Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

 

Hordhac
Buuggan waxa lagu magacaabaa “ A woman of Firsts ~ Gabadhii ugu horreysay.” Cinwaanhoosaadkiisu waa ‘ The Midwife who built A hospital and changed the world ~ Ummulisadii Cusbitaalka dhistay ee adduunyada baddeshay!” Waxa qortay Adna Aadan Ismaaciil. Adna, waa aasaasaha Dhaktarta Adan Aadan, iyo Jaamacadda Adna Aadan. Waxa ay soo noqotay Wasiirkii Arrimadaha debadda, iyo sidoo kale wasiirkii Arrimaha bulshada Soomaalilaan. Haddana waaa xubin ka mid an wadahadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya. Waxa ay isguursadeen, oo ay xaas u ahayd Madaxweynihii hore ee Soomaalilaan Maxammed Xaaji Ibraahin AHUN, sidoo kale Raysalwasaare ka noqday Soomaaliya waqtigii midawga.
Waxa uu ka koobanyahay  257 bog. Waanna 17 Cutub oo xidhiidh ah. Waxa uu ka warramayaa taariikhnololeedka Adna Aadan.  Waxa aan isku dayayaa in aan gorfeeyo, oo meelaha qaar naqdiyo. Sidoo kale, nuxurka guud soo koobo.
Nuxurka buugga
Buugga intaanad gelin dhinaca hore ee XUQUUQDA buugga lagu qoro, waxa ay ku xusaysaa “ In buuggu yahay sheekofaneed, magacaanta iyo sifooyinka ku jiraanna dhammaantood yihiin MALA’AWAALKA QORAAYADDA!” Waxa layaableh buug ay siday hordhaca ku sheegtay dhacdooyinkii nolosheeda ay kaga warramayso, in ay MALA’AWAAL ku sheegto. Marka aad intan u fiirsato waxa aad isleedahay buunbuuninta buugga ku jirta malaha waaba MALA’AWAAL aan waxba ka jirin. Waxa aan se aad isku wayddiinayaa in qalinku kaga dhacay intay ay ‘ SHEEKAFANEEDDA’ ay tidhi. Haddana waxa aan isleeyahay haddii intaas hore qalinku ka xaday oo kama’ ka noqotay waa sax, se kumay sii dareen waa KHIYAALKII QORAAYADDA! Markaas waxa iska cad in loo kasay. Waxa kale, oo aan aad isku wayddiinayaa intan bogga hore ee xuquuqda ku taalla malaha Adna maba ogayne CIDDII daabacday, ama tifaftirtay ayaa markii danbe ku dartay! Haddana, waxa aan isleeyahay xataa haddii ay dhacdo, idanla’aan waxba kaga may dabadareen qoraayaddee iyadaa u fasaxday! Markaa in buugga TAARIIKHDEEDII ay ku sheegto Edna, iyo inay tidhaa waa KHIYAAL, waa laba isdiiddan, oo aan meel wadagelin! Haddii se ay meel wada galaanna oo iyadu TAARIIKHDEEDII oo dhaba ay kaga warramayso meelo badan oo ay buunbuunisay waa laga shikiyi karaa, oo malaha intani waa KHIYAALIGII ay sheegaysay ayaa la is odhan karaa!
Abbaheed ayay xasuusta dib u celinaysaa. Aabbahay wuxuu ahaa qof aqoonta caafimaadka waxka bartay ayay leedahay. Caawiye caafimaad ayaa dagaalkii 2aad ee adduunka ka hor loo tababbaray, markii danbana wuxuu tagay Ingiriiska oo wax ka soo bartay ayay leedahay. Waxa loo yaqaannay “ Aadan Dhakhtar” ayay leedahay. Dadka bukaanka ah ayuu u adeegi jiray. Bukaanku uma kala soocnayne ixtiraam iyo wanaag ayuu kula dhaqmi jiray. Ka u yimaadda ee danyara, ka wax ka soo urayaan, ka uskagga ah IWM ah ba si wanaagsan ayuu ula dhaqmi jiray ayay ku sii daraysaa.
Dhiirrigelin badan ayay ka heshay. Waxa ay xusaysaa inay dhisidda DHAKHTAR ay iyada oo yar niyada ku qabatay. Se wax qorshe ah, nooca uu noqanayo, naqshadda loo dhisayo IWM ah niyada kumay hayn. Se waxa ay islahayd waa inuu ahaadaa Dhakhtar cad oo weyn.  
Awawgeed Ismaaciil, waxa uu ahaa ganacsade wayn. Wuxuu waddamo badan u dhoofin jiray, xoolaha nool, subagga gorayada,  Silfarta IWM ah. Awrtana waxa uu kaga ganacsan jiray Yemen. Ganacsatada Soomaalilaan ugu caansan ayuu ka mid ahaa. Waxa loo yaqaannay Gaadda Cadde.
Adna, waxa ay xusaysaa xilligii ay dhalatay. Waqtigii ay dhalatay, iyo taarikhdiiba si wanaagsan ayay u garanaysaa, waayo Dhakhtarka Hargeysa ayay ku dhalatay. Se sida dad badan meel Miyi ah oo aan la garanayn kumay dhalan. Taasaa u saamaxday inay taariikhda saxdo.  Waxa ay dhalatay September 1937kii. Markii ay dhalatay Abbaheed wuxuu u bixiyay “ Shukri” oo la macne ah ‘ Mahadnaq.’ Sababta uu ugu bixiyay waxa ay ku sheegtay in ayna Hooyadeed muddo laba sano ah waxba dhalin.  7ba cisho ka dib ayay Hooyadeed u bixisay magaca ADNA iyada oo ku sharfaysa gabadh ay saaxiibbo ahaayeen oo Adna la yidhaa. Waxa Dr Anda Aadan, xusaysaa in Hooyadeed Kaatoolig ku soo barbaartay, sidoo kale ahayd Kiristaan!
Waxa ay Adna, ka warramaysaa in muddo ah oo ay ku noolayd Magaalada Boorama. Awawgeed Yuusuf, iyo Ayaydeed Clara ayay la noolayd muddadaa. Ayaydeen waxa ay turjumaan ka ahayd Dhakhtar, Awawgeedna warbaahinta ayuu ka shaqayn jiray. Caanaha xoolaha ayaa aad loo siin jiray. Hooyadeed iyo Ayaydeed ba waxa ay ahaayeen KIRISTAAN sida ay xusayso, oo waxa ay tidhi: “ Kasoo jeedidda aan ka soo jeedo guri laba Diinood kala haystaa waa ii khibrad xiiso u leh carruurnimadaydii. Aabbahay wuxuu ahaa Islaam Salaadaha tukada. Sidoo kale, Salaadaha Jimcaha ayuu tagi jiray sida uu u tegi jiray Ramadaanta Iyo Ciidaha… Ayeeyooyinkey, iyo Hooyaday way heesi jireen, waxayna u dabbaaldegi jireen Kirismaska!” Bogga 32.
Maskaxdaydu waxa ay u gaajoonaysay xogo iyo aqoon ayay tidhi Edna. Buug xaafadda taallay ayay soo qaadan jirtay. Maalin ayay buug soo qaadday, way kalabixisay oo akhriday. Aabbaheed ayaa ku yidhi “ Maxaad qabanaysaa?” In ay wax akhriyayso ayay u sheegtay. Been buu  moodayay iyo inay iska yeelyeelayso, wuu u yeedhay, waaba iyada oo buug akhriyaysa.  Wuu yaabay. Xaafaddii ayaa tashi bilowday markay arkeen inantan yar ee iyadu wax isbaraysa meeshan ayna ka jirin Dugsiyo gabdheed. Hooyadeed iyo Aabbaheed ba waxa ay ahaayeen aqoonyahanno siday sheegayso. Waxa la isku raacay in waxbarasho loo diro.
Jabbuuti ayay waxbarasho u tagtay. Waxa loo geeyay Habaryarteed Cecilia oo Hooyadeed walaaloyihiin oo halkaa ku noolayd. Habaryarteed ninkeedu wuxuu ahaa ganacsade, intayna u tagin ayaa dhawr sano ka hor la dilay. Waxa ay u haysay saddex carruura, kii afraad ayay uur u lahayd. Waxa ay ka shaqayn jirtay Dugsi. Iyada ayay Adna Aadan la joogtay, waxbarashadana ka dhigan jirtay. Habaryarteed Ingiriisiga iyo Faransiiska ayay ku hadli jirtay. Labadaas Adna si degdega ayaan uga bartay ayay tidhi.
Lix sano ayay Jabuuti ku soo qaadatay ( 1946-1952). Soomaalilaan ayay ku soo laabatay. Gabadh la yidhaa Caasha oo  Dhakhtar ahayd ayay muddo Hargeysa kala shaqaynaysay. Waxoogaa ka dib waxa Burco laga furay Dugsi. Waxa loo baahday Macallin Luuqadaha yaqaan oo ardeyda waxbara, Macallimiintana caawiya, maadaama Macallimiintu Soomaaliga uun yaqaanneen, Ingiriisigana waxyar ka yaqaanneen. Laba Sano ayay ka shaqaynaysay oo ku noolayd Burco Marwo Adna. Waxa ay tidhi shaqadaasi waa tii iigu horreysay ee aan lacag ku qaato, weliba Shilimaad ayay qaadatay. Ingiriiska ayaa Deeq Waxabarasho bixin jiray. Sannado hore wuu bixiyay, sannadkan ay Burco joogtana deeqdii waalla bixinayaa. Waxa ay tidhi waa la igu soo qoray, oo magacaygu ardeyda imtixaanka laga qaadayo ee debadda laga gaynayo inuu ku jiraan ogaaday. Iyada kelideed ayaa gabadh ahayd, waxa kale rag bay ahaayeen. Imtixaankii way baastay. Markii la wayddiiyay waxa ay baranayso, iyada oo aan ka labalabaynayn ayay tidhi “ Nurse baan doonayaa.” Waa lagu qoray. Ingiriiska ayay 1954kii tagtay.
Ingiriiska ayay Kalkaalisannimo ka diyaarinaysay. Biil baa la siin jiray. Shaqo yar ayay doontay inay qabato xilliyada ayna waxba baranayn. BBC ayay muddo la shaqaynaysay sida ay u xustay. Aabbaheed ayaa maqlay. Wuu ku farxay, oo wuu u soo hanbalyeeyay. Habeennada qaar waxa ay tagi jirtay meelaha lagu ciyaaro. Habeen ay tagtay ayay iyaga oo ciyaaraya is arkeen Wiil quxux badan. “ Halkeed ka timid?” ayuu ku yidhi. Inay Soomaalilaan ka timid ayay u sheegtay. Isna way wayddiiysay. Wuxuu u sheegay inuu Soomaalilaan isna uu ka yimid. Adigu isku tuurtuur badan ka dib way isbarteen. Magaceed ayuu wayddiiyay. “ Adna Aadan ayaa la I yidhaa.” Ayay tidhi. Magaca Aabbaheed oo caan ahaa inuu gartay waa suurtagel. Isna magaciisa ayuu u sheegay wuxuu yidhi “ Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal” ayaa la I yidhaa.  Qoyska Xaaji Ibraahin oo caana ahaa ayaan gartay ayay tidhi. Dabadeedna Lanbarka iyo meelaha ay iskala soo xidhiidhayaan ayay kala qorteen.
Waxoogaa ka dib ayuu Maxamed Xaaji Ibraahin  casuumad Casho u sameeyay, iyadna way ka aqbashay. Si wanaagsan ayay u sheekaysteen. Iyaga oo aan weli is arag ayuu Maxamed Aabbihii Xaaji Ibraahin Cigaal xanuunsaday. Maxammed dalka ayuu ku soo laabtay. Lix Bilood ka dib Aabbihii ayaa geeriyooday AHUN. Maxammed ganacsi xaafaddu lahayd ayuu sii waday.
Edna laba sano ka dib ayay dalka markii koowaad ku soo laabatay sannadkii 1956kii. Abbaheed aad buu ugu faraxsanaa inay inantiisu waxbaratay, halka hooyadeed ay na jeclayn ee ay doonaysay inay Adna joojiso riyadeeda oo guriga u fadhido, waxa ayna Edna hooyadeed odhan jirtay “ Waxa aan guursaday nin doqon ah, wuxuunna ii dhalay gabadh doqon ah” Bogga 63.
Muddo badan ayay joogtay Ingiriiska. Kalkaalisannimada aasaaskeedii ayay dhammmaysay. In ay sii biirsato ayay doontay. Aabbaheed oo booqday ayay la tashatay. Ugu danbayn waxa ay haddana bilowday Ummuliso. Sidaas ayay u dhiganaysay. Intii ay Ummulisannimada baranaysay waxa ay ka dhalisay dumar aad u farabadan. Dhakhtarro kaladuwan ayay ka hawlgali jirtay oo tababbar ku qaadan jirtay sida ay xusayso. Markii Ummulisada ayna dhammaysay, waxa ay rabtay oo ay  xiisaynaysay inay barato Maammulka Dhakhtarrada, maadaama ay doonayso inay mustaqbalka dhisto Cusbitaal waa muhiim inay maammulka Dhakhtarrada barato. Sidaas daraaddeed waxaa qasab noqotay inay waqti kale sii joogto Ingiriiska, oo Jaamacaddiina codsigeedan u gudbiso. Way gudbisay. Waanna laga aqbalay. Sidii ayay ku bilowday barashada Maammulka Dhakhtarrada.
Ogosto 09, 1961kii ayay dalka kusoo laabatay. Si wanaagsan ayaa loo soo dhaweeyay. Shaqooyin kaladuwan ayay Hargeysa ka bilowday. Wiilkii ay Ingiriiska isku barteen ee Maxamed Xaaji Ibraahin beri hore ayaa ugu danbaysay. Isagu siyaasadda ayuu ku biiray, oo Wasiir ayuu noqday. Iyadna Hargeysay Dhakhtar ka shaqaysaa. Maxamed ayaa soo booqday Gobollada Waqooyi, gaar ahaan Hargeysa. Edna oo ay isyaqaanneen muddana ayna is arag ayaa si wanaagsan u soo dhawaysay, siday xusayso. Soodhawayntii ka dib ayuu ku yidhi “ Inaan si gaara u sheekaysannaan doonayaa.” Waqti ayay  ballameen, way sheekaysteen, xusuuso hore ayay isku soo hadalqaadeen. Inuu Muqdisho ku laabanayo ayuu u sheegay. Ballan cad kumay kala tagin, e in ay Edna Muqdisho timaaddo ayay isku ogaayeen. Isna wuu iska laabtay illaa Xamar.
Edna Abbaheed Aadan wuxuu tagay Muqdisho. Maalmo ayuu joogay. Wuxuu doonayay inuu usbuucyo ku maqnaado.  Iyadu weli Hargeysa ayay ka shaqaysaa. Maalin ayay Berbera tagtay, si ay adeeg caafimaad halkaa uga soo qabato. Habeenkii markii ay soo socdeen ayaa nin ku yidhi “ Ma Ina Aadan Dhakhtar baad tahay?” Waxa ay ugu jawaabtay “ Haa.” Wuxuu ku yidhi: “ Aabbahaa wuu dhintay!” Waxa ay isku qancisay malaha ninkani aabbahaa waxba kama garanayo. Haa ma garanayo. Sidaas ayay ahayd illaa ay idaacadda ka maqashay “ Waxa aan tacsi u diraynaa qoyskii Aadan Dhaktar.” Taariikhdu waxa ay ahayd 1dii Diisamber, 1962kii. Weli may rumeysa illaa ay soo gaadhay Hargeysa,  gaar ahaan xaafaddii oo lagu buuqsanyahay. Markay xaafadda timid ee ay aragtay ehelkii oo ooyaya ayay xaqiiqsaday.  Isla aroortii waa la aasay Aabbaheed oo Muqdisho ayaa lagu aasay. Aaska waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynihii waqtigaa Soomaaliya Mudane Aadan Cabdulle Cismaan, Wasiirro, madax, iyo dad farabadan.  Saddex cisho ka dib ayay Edna Aadan Muqdisho u duushay. Qabrigii aabbaheed ayay tagtay oo ay soo eegaysay. Dhimashadiisa way ka shikisantahay, oo in la dilay ayay u badinaysaa, se ma hubto. Dhimashadiisu xanuun aad ah ayuu ku abuuray. Maalmo ka dib Hargeysa ayay iskaga oo laabatay si ay shaqadeedii u sii wadato.
Weli adna Hargeysa ayay ka shaqaysaa. Wiilkii ay Ingiriiska isku barteen ee muddada badanna xidhiidhayeen ee Maxamed Xaaji Ibraahin ayay isjecelyihiin. Maxamed, xaas ayuu lahaa. Se way kalatageen. Hargeysa ayuu yimid. Edna ayay wadacasheeyeen. Waxa ay isla soo hadalqaadeen Jaceyl.  Ugu danbayn in la isguursado ayay isku raaceen. Adeerkeed ayaa bixiyay oo meheriyay maadaama Aabbaheed dhintay. Arooskii Hargeysa ayuu ka dhacay. Waxa ay leedahay  ‘ Waan diidday inaan arooskayga u dhigto sida dhaqanka Soomaalida ah.’ Waxa kale, oo ay xusaysaa in markii ay guursanaysay lagaga naxsaday “ Guurku waa xanuun!”
Maxammed iyo Adna, waxa ay isguursadeen 1963kii bishii April. Markii ay wada aqalgaleen ee isku tageen waxa ay Edna la kulantay xanuun badan oo Xubinta taranka ah, maadaama hore loo guday oo weliba gudniin Fircooni ah lagu sameeeyay. Waxa ay xusaysaa, in Maxamed yaabay, se uu u naxariistay oo weli iska degganaa, iyadana aannu waxba huruufin. Aroortii ayay dumarkii xaafadda la sheekaysatay, waxa ay u sheegtay arrinta ay la kulantay iyo xanuunkan gudniinkii Fircooniga ahaa keenay. Adigu Kalkaaliso ayaa loo geeyay, haweenka qaarkood Giriimyo iyo Faasliin ayay mariyeen, sidey sheegayso. Adigu wax lala tacaalo oo goobo badan ay tagto sidii way yara dhaantay. Toddobabixii waxa ay Edna iyo Maxamed tageen oo ku soo qaateen magaalada Cadan. Hudheel ayay degeen oo halkaas ayay soo joogeen. Waxyar ka dib way soo laabteen. Maxammed Muqdisho ayuu ku laabtay, oo wuxuu hoggaamin jiray Xisbi Mucaarad ah. Adnina Hargeysa oo ay Cusbitaal ka shaqayn jirtay ayay timid.
Muddo ka dib Edna waxa u yeedhay ninkeedii Maxamed. Muqdisho ayay tagtay. Guri uu lahaa oo carruuri u joogtay ayay tagtay. Carruurtii ay AAYADA u ahayd ee ninkeedu dhalay ayay Hooyo iyo qof xannaaneeya u noqotay. Edna, waxa ay rabtay inay shaqaysato, se taasi way ku yara adkeyd maadaama ay carruur hayso. Muddo markii ay joogtay ee ay waxba UUR yeelan wayday ayay iswayddiisay sababta. Maxammed, carruur ayuu lahaaye sababtu waa adiga ayay isku qancisay. Muddo ayay sidii ahayd. In ay guriga Maxammed ka guurto oo aqal kale oo ay Kirada iska bixiso magaalada ka kiraysato ayay doontay, wayna kiraysatay. Hooyadeed iyo walaasheed ayaa la soo degay. Sidaas ayay gaar ugu noolayd. Maxammedna waxa ay ku qancisay “ Waxa aan doonayaa meel gaar ah oo ku nefiso.”
Iyada oo sidaas ayaa qof ay isyaqaanneen u soo bandhigay inay codsado shaqo UN ta qaybteed Hay’adda Caafimaadka Adduunka ka bannaan. Way ka masuugtay, oo ma adiga oo aan khibrad lahayn ayaad codsan ayay iskugu sheekaysay. Ugu danbayn waxa ay istidhi bal isku day uun. Way codsatay. Shaqadii ayaa u soo baxday. Saddex dal oo kala ah Sucuudiga, Yemen, iyo Liibiya ayay jagooyinku ka kala bannaanaayeen, saddexdii ayaa la kala dooransiiyay. Waxa ay dooratay Liibiya. Liibiya ayay tagtay oo shaqadii ka bilowday gaar ahaan magaalada Tiriiboli. Halkaas ayay tagtay , weli ninkeedii Maxammed ismay furin, se way kala maqanyihiin. Hooyadeed iyo walaasheed ayaa u raacay Liibiya. Muddo laba sano iyo waxoogaaya ayay ka shaqaynayasay Liibiya. Ninkeedii Maxammed ayaa dhawr jeer Farriin u soo diray, iyadna way uga jawaabtay. Sannadkii 1967kii Markii Maxammed loo doortay Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayuu ku yidhi: “ Edna, waa inaad timaaddaa dalka.” Way ku faraxday in ninkeedii loo doortay Raysalwasaare. Muddadaa ay kala maqnaayeen ee ayna se isfurin, ninkeedu wuxuu sii guursaday Xaaskiisii hore ee uu furay carruurtana u lahayd. Edna, waxa ay iswayddiisay sawka guursaday! Wuxuu ku yidhi adiga ayaa noqonaya Marwada Koowaad. Sidaas ayay ku qanacday. Dalxiisyo badan oo Marayakan, Landhan, iyo Jarmalba leh ayay u raacday.  Shaqadeedii Liibiya ee ay UN ta u haysay way iska casishay. Muqdisho ayay timid, siday xusayso.
Muddo markii ay wadanoolaayeen, ee ay haddana waxba dhali wayday inay isbaadho ayay doontay. Iyadu Ingiriiska ayay tagtay. Maxammed wuu dhaafay, oo wuxuu tagay Maraykan oo Khudbad ayuu UN ta ka jeedinayay. Iyada oo weli London joogta oo in ninkeedii soo mara oo ay dalkii isku raacaan sugaysa ayay idaacadda ka maqashay “ Madaxweyne Sharmaake, waa la dilay!” Waxa ay leedahay, ma rumeysan, waxa aan wacay Safaaradda Soomaaliya ee Ingiriiska. Warkaasi inuu jiro ayaa la ii xaqiijiyay. Maxammed, weli Maraykan ayuu joogaa. Isna wuu maqlay waxa dhacay. Inay israacaan oo Ingiriiska ka duulaan oo Addis haddana Muqdisho iyo dalkii sidaa ku tagaan ayay doonayeen. Maxammed wuxuu yimid London. Inay duulaan ayuu qorshuhu ahaa. Way diyaargaroobeen, oo Garoonkii laga duuli lahaa ayay yimaaddeen. Iyaga oo garoonka jooga ayuu Maxammed Xaaji Ibraahin go’aansaday inuuna dalkii tagin maadaama uu qalalaase ka dhacay, dawladdiisiina la afganbiyay. Edna ayaa dalka timid saddex Sitimaan ka dib markii afganbigu dhacay.
 Muqdisho markii ay timid gurigii iyo wixii yaallayba iska tag ayaa lagu yidhi. Intii ayna ka tagin waxa ay sheegaysaa inay isticmaali jirtay oo cabbi jirtay Sigaarka, oo waxa ay tidhi waxa aan ka cabbi jiray werwerka. Xataa Baakidhadii Sigaarka aan ka cabbi njiray waa la iga qaatay waqtigaa ayay leedahay.  Mardanbe, oo ay ka warramayso ninkii u danbeeyay ee ay isguursadaan ee Xasan Kayd la odhan ay isasoo fureen, waxa ay tidhi shaqo ma haynin. “ Hooyaday ayaan lacagta shidaalka iyo ta Sigaarkaba wayddiisan jiray.” Ayay ku tidhi bogga 204.
Maxammed kacaankii dalka afganbiyay ayaa xidhay. Edna, sidaas ayay ku kala irdhoobeen. Iyadu dib ayay shaqo yar iskaga kabkabatay, oo Muqdisho ayay Farmasii ka furatay markii hantideedii iyo tii Maxammed la bililiqaystay. Maxammed, ma oga in gurigiisii la dhacay, in alaabtii taallay la qaatay, iyo in Askari bililiqaysatay toona! Edna, waraaqo ayay u diri jirtay, isna wuu u soo jawaabi jiray. Maxammed, guri kale ayuu magaalada ku lahaa. Gurigaas ayay intay Edna Kirada uga soo qaaddo jeelka ugu diri jirtay. Maalin ayuu u soo qoray “ Lacagta kirada ee gurigaa xaaskeyga iyo carruurtayda u dir?” Way yaabtay. Waxa ay ku tidhi: “ Anigu maanan xaaskaagii ahayn?!” “ Waa go’aankeyga ayuu ugu soo jawaabay. Waxyar ka dib ayay hadal qadhaadh u qortay. Waxa ay su’aashay: “ Taas macnaheegu waxaa weeyi anigu xaaskaaga ma sii ahaan doono saw maaha?” Wuxuu yidhi: “ Ednaay, waad fasaxantahay, weliba sida shinbirta ayaad u fasaxantahay.” Jawaabtiisii qalbiga ayay iga jabisay ayay tidhi. Ka eeg bogga 177.  
Waxa ay xusaysaa inay arrintaa aad uga xumaatay. Waxa kale, oo aad ka dhadhansanaysaa hadalkeed inay aad u jeclayd Maxammed Xaaji Ibraahin Cigaal. Sidaas ayay gabadh garoob ah ku noqotay Maxammedna isku macasalaameeyeen. Da’deedu waxa ay ahayd 35 sano sida ay sheegtay.
Muddo ka dib Edna, waxa ay isguursadeen Axmed Xuseen Bulbul. Waxyar markii ay isqabeen ayaa Maxamed I. Cigaal Jeelkii laga sii daayay, siday xusayso. Maxammed ayay is arkeen iyada oo Saygeeda Axmed Xuseen la socota.  Maxammed Xaaji Ibraahin Cigaal gacanta ayuu u taagay Axmed Bulbul, wuxuunna ku yidhi: “ Gabadhaa ilaali.” “Hadalkaas waxa aan u turjuntay inuu I raalligelinayo” ayay tidhi Edna.
Edna, arrimaha caafimaadka ayay aad uga shaqaysaa. Halkaa markay marayso waxa aad u bilowday ladagaallanka Gudniinka Fircooniga ah. Abaabul badan ayay samaysay, oo dadkii ay la noolayd aad bay ugu wacyigelisay. Waxa kale, oo ay u baxday safarro badan oo ku saabsan wacyigelintaas. Meelaha ay tagtay waxa ka mid ah Suudaan, Maraykanka, Netherlands, iyo meelo kale oo badan. Sidoo kale, waxaa loo magacaabay agaasimaha Gargaarka Caafimaadka. Ninkeedii Bulbul ayay isfureen sannad ka dib markii loo magacaabay Agaasimaha Gargaarka Caafimaadka. Sababtana waxa ay ku sheegtay inay safarro badnayd, oo ninkeedii uu u arkay inay wax kale ka doorbidayso, ayna suurtagel ahayn inay guriga joogto. Markii ay Bulbul kalatageen isagu waxa uu ku noqday oo dib u guursaday gabadh kale oo uu hore u qabay, se uu furay. Edna, waxa ay tidhi mar haddii aan ninkii labaad isfurnay qoyskii ceeb bay dareemeen! Anna waxa aan goostay ayay tidhi: “ In aanan weligay markale guursan!”
Qaddar Alle, haddana waxyar ka dib waxa ay isguursadeen nin Xasan Kayd la odhan jiray, oo yaraantii soo wadakoreen. Waa ninkii saddexaad ee ay isguursadaan. Xasan Kayd, waxaa loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiyay Cummaan. Cummaan ayuu u guuray, Edna way ku qasbanaatay inay halkaa u guurto. Shaqadeedii ay haysay ee Caafimaadka ay ka shaqaynaysay way iska casishay. Muddo ayay wadanoolaayeen. Riyo ah inay Cusbitaal dhisto ayay qabtaa. Lacag ku filan ma haysato. Dad ayay inay caawiyaan oo Dhakhtarka la dhisaan ay wayddiisatay. Wax baa loo ballanqaaday. Se nasiibdarro ninkeedii ayay kalatageen oo isfureen. Markii saddexaad markii la isoo furay, ayaan iswayddiiyay “ Maxaa kaa qaldan? Ma adigaa qof dhib badan ah?” ayay tidhi. Waxa aan isku qanciyay “ In aanan ahayn xaas qumman/saxan” ayay sii raacisay.
Cummaan markii ay ninkeeda kalatageen ayay iskaga soo laabatay. Wax shaqo ahna may haynin, maadaama shaqadeedii hore iskaga casishay. Shaqo ayay codsatay. Ururka WHO oo shaqo bannaan haya ayay shaqo ka heshay. Sannadkii 1986kii ayay Alexandaria oo xaruntu ahayd tagtay. Waddamo badan ayay caaafimaadka dumarka iyo ilaalintooda u qaabbilsanayd. Waxa ka mid ahaa: Afghanistan, Bahrain, Djibouti, Egypt, Iran, Iraq, Jordan, Kuwait, Lebanon, Libya, Morocco, Oman, Pakistan, Qatar, Saudi Arabia, Somalia, Sudan, Syria, Tunisia, United Arab Emirates, Cyprus iyo Yemen sida ay xusayso. Sannadkasta waddamaas 11 ka mid ah ayay booqan jirtay. Muddo ayay ka shaqaynaysay.
Sannadkii 1988kii oo Hargeysa dadka ay dawladdii Siyaad ku xasuuqaysay ay booqasho saddex maalmood ah ku timid, si ay dadka wax la yeelay u soo kormeerto. Xilligaa Hargeysa waxaa ka socday xasuuq lagu laynayay dadkii degganaa, oo dad gaadhay 50,000-20,000 ayaa lagu dilay! “ Markii aan 12 saacadood magaalada joogay ayaan helay farriin sheegaysa in aan ahay Kacaandiid, oo la I xidhi doono” ayay tidhi. Maadaama qabiilka ay ka soo jeeddo ee Isaaq dawladda mucaarad ku ahaaa. Iyadana waxaa loo arkayay inay cadawtahay. Sidaa daraaddeed inay iska laabatay ayay xusaysaa.
Wixii ka dhashay dagaalkii Millatariga ayay xusaysaa. Waa la qaxay, oo Itoobbiya yaa la galay. Muddo wax la dagaallamaba Soomaalilaan ayaa gobolladii Waqooyi ka dhalatay. Waqtiyadaa Edna WHO ayay u shaqaynaysay. Soomaalilaanna si hoose ayay uga warhaysay. Oo shirar badan oo dibuheshiineed sidii kii Boorama way ka soo qaybgashay. Waxa ay dib u yara xusaysaa Madaxweyne Maxamed I. Cigaal, oo markan ay aad u wada shaqeeyeen. Waraaqo ayuu iisoo diri jiray aniga oo Debadda jooga ayay leedahay. Waraaqahaasi may ahayn kuwa guur, waxa ay ahaayeen kuwa siyaasadeed ayay ku sii daraysaa. Aad inuu Cigaal u ixtiraami jiray, oo markay Hargeysa timaad uu soo dhawayn jiray ayay xusaysaa. Xataa gurigiisa oo xaaskiisu joogto ayuu qado ugu samayn jiray. Markaas ayay Edna si kaftana u leedahay, anna waxa aan ahay “ Xaaskiisii hore oo guriga joogta.”
Waxa ay doonaysay inay Cubsitaal ay ku riyoonaysay oo ay Abbaheed ku xasuusasto dhisto. Markii koowaad, dhul ayay raaddinaysay. Waxa ay muddo raadisaba Cigaal oo dalka Madaxweyne ka ahaa ayaa dhul Magaalada ka yara baxsan siiyay. Dhulkii fogaanshahaa ayay ku diidday. Cigaal ayay kala doodday. Waxa ay rabtay in magaalada dhexdeeda laga siiyo. Se Cigaal inaan laga helayn ayuu uga cudurdaartay. Hadal badan ka dib halkii way diidday, iyada oo xanaaqsan ayay dhooftay, oo wax isyara canaanatay. Gidaarka ayay ku tidhi: “ Gurigaygii ayay qaateen, ninkeygii iyo noloshaydiina way raaciyeen, haddana iima oggolaanayaan inaan Cusbitaal dhiso!” Cadhadii Jabuuti ayay ka dhooftay oo Ingiriiska ayay tagtay. Muddo kooban yay ku maqnayd, ugu danbayn way soo laabatay. Dhulkii ay rabtay meel wanaagsan oo ay isla qaateen Cigaal ayaa laga siiyay. Sidaas ayay hawshii dhulsiintu ku dhammaatay. Waxa hadhay uun Cusbitaalkii oo la taago.
Ugu danbayn Edna dalka ayay ku soo laabatay. Shaqadii ay u haysay WHO way ka hawlgabtay.  Cusbitaalka dhismihiisii ayay niyada ku haysaa. Waxa ay ku qiyaastay lacagta dhismaha $400,000.  Cusbitaalkii iyadaa bilowday, se waa la caawiyay oo hay’ado kaladuwan ayaa wax ku darsaday. Dhakhtarkii markuu sii dhammaanayay waxa ay aad uga werwersanayd dadka ka shaqayndoona ee Xirfadlayaasha Caafimaad ah halkay ka keeni lahayd.
Markii Cusbitaalka dhismihiisii dhammaaday, aad baa loo soo dhaweeyay. Waxa si caadiya loo furay Maarij, 2002dii. Madaxweyne Cigaal oo ku casuunnaa maalintaa wuu mashquulay. In ayn Edna dib u dhigto Xafladda furitaan ayay doontay, se wuu ka diidday ‘ oo aniga yaan la ii joojin’ ayuu yidhi, wuxuunna u soo diray Kuxigeenkiisii Rayaale. Rayaalle ayaa furay. Caalamkana meelo badan ayaa laga hadalhayay. Wargeysyo badan ayaa daabacay in Cusbitaal cusub ay gabadhi furtay. Waxa ay tidhi: “ Maqaal la iga qoray oo si caalami ah loo daabacay ayaa cinwaankiisa laga dhigay: ‘Awoman of firsts and her latest feat.”Dad badan ayaa maqaal akhriyay ayay tidhi. Waxa ka mid ahaa Maayarkii Chicago Mudane Richard J. Daley, oo aniga iyo Abwaan Hadraawi na martiqaaday.
Cutubka u danbeeya waxa ay kaga warramaysaa Dhakhtarka. Ugu danbayna buugga sidaas ayay ku soo gebagebaynaysaa.
Maxaa dhalliila?
1-      Edna, meelo badan oo ay ahayd inay si sarbeeban u sheegto ayay afka ku ballaadhisay. Tusaale, marka ay ka warramayso markii koowaad ee ay guursatay ee Maxammed Xaaji Ibraahin la aqalgashay, waxa ay afka ku ballaadhinaysaa inay habeenkii koowaad ee galmada ay xubintu wax noqotay! Weliba aad bay uga sii sheekaynaysaa oo odeygeedu wixii uu dareemay ayay sheegaysaa. Arrintaas may ahayn inay sidaa afka ugu ballaadhiso, maadaama ay Boos Hooyo, iyo Ayayba ay taagantahay oo xilli ay afka ku ballaadhiso sidii carruurta ayna joojin. Sidoo kale, meeqaamkeeda una wacna Edna ahaan. Waxa iyadna sii raacda dhaqan ahaan ma wacna.
2-    In ay buugga dhinac ka rartay oo ay aad uga badisay xidhiidhkeedii guurka, gaar ahaan xidhiidhkii Cigaal ka dhexeeyay.
3-     Buugga waxa aad mooddaa cabasho uu Mucaarad dawlad ka diyaariyay, ama mashruuc lagu qadhaabayano, waayo qaab dhibaato sheegid ah ayuu u qoranyahay.
4-    Waxoogaa buunbuunin ah ayay ku daraysaa Edna, oo waxkasta oo ay dad wadaqabteen, waxa aad mooddaa inay kaligeed sheeganayso.


Gebagebo
Buuggu waa buug si farshaxamaysan loo qoray. Xiiso aad ah ayuu leeyahay, qofkuu bilaabo kama xiisagoynayo. Waxa uu ku saabsanyahay gabadh karti badan oo caan ah. Si guud baynu u dulmarnay. Nuxurkiisii iyo waxyaabihii lafdhabarta u ahaa waynu sheegnay. Ma filayo inaan wax sidaa u sii badan ka tagay dhinaca dhacdooyinka isdbayaalla. Intaas ayaan ku soo koobayaa.

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Abril, 2020.


Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?