya inaad Ingiriiska ugu hadashid si Kalsooni iyo faseexnimo leh

Image
   1-        Ha ka cabsan inaad qalad geshid Ujeeddada aad luuqadda ugu hadlaysaa waa in farrintaadu ay gaadho cidda ay khusayso, se ma aha in aad ku hadashid Ingiriis saxan oo garaamarkiisa iyo erayadiisuba wada saxanyihiin. Xataa dadka u dhashay ayaa qalad ka gala luuqadda oo qalad sameeya marka ay ku hadlayaan.   2-       Ku celceli, ku celceli, ku celceli… In lagu celceliyo luuqaddu waxa ay sababtaa in si fiican loo barto. Si joogto ah uga warhay fursadaha aad ku tijaabin kartid ku hadalka luuqadda. 3- Dhegayso Markasta oo dhegaysigaagu bato waxa kuu fududaanaya inaad si fiican Ingiriiska ugu hadashid. Si kalsooni leh oo faseexnimo leh ayaad ugu hadli luuqadda marka aad qof la sheekaysanaysid, waxaanad baran sida fekerkaaga loo dhiibto marka aad hadlaysid oo waxa aad keeni odhaahyo cusub iyo halxidhaalayaal cusub.   4-       Guusha u dabbaaldeg Markasta oo aad luuqadda Ingiriisiga baranaysid kula hadashid qof waa hore u socod kuu soo kordhay. Xidhiidhkasta oo aad samaysid sida uu d