Posts

Showing posts from January, 2024

Milicsigayga Sannadkii 2023 ( My Annual Review In 2023)

Image
  Hordhac   In qofku naf ahaan u xisaabtamo, oo sannadka tagay wax iska wayddiiyaa waa muhiim. Waliba inuu qofku ogaado wixii u qabsoomay, iyo wixii ka qabyoobay saamayn wanaagsan ayay mustaqbalkiisa leedahay. In waqti tagay maxaa qabsoomay iyo maxaa qaldamay la iska wayddiiyaa horumar danbe oo amminta soo socota ah ayay keentaa. Qofku wixii ka qaldamay sannadka soo socda inuu saxo ayuu u xadhkaxidhanayaa.Sidoo kale, waxa ay keenaysaa sannadka soo socdana inuu u diyaargaroobo oo dadaal iyo halgan adag la yimaaddo. Aniga oo taas ka duulaya, waxa aan rabaa sannadkan dhammaaday ee 2023 ka aan si kooban u sheego waxa aan dheefay, buugta aan akhriyay, qoraallada aan qoray, waxa aan bartay, turjumaadda aan sameeyay, magaalooyinka aan u safray IWM. Akhriska Akhrisku waa caadadayda. Maalinkasta waxa aan jeclahay inaan wax akhriyo. Marka laga yimaaddo maqaallada kookooban ee aan baraha Bulshada iyo Baloogyada ka akhriyo, buug ii furan ayaan wax ka akhriyaa maalin walba. Caadada aan le