Markaad wax akhirid maxaa dhacaya?
Markii aad akhridid 10 buug:
Waxa aad isdareensiin in aad ahay qof adduunyada fahmay oo waxa aad isku qaadan in aad tahay qof awooda inuu waajihi karo Faylasuufyada iyo khubarada waawayn. Bunka ayaad caashaqi oo ku labaceshayn, waxaanad dooran in aad fadhiisatid maqaaxiyaha oo kursi gaar ah ayaad isku kala bixin.
Marka aad 50 buug akhridid:
Waxa aad qaadan qalin oo waxa aad bilaabi in aad buug akhridid, buuga aad akhriyaysidna ka reebatid nuxur, xataa mararka qaar waxaabad ku qoran jeldiga buuga ( iyo meelaha bannaan).
Marka aad 100 buug akhridid:
Waxa aad kala saari doontaa buugta xulka ah ee wanaagsan iyo buugta liidata ee aan waxbadan kugu kordhinayn.
Marka aad 250 buug akhridid:
Dadka ayaad inta badan ka fogaan, oo waxa aad noqon kelidii socde; mana xiisayn doontid heesaha qarxay, iyo barnaamijyada faafay ee bulshadu ku yaacday, oo waxa aad iskaga noolaan caalamkaaga kuu gaarka ah. Waxaanad raadin sida qofka waalan uu u raadiyo qof kale oo waalan oo la mid ah, qof aad adna isku dabeecad tihiin oo isqaadan kartaan. Xaalad kasta waxa aad noqon qof deggan oo xasillooni ku sugan.
Marka aad 35 buug akhridid:
Waxa aad dareemi in aad habsaantay oo aad tahay qof in badan caalamkan ka daahay, waxaanad xaqiiqsan in aad garanaysid oo aqoon u leedahay waxyar oo kooban.
Marka aad 500 buug akhridid:
Naftaada ayaad sida muraayadda u daawan, waanad isjeclaan. Markaas ayaad bilaabi in aad wax qortid. Taasina waa qiso kale.
W/Q: Nehad Sheashaa
Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere
Comments
Post a Comment