Posts

Showing posts from May, 2023

From Shaqo Eris to Milyaneer Bangi Furtay!

Image
    Aasaasaha Bangiga Family Bank oo mid ah Bangiyada ugu waawayn dalka Kenya fekradda uu bangiga ku yagleeyay waxa ay ahayd mid  xiiso leh. Waxa aasaasay mudane Titus Kioneo Miyu, sannadkii 1984kii.  Wuxuu hirgelinta fekradda aasaaska la yimid ka dib markii loo diiday shirkaddii uu ka shaqaynayay inuu DALLACO, sababta loogu diidday dallacaaddana waxa lagu sababeeyay in uuna Shahaadada koowaad ee Jaamacadda haysan ( Degree).  Bangigu wuxuu hanti ahaan u leeyahay 130 Milyan oo Doollar. Sannado badan buu calanka u siday dalka Kenya oo uu ahaa bangiga Kenya ugu wanaagsan. Bangigu wuxuu shaqo abuur u yahay oo ka shaqeeya dad ka badan 1,500 qof.  Fekraddu waxa ay ku dhalatay ka dib markii uu Jaraa'id Caalamiya oo ganacsiga ka warrama ka akhriyay maqaal aqooneed ku saabsan ganacsiga, waqtigaas uu maqaalka akhriyay waxa ay ahayd sannadkii 1961kii, da'diisuna waxa ay ahayd 18 sano jir. Maqaalkaas ayaa dhiirrigeliyay oo noloshiisa baddelay.  Nuxurkii qoraalka waxa ka mid ah " Gooba