Posts

Showing posts from August, 2024

Faallada buuga ‘ Awoodda Si Togan u Fekeridda- The Power of a Positive Mindset’

Image
  Buuga ‘ The Power of a Positive Mindset’ waxa qoray Jason Wolbers. Af soomaali ahaan waxa aan mu macnayn karnaa ‘Si Togan u Fekeriddu.’ Buugu wuxuu ka warramayaa sida maskaxda sida togan u fekeraysaa saamayn wacan ee ay ku yeelan karto waayaha kala duwan ee qofka noloshiisa. Halkan waxa aan ku soo koobayaa shan cashir oo aynu ka baran karno buuga: 1- Saamaynta fekerrada xaqiiqada ku salaysan: Qoraagu wuxuu xoojinayaa in fekerradeennu qaabeeyaan xaqiiqada. In qofku abuuro fekerro togani waxa ay saamayn ku yeelataa habfekerkeenna, habdhaqankeenna, iyo   natiijooyinkeenna. Sidoo kale, waxa ay innagu hoggaamisaa in aynu gaadhno guulo nololeed oo badan iyo inaan nolosha waxbadan qabsanno. 2- In qofku iska gabagabeeyo fekerrada taban ee naftiisu ugu sheekaynayso: Buugu wuxuu hoosta ka xarriiqayaa muhiimadda ay leedahay in la aqoonsado ka dibna laga takhalluso fekerrada taban ee naftu qofka ugu sheekaynayso. Waa in meesha laga saaraa shakiga nafta iyo dhalleecaynta naftu waddo oo