Faallada Buugga “ How Will You Measure Your Life”
Hordhac
Buuggan la yidhaahdo “How Will You Measure Your Life~ Sideed
Noloshaada Halbeeg ugu samaynaysaa?”
waxa qoray saddex qoraa oo kala ah: Clayton Christensen, James All worth
iyo Karen Dillon. Wuxuu ka warramayaa sidii qofku noloshiisa halbeeg uu ka
duulo u samayn lahaa. Waxkasta iyo heerkasta oo nololeed wuxuu u baahanyahay in
qofku halbeeg yeesho.
Waxa laga yaabaa inaad marar badan iswayddiisid: Waa maxay
hadafka noloshaydu? Maxaan rabaa inaan dunida kaga tago ka hor inta aanan
dhiman? Sideen u noolaan karaa nolol ujeeddo leh? IWM. Haddaba buuggu
waxyaabahaas ayuu si wanaagsan kaagaga jawaabayaa.
Buuggu wuxuu ka koobanyahay 207 bog. Wuxuu ka koobanyahay laba
qaybood. Labadaas qaybood ayaan si kooban u sharraxi doonaa.
Sideed Noloshaada u cabbiri kartaa?
Qaybta koowaad, qoraayadu waxa ay kaga warramayaan in qofku
farxad ku dareemo shaqada uu qabto. Waxa
muhiim ah in qofku shaqada uu qabto uu jecelyahay oo farxad ku dareemayo.
Haddii aanu qofku ku qanacsanayn shaqada uu qabanayo wax dhiirrigelin ah ma
helayo, wuxuuna arkayaa in waxani culays badan ku yahay. Qofku diiqad ayuu
dareemayaa.
Waxyaabaha qofka ku sababa inuu shaqadiisa iyo xirfadda uu ku
shaqaynayo ku qanacsanyahay waxa ka mid ah inuu dhiirrigelin qofku helo oo ay
jirto wax qofka ku riixaya qabashada shaqadan uu qabto.
Qoraa Frederich Herzberg, oo aad wax uga qora dhiirrigelintu wuxuu
in qanaacada shaqadu tahay waxyaabaha ugu waawayn ee keena silsilad isku xidhiidhsan
oo qofka noloshiisa ah; waxa ayna ka bilaabantaa qofka oo shaqada ku faraxsan,
waxayna ku dhammaadaa qofka oo meeshii uu doonayay gaadhay.
Qoraagu wuxuu leeyahay “ Waxa suurtagala in qofku shaqadiisa
jecelyahay, sidoo kalana uu necebyahay, tusaale ahaan.” Marka uu sharraxaadda
ka bixinayana waxa uu xusayaa inay jiraan laba qodob oo saameeya arrintaas.
Labada qodob ee saameeyaa waxa hal’abuurkooda lahaa Frederich Herzberg ,
waxayna kala yihiin:
1-
Jawiga
Shaqada ( Hygiene Factors): Waa waxyaabaha qofka dhiirrigelinta gelinaya
haddii uu helo, sida xaaladda shaqada, magdhawga qofku helayo, sugnaanta
shaqada ( Job Security0), siyaasadda shirkadda, kormeerka qofka qaabka loogu
sameeyo IWM. Tusaale ahaan, waa inaan qofka loo dirin shaqo aanu
masuuliyaddeeda lahayn, iyo in aanu jirin maamul qofka hawadiisa iyo waxa uu
doono ku maamulaya.
2-
Dhiirrigelinta:
Qodobbada dhiirrigelinta waxa ka mid ah, in qofka masuul laga dhigo oo
masuuliyad la saaro, in qofka la aqoonsado, iyo koritaanka shakhsiyadeed.
Haddaba si qofku farxad u dareemo, wuxuu u baahanyahay inuu
raadiyo fursado oo muhiim ah, kuwaasi oo kuu saamaxaya inaad waxyaabo cusub
baratid, inaad guulaysatid, iyo inaad masuuliyad isasaartid. Dadka shaqadooda
jecelna waa kuwo marka ay shaqada maalinlaha ah ka soo rawaxaan faa’ido u soo
hoyato oo wax ka taransada. Dadaalkooda oo dhan waxa ay iskugu geeyaan shaqada
ay qabanayaan, waxa ay qabanayaana si wanaagsan ayay u qabtaan.
Istaraatijiyaddu ma aha wax la iska yidhaahdo uun, oo afka
laga dhaho. Ha ahaato Istiraatijiyad shirkadeed ama mid nololeed ba e waxa ay
ka abuurantaa kumannaan go’aan ee qofka sida maalinlaha ah u khuseeya, kuna
saabsan sida uu qofku waqtigiisa u maaraynayo, sida qofku tamartiisa u
maaraynayo, iyo sida qofku lacagtiisa u maaraynayo. Go’aankasta oo aad qaadaysid
waxa kaaga baxaysa tamar iyo lacag.
Qaybta labaad, qoraagu wuxuu kaga warramayaa ‘ In farxadda
laga dhex helo xidhiidhada’ macne ahaan, in qofku farxadda ka samayn karo cidda
ugu dhaw sida ehelka, asxaabta uu la shaqeeyo, iyo kolba inta ku hareeraysan. Waayo,
qofka aad la shaqaysid iyo goobta aad ka shaqaysid ba way ku saamaynayaan oo
qofka aad tahay qayb ayay ka noqonayaan. Wuxuu xusayaa qoraagu isaga oo
khibraddiisa ka hadlaya in dadka guulaystay ay xoogga saaraan waxa ay
noqonayaan marka ay shaqada joogaan, marka ay guriga joogaana ay na muhiimad
badan siin.
Xidhiidhka aad la leedahay qoyska iyo asxaabta kuu dhaw waxa
ay noqon karaan ilaha iyo meelaha ugu muhiimsan ee aad farxadda ka heli kartid.
Balse, waa inaad aad uga taxaddirtid, oo il gaara ugu haysid.
Xidhiidhada qaar waxa ay la midyihiin sidii ganacsade alaab
iibinaya, ganacsaduhu wuxuu iswayddiiyaa waxa uu rabo inuu macaamiishiisa ka
iibiyo, halkii uu iska wayddiin lahaa waxa ay dhab ahaan macaamiishu u
baahanyihiin. Waxa haddaba halkaas ka dhex maqani waxa weeyaan inuuna
ganacsadahaasi fahmin dhibaatada macaamiisha haysata ee ay rabaan inay
xalliyaan. Sidaas waxa la mid ah xidhiidhada qaar, oo qofku wuxuu isku dayayaa
inuu isagu dantiisa uun eegto, oo aanu iswayddiin ba waxa qofka kale ee uu
xidhiidhka la samaynayo u fiican.
Waxa iyadna muhiim ah inuu qofku ogaado waxa ay qoyskiisu
qiimaha gaarka ah sameeyaan, tusaale ahaan qoyskaagu ma waxa ay qiimeeyaan
hal’abuurka, maskaxd badnaanta, geesinnimada, hawlkarnimada, IWM. Marka aad
ogaatid waa muhiim inaad kula dhaqantid. Sidoo kale, waa inaad u mahadcelisid
oo shaqo wanaagsan ayaad qabateen aad ku tidhaahdid.
Waxa kale, oo qoraagu ka warramayaa in qofku go’aansado waxa
uu doonayo inuu qabto, ka dibna qofkii had iyo jeer u heellanaado sidii uu
waxaa u fulin lahaa ama u qaban lahaa.
Gebagebo
Halbeegu nolosha qofka ayuu muhiim u yahay. Qofku waa inuu
halbeeg nololeed iyo mid kalaba lahaadaa. Taasi noloshiisa ayay caawinaysaa.
W/Q: Cabdirisaaq Sandheere
Ogosto 08, 2022.
Comments
Post a Comment