Faallada buuga ‘ Awoodda Si Togan u Fekeridda- The Power of a Positive Mindset’

 



Buuga ‘ The Power of a Positive Mindset’ waxa qoray Jason Wolbers. Af soomaali ahaan waxa aan mu macnayn karnaa ‘Si Togan u Fekeriddu.’ Buugu wuxuu ka warramayaa sida maskaxda sida togan u fekeraysaa saamayn wacan ee ay ku yeelan karto waayaha kala duwan ee qofka noloshiisa. Halkan waxa aan ku soo koobayaa shan cashir oo aynu ka baran karno buuga:

1- Saamaynta fekerrada xaqiiqada ku salaysan: Qoraagu wuxuu xoojinayaa in fekerradeennu qaabeeyaan xaqiiqada. In qofku abuuro fekerro togani waxa ay saamayn ku yeelataa habfekerkeenna, habdhaqankeenna, iyo  natiijooyinkeenna. Sidoo kale, waxa ay innagu hoggaamisaa in aynu gaadhno guulo nololeed oo badan iyo inaan nolosha waxbadan qabsanno.

2- In qofku iska gabagabeeyo fekerrada taban ee naftiisu ugu sheekaynayso: Buugu wuxuu hoosta ka xarriiqayaa muhiimadda ay leedahay in la aqoonsado ka dibna laga takhalluso fekerrada taban ee naftu qofka ugu sheekaynayso. Waa in meesha laga saaraa shakiga nafta iyo dhalleecaynta naftu waddo oo waa in lagu baddelo xaqiiqoon iyo habfeker wax dhisaya, ka dibna fekradahaas togan ee wax dhisayaa waxa ay kor u qaadayaan qanaacada nafta iyo dhiirrigelinta.

3- Bogaadinta: Bogaadintu waa arrin awood leh oo joogtaysa habfekerka togan. Qoraa Wolbers wuxuu soo jeedinayaa falcelinta wanaagsan ee bogaadintu ku leedahay waxyaabaha wacan ee nolosha, waana in laga fogaado waxyaabaha dhibaatooyinka soo jiidaya ee keenaya, waana in kor loo qaado hagaajinta guud ee qofka noloshiisa iyo kor u qaadiddeeda.

4- Waa in caqabadaha loo baddelo fursado: Wolbers wuxuu dhiirrigelinayaa in caqabadaha loo baddelo fursado, waana in caqabadaha loo adeegsado ama loo baddelo koritaan iyo horusocod. Arrintani waxa ay keenaysaa in qofku noqdo qof adag oo dhabar adag oo Samir leh, iyo in uu noqfo qof caqabadaha kala duwan ee soo waajaha xalliya, in kor loo qaado horumarinta qofeed iyo horumarinta xirfadeed ee qofka.

5- Naftaada ku hareeree ama xayndaab uga dhig si togan: Buugu wuxuu xooga saarayaa muhiimadda ay leedahay in qofku helo deegaan taageeraya oo qofka dhisaya. Naftaada ku hareeree oo ku weegaar meel togan, dad ku dhiirrigeliya, iyo in qofku kordhiyo hal’abuurkiisa. Waxyaabahaasi waxa ay kor u qaadayaan habfekerka togan, in qofku dhiirrigelin helo.

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

09-08-2024

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?