Milicsigayga Sannadkii 2023 ( My Annual Review In 2023)


 

Hordhac

 

In qofku naf ahaan u xisaabtamo, oo sannadka tagay wax iska wayddiiyaa waa muhiim. Waliba inuu qofku ogaado wixii u qabsoomay, iyo wixii ka qabyoobay saamayn wanaagsan ayay mustaqbalkiisa leedahay. In waqti tagay maxaa qabsoomay iyo maxaa qaldamay la iska wayddiiyaa horumar danbe oo amminta soo socota ah ayay keentaa. Qofku wixii ka qaldamay sannadka soo socda inuu saxo ayuu u xadhkaxidhanayaa.Sidoo kale, waxa ay keenaysaa sannadka soo socdana inuu u diyaargaroobo oo dadaal iyo halgan adag la yimaaddo.

Aniga oo taas ka duulaya, waxa aan rabaa sannadkan dhammaaday ee 2023 ka aan si kooban u sheego waxa aan dheefay, buugta aan akhriyay, qoraallada aan qoray, waxa aan bartay, turjumaadda aan sameeyay, magaalooyinka aan u safray IWM.

Akhriska

Akhrisku waa caadadayda. Maalinkasta waxa aan jeclahay inaan wax akhriyo. Marka laga yimaaddo maqaallada kookooban ee aan baraha Bulshada iyo Baloogyada ka akhriyo, buug ii furan ayaan wax ka akhriyaa maalin walba. Caadada aan leeyahay waxa ay tahay inaan saacado badan akhriyo buugga, dadka daqiiqado kooban wax akhriya ma ihi, kuwa marka ay fadhiistaan saacado akhriya ayaan ku jiraa. Akhrisku xiiso gooniya ayuu ii sameeyaa, sannadkan dhammaaday ee 2022 na xiiso gaar ah ayuu ii lahaa. 

Buugaag badan ayaan akhriyay. Qaar ka mid ahi waa kuwan:

1- Buugga la yidhaahdo Alkemistaha ayaan akhriyay Jan, 2023.

2- Jiraalkay, Jan, 2023.

3- Salaad baa I dhaaftay, waxa qoray Cabdixakiin M. Obsiiye, waxa aan akhriyay Juun-July 2023.

4- Dhabar’adayg, waxa qoray Ibraahin Waabbari, waxa aan akhriyay Julaay, 2023.

5- Naftaydaay Gacalo, waxa turjumay Maxamed Qaamuus, waxa aan akhriyay Ogosto 2023.

6- Furaha Ganacsiga, waxa qoray Siciid Cali Shire, waxa aan akhriyay Ogosto-Sept. 2023.

7- Waayaha Daanyeerta, waxa turjumay Aadan Sahan, waxa aan akhriyay Sept. 2023.

8- Waxa aan akhriyay buugga “ Halgankii Tukayaasha” oo uu qoray Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil. Waxaanan akhriyay Ock.- Nov, 2023.

9- 10 Magac: Socdaalkii Toddobada Samo. Waxa turjumay Cabdixakiin Maxamed Obsiiye.

10- Buuga la yidhaahdo ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc.’ Oo uu qoray Xamse Xabiib.

Qoraalladayda

Sannadkan marka akhriska laga yimaaddo qoraalka isbeddel badan ayaan ka sameeyay. Wax buug ah oo aan curiyay way jiraan, se weli way socdaan. Waxaa se badan maqaallada aqooneed ee aan qoray, gaar ahaan kuwa gaagaaban. Maqaallada dhaadheeri ma badna. Waxa aan ka xusi karaa:

-         Faallaynta Waraysigii Weriye Cabdalle Muumin.

-         Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

-         Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

-         Faallada buuga ‘Salaad baa I dhaaftay.’

-         Faallada Buugga “Mind Management Not Time Management ~ Maaraynta maskaxda, maaha maaraynta Waqtiga.”

-         Faallada Buugga “ Focus on What Matters”

-         Faallada Buugga “the 15 Invaluable Laws of Growth ~ 15 Xeer ee Koritaanka”

-         Faallada Buugga “ How To Become A People Magnet ~ Sideed ku Noqon kartaa Qof Dadka Soo Jiita”

-         Barbaarinta Carruurta/Ubadka.

Turjumaadda

Qoraalka waxa ii soo raaca turjumaadda maqaallada, buugaagta, iyo qoraallada aqooneed. Sannadkan dhawr maqaal ayaan turjumay:

-         Talo ku socota qofkasta oo SHAQAALE AH

-         Ka Dib Markii Dallacaad Loo Diiday Bangi buu Aasaasay!

 

Gorfeynta Buugaagta #Xogkorodhsi

Buugaagta aan akhriyo in aan gorfeeyo oo waxa ay ka hadlayaan wax iska wayddiiyo muhiim baan u arkay. Sannadkii 2018kii ayaan arrintaas bilaabay. Sannadkii ku xigay ee 2019 inaan sii horumariyo ayaan qorshaystay. Markii hore maqaal ahaan ayaan ku so gudbin jiray, se waxa aan is idhi ‘ malaha waxa ka sii fiican inaad muuqaalna ku dartid soo dartid.’  Ugu danbayn waxa aan ku qancay inaan bilaabo sidii aan dadka ula wadaagi lahaa buugta aan akhriyo oo maqaal iyo muuqaal ba ah. Dhammaadkii sannadki 2019kii ayaan bilaabay. Saddexdii sabo ee u danbeeyay Barnaamijka waan waday, waxaanan guud ahaan afartaas sano soo gudbiyay faallaynta 74 buug. Tacab badan oo hanti, waqti, iyo dadaal ba leh ayaa iga gala SOOGUDBINTA faallooyinka buugaagta. Wax dan ah oo shakhsi ah oo aan ku qabaa ma jirto.

Markii aan arkay inay bulshadu u baahantahay Barnaamij ay ka helaan buugaag kaladuwan oo loo soo koobo ayaan dadaal badan galay. Sababta aan buugaagta u gorfeeyo waxa ugu muhiimsan:

1-      In qofku xulasho samayn karo, oo buugaagta kala xulan karo.

2-    In qofkii waayay buug muhiima oo meel uu joogo aan oollini xogta buugga wax ka ogaado.

3-     In qofkii wax baadhayaa si fudud meel uu ugu hagaago helo.

 Waxa aan bulshada sannadkan 2023 ga  muuqaal ahaan kula wadaagay dhawr buug. Maqaal iyo muuqaal ba waa lagu heli karaa.

Qaar ka mid ahi waa kuwan:

-         Faallada buugga la yidhaahdo “ Mind management not time management.”

-         Faallada buugga la yidhaahdo “ How to become a Magnet.”

-         Faallada buugga la yidhaahdo “ Focus on What Matters.”

-         Faallada buugga la yidhaahdo “ The Art of Public Speaking.”

 

Isbeddellada Nolosha

Sannadkan 2023 wuxuu ahaa sannadkii iigu isbeddelka badnaa. Shakhsiyan waxa isoo maray isbeddel nololeed oo badan sida isbeddel shaqo, isbeddel goobtii aan hore ugu noolaa. Waxa aan gebi ahaan ba baddelay magaaladii aan sannadihii hore ku noolaa, sidoo kale waxa aan baddelay shaqadii aan sannadihii danbe qaban jiray. Sababta ugu wayn ee aan u baddelay waxa ay ahayd bal in aan magaalo kalana tijaabiyo, si aan khibrad tii hore ka duwan uga helo. Sidaas si la mid ah ujeeddada aan shaqada u baddelay waa inaan helo khibrad iyo in aan xirfado badan oo aan leeyahay ku shaqeeyo oo ka shaqaysiiyo.

Haddii ay jirto wax ugu wayn oo aan sannadkan bartay waxa weeyaan in qofku aanu cidna isku hallayne isagu naf ahaantii isku tashado, iyo inay muhiim tahay inuu qofku shaqada uu muddo hayay baddelo oo mid cusub bilaabo. Wuxuu ka helayaa khibrad, waaya’aragnimo iyo tamar badan oo uu nolosha ku tanaado.

Caqabadaha

Caqabuhu way badnaayeen. Waxa ugu adagi waxa ay ahaayeen waayahay nololeed oo kolba mawjad qofka ku soo beegaya. Dhinaca waqtiga sidii aan rabay ugama faa’ideysan. Waqti badan ayaa meelo aan habboonayn igu dhaafay.

Gebagebo

Waxa intaas ba barbar socday oo aan ka madhnayn qabashada shaqooyinka maalinlaha, wax korodhsiga, shaqada, waxbarashada, jimicsiga IWM. Noloshu intaas sare uun maaha, way ka ballaadhantahay. Se muhiimaddaydu waxa ay ahayd uun waxa aad korodhsatay xus, si ay xasuus kuugu noqoto, ciddii u baahanna dhiirrigelin iyo shidaal ugu noqoto, sannadka soo socdana ay ku talagalaan inay waxbadan korodhsadaan.

Sannadku wuu wanaagsanaa. Sidoo kale, wuu qadhaadhaa, oo xasuuso adeg ayaa ku jiray. Ka soo socda inuu sidan ka wanaagsanaado ayaan rajaynayaa.

Dhammaan buugta aan akhriyay ee wax ka qoray, iyaga oo maqaal ah INTA AAN FAAFIYAY waxaa laga akhrisan karaa: (Sandheere (cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com) ) ama (Cabdirisaaq Sandheere ). Inta aanan faafinna isla halkaas ayaan soo gelin doonaa Insha Allah. Sidoo kale, iyaga oo muuqaal ah waxaa laga daawan karaan Janalka #Xogkorodhsi (https://www.youtube.com/channel/UC-DTp2g1U0eiItbuLsNGFCA ).

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

Jannaayo 01, 2024

 

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?