From Shaqo Eris to Milyaneer Bangi Furtay!

 


 

Aasaasaha Bangiga Family Bank oo mid ah Bangiyada ugu waawayn dalka Kenya fekradda uu bangiga ku yagleeyay waxa ay ahayd mid  xiiso leh. Waxa aasaasay mudane Titus Kioneo Miyu, sannadkii 1984kii.  Wuxuu hirgelinta fekradda aasaaska la yimid ka dib markii loo diiday shirkaddii uu ka shaqaynayay inuu DALLACO, sababta loogu diidday dallacaaddana waxa lagu sababeeyay in uuna Shahaadada koowaad ee Jaamacadda haysan ( Degree). 


Bangigu wuxuu hanti ahaan u leeyahay 130 Milyan oo Doollar. Sannado badan buu calanka u siday dalka Kenya oo uu ahaa bangiga Kenya ugu wanaagsan. Bangigu wuxuu shaqo abuur u yahay oo ka shaqeeya dad ka badan 1,500 qof. 


Fekraddu waxa ay ku dhalatay ka dib markii uu Jaraa'id Caalamiya oo ganacsiga ka warrama ka akhriyay maqaal aqooneed ku saabsan ganacsiga, waqtigaas uu maqaalka akhriyay waxa ay ahayd sannadkii 1961kii, da'diisuna waxa ay ahayd 18 sano jir. Maqaalkaas ayaa dhiirrigeliyay oo noloshiisa baddelay. 


Nuxurkii qoraalka waxa ka mid ah " Goobaha shaqo ee waawayn ee aynu dunida ku aragno ee bulsho badan ka shaqeeyaan maanta dhammaantood HAL qof baa bilaabay oo yagleelkooda lahaa. Dhammaantood waxa ay ka bilaabeen waxyar, waxayna ka bilaabeen uun dalalka ay asal ahaan ka soo jeedaan. Intaas ka dib faracyo ayay dunida qaybaheeda kale ka furteen. Sidaas ayayna ku noqdeen shirkado caalamiya." 


Muya, waxa xiiso geliyay oo ashqaraar ku abuuray maqaalkii, mar labaad ayuu haddana maqaalkii akhriyay. Wuxuuna isdareensiiyay oo ku hammiyay inuu maalin uun noqon doono aasaase Bangi. Waqtigaas wuxuu ku jiray fasalka 2aad ee dugsiga Sare ( Form 2). Waxbarashadii Dugsiga Sare ayuu sii waday, wuuna dhammeeyay isaga oo weli hammigii hiyiga ku haya. Markuu dugsiga sare dhammeeyay wuxuu bilaabay shaqo, si adagna wuu u shaqeeyay si uu hammigiisa u rumeeyo. 


Muya, wuxuu u tegay maamulihiisii shaqada, isaga oo wayddiisanaya inuu dallacsiiyo. Waxa si cad loogu sheegay in aan la dallacsiin karo, maadaama uuna haysan shahaado degree ah.  Muya, waxoogaa wuu yara niyadxumaaday, wuxuuna bilaabay sidii uu riyadiisa u rumayn lahaa. Waxa xusid mudan in uuna haysan cid taageerta. Aabbihii waxa dilay ciidamadii Ingiriiska sannadkii 1953kii, markii kagu jiray xorayntii dagaalkii Mau Mau. 


Hooyadiina jidh'dill badan ayaa la soo gaystay, taasi oo ku sababtay miyirla'aan. Nasiib wanaag, may dhiman oo dhimasho way ka badbaadday. Balse, si joogto ah oo ka saarid la'aana ayaa loo dhigay cusbitaalka dhayidda maanta ee Methare Mental Hospital. 


Muya iyo labadiisa walaal ah iyo walaashii may haysan cid daryeesha, waxaa waxoogaa yara caawin jiray qaraabada aabbihii oo lacagta dugsiga ka bixin jiray, waxyaabaha aasaasiga ahna siin jiray. 


Maadaama Muya uu ahaa curadkii xaafadda, wuxuu aaminsanaa in masuuliyad wayn ka saarantahay carruurtoora, ayna tahay inuu bangi sameeyo, si uu uga caawiyo inay hadafkooda gaadhaan. Siday doontaba ha ahaatee wax hantiya ma haysan. Balse kaliya aragtida iyo fekradda uun buu hayay, hammina wuu u hayay oo waxa ka go'nayd inuu Bangi bilaabo. 


Bangigii ayuu digaangeliyay sannadkii 1977kii, wuxuuna ku diwaangeliyay magaca ah Family Finance and Credit Limited. 


Marka laga yimaaddo in bangiga diwaangeliyay, se iska hammi uun bay ahayd oo wax shaqo ah ma qaban muddo 3 sano ah, sababo hanti la'aan darteed  ah. Bangigii Family Bank waxa lagu diray liiska NSE, wuxuuna ku fiday Bariga Afrika. Intaas ka dib Muya wuxuu codsaday liisankii Bangiga. Codsigiisii waxa loo gudbiyay Kaydka Qadanka, waayo muu buuxin hannaankii xulashada. Kaydka Qaranku waxa ay kula taliyeen inuu liisanka ku soo codsado dhisme. 


Inuu niyadjabsanyahay ayuu la wadaagay asxaabtiisii, asxaabtii waxa ag ku dhiirrigeliyeen inuu liisanka shirkadda ku codsado liisan dhisme. Wuu ku raacay fekraddaa, liisankiina waxa loogu soo saaray muddo 2 toddobaad ah. Family Finance and Credit Limited waxa loogu diwaangeliyay magac dhisme bulsho ah, oo ah Family Finance Building Society. Muya wuxuu noqday Sargaalka ugu sarreeya ee Family Finance Building Society. Wuxuuna si ku meelgaadha h Nayroobi uga furay Xafiis sannadkii 1984kii. 


Muddo sannad ah, shirkaddii waxa ay furatay saddex farac, oo ay ka kala furatay Kiambu, Githunguri, iyo Nairobi. Arday badan ayaa fiiga dugsiga loogu diri jiray. Wuxuuna bangigu bartilmaameedsan jiray oo target u ahaa tukaannada shaaha iibiya, meelaha Kofeega lagu iibiyo iyo beerralayda yaryar. 


Adeegyadii ay qabanaysay shirkaddu waxa ay soo jiiteen macaamiil fara badan, muddo 2 sano ah tiradii macaamiisha Family Bank way korodhay. Dhammaan faracyadii Bangigu ku lahaa Nayroobi iyo Kiambu waxa ay sameeyeen macaash badan. Sidoo kale, shirkaddii waxa ay ku sii faaftay waddamada kale. Sannadkii 2005tii Family Finance Building Society waxa ay yeetalay 30 farac oo daafaha dunida ah. 


Sannadkii 2007dii ayaa loo oggolaaday in ay shirkaddu isku baddesho Bangi Ganacsi ( Commercial Bank), waxaana ansixiyay Bangiga Dhexe ee dalka Kenya. Hadda Bangigu waa Banigag 14aad ee ugu wayn 42 Bangi ee dalka ku yaalla. Wuxuu daafaha dunida ku leeyahay 93 farac, 3 farac na way socdaan oo dhismihii ayaa la wadaa. Sodoo kale Family Bank waa bangiga 4aad ee ugu wayn dalladda faracyada.


W/Q: Jane Muie ( https://biznakenya.com/family-bank-founder/ )

Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere 


Asxaabtaada la Wadaag ( Share).

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?