Posts

Showing posts from January, 2025

Dheelmintii Nebiga SCW

Image
  Taariikhyahannadu waxa ay iswayddiiyaan waqtigii ay dhacday dheelmintii Nebigu SCW.   Waxa ay isku waafaqsanyihiin inay dhacday Hijradii Nebiga SCW ka hor. Balse, waxa ay isku khilaafeen sannadkii ay dhacday dheelmintu sannadka uu ahaa. Culimada qaarkood waxa ay yidhaahdeen wuxu dhacay 16 bilood ka hor hijradii Nebiga SCW, halka culimada qaarkood kale ay yidhaahdeen waxa ay ahayd hijrada ka hor sannad badhkeed; culimada qaarkood intaa wax u dhawa yay yidhaahdeen. Intaas ka dib waxa ay ku kala duwanaadeen bisha ay dhacday dheelmintu. Culimada qaarkood waxa ay ku adkaysteen inay dheelmintu dhacday bisha Rabiicu Saanii, Bishan waxa xoojiyay Imaamu Nawawi. Culimada qaarkood waxa ay yidhaahdeen dheelmintu waxa ay ahayd bisha Dulqacda. Culimada qaar ka mid ahina waxa ay yidhaahdeen waxa ay ahayd bisha Ramadaan. Sidoo kale, Culimada qaar baa tidhi bisha Rejab ayay ahayd. Gorfaynta arrimahan laga sameeyay way badanyihiin, mas’alooyin badan baa laga yidhi. Aqwaashan waxa aan ka dha...

Dar Iyo Waadaan

Image
  Soomaalidii hore waxa ay u badnayd dad miyiga deggan oo xoolo ku dhaqda, beero yaryarna fasha. Caadooyin wacan oo lala ashqaraaro ayay lahaayeen. Hadda way sii guuraysaa caadooyinkaasi badankoogii, walow qaarkood meelo badan ka jiraan. Miyiga hadda waxbadan oo dhaqankii hore ku saabsan ayaa caado u ah oo ay adeegsadaan. Xilliyo ayaa jira sannadka. Xilligu aad ayuu u saameeyaa xoolodhaqatada Miyiga ku nool. Guga roob ayaa u da’a oo waxbadan oo ay ubaahnaayeen  ka haqabtira. Balse, xilliga Jiilaalka ayay hawshu ku badantahay oo baylah badani timaaddaa. Baylahda timaaddana waxaa ugu wayn; Waraabka iyo Dhaanka. Waraabka xoolaha ayaa la arooriyaa oo meel biyo leh ayaa loo daydayaa, maadaama ay dhammaateen Harihii la cabbi jiray. Haraha ayay tuulo walba ku nooshahay xilliga roobka; Hartuna inta badan lama sibidheeyo oo marka roobku muddo joogo way ka raagtaa. Waxaa Jiilaalkii loo arooraa Barkadaha, oo iyagu biyaha waxoogaa kaydiya iyo ceelasha Riigga lagu dhuftay oo iyagu aan hore...

Sidee Reer Yurub uga qaylyeen Fiditaanka Diinta bIslaamka?

Image
                          Mawdduuc lagu qorey majallada (Al-Bayaan ~  البيان )    lagu daabacay oo ciwaankeedu ahaa ( Yurub labaatan sannadood dhexdood~). Maqaalku wuxuu kala dhigdhigayaa Islaamku siday Reer Yurub uga qaylyeen. Wuxuuna leeyahay ka baqidda Islaamka ee reer Yurub waxa ay soo bilaabantay waqti hore, gaar ahaanna ururradii mayalka adkaa. Wuxuuna aad usii siyaaday dhacdooyinkii Semtember, 2001 kaddib ee dhawaaqii caalamiga ahaa ee ay reer Yurub intay ugu soo gabbadeen ( ladagaalanka Argagixisada) ay weerareen Nebiga iyo Qur’aanka. Maqaalku wuxuu soo guurinayaa in Islaamkii xadhkaha goostay oo sii fidey, madaxwayntii Yurubna iska caabbin kala hortimid. Ninka la yidhaa Boroloskooni ( Raysalwasaarihii hore ee Talyaaniga) Wuxuu Diinta Islaamka ku tilmaamay in ay tahay Diin dibudhacsan. Madaxweynihii faransiiska Mr Saarakuusi, wuxuu isna aad u weeraray xijaabka iyo niqaabka oo uu meel adag ka ist...

Sidee shaqo loo helaa?

Image
  Shaqadu waa hawl u baahan xirfad, dadaal, waqti, farsamo iyo maanhag togan. Qofku xilliga uu shaqadoonka yahay waxa caawinaya waxyaabo badan, waxyaabaha caawinaya waxa ka mid ah in qofku yahay qof diyaarsan oo isagu marka hore u taagan inuu shaqo helo, markuu helana inuu shaqada qaban karo. Se qofka aan diyaarka ahayn fursad kastaa way dhaafaysaa. Halkan waxa aan ku soo koobayaa farsamooyin aan isleeyahay qofka shaqodoonka way anfacayaan. Tabahaasi ma aha kuwo mala’awaal ah ama aan anigu iska samaystay, balse waa kuwo la tijaabiyay oo dad badan ku guulaysteen. Ila eeg dhawrkan qodob: 1-      Diyaarsanaan: Marka hore diyaar ahoow, waxa aad u diyaargarawdaa in haddii saacaddaa ama isla berri lagu soo Waco oo hawl laguugu yeedho in aad qabatid. Se haddii aanad isla saacaddan diyaar ahayn, shaqo diyaar uma tihid. Waayo, haddii hawl diyaara laguugu yeedho oo aanad waqtigaas qaban karayn, way ku dhaafaysaa, sidaasna waxa kugu dhaaftay fursad. Fursaddu mar...

WAQTIGA FIRAAQADA: JIDH’DHIS IYO CAQLI KORIN

Image
   Ma doonayo in waqtigeenna oo dhami noqdo shaqo, in nolosheenna oo dhani noqoto dadaal aan nasasho laheyn─iyo in ay noqoto weji cabuus aan qosol laheyn! Taasi qarniyadii dhexe ayey tusaale u tahay; oo dadka ka ugu kheyrooni wuxuu ahaa ka dadaala ee an nasan, weji gabaxa uun ee aan qoslin, markastana in geeri ku dhacdey aad mooddo, qalbigiisana aynna farxadi gelin, dadkuna ay u arkayeen mid murugeysan oo sidii nin aas kasoo noqdey oo kale! Ka ugu fiican ee ay culimadu dadka ku dhiirriyeen casrigan waa: Farxad iyo qosol, iyo in uu qofki waqti maangal ah ciyaaro, kaasaanna anfacaya bini-aadanka in ka badan inta dadaal isdaba joogga oo aan nasasho laheyn lagu jiro! Waxa aan doonayaa in waqtiyada firaaqaddu aynna ka badan waqtiyada shaqada, iyo aynna firaaqadu indha tirin nolosha, oo aynna shaqadu sabbeyn geerka! Waxa kale oo aan doonayaa; in waqtiyada firaaqada caqliga la dhiso, sida waqtiyada shaqada oo kale. Markeynnu shaqaynanno waxaynnu u shaqeynnaa u jeeddo, sidaa si leeg, ...

Goormay dooddu midhadhal leedahay?

Image
  Qoraayadda buugga “ Essentials of Argument” ee Nancy, waxa ay iswayddiinaysaa ‘ xaaladdee ayay Dooddu aad ugu wacantahay?’ Dabadeed waxa ay qabtaa in marka dhawr qodob laga helo ay dooddu si wacan u socoto, misana noqonayso mid la mahadiyo. Qodobbadaa waxaa ka mid ah: 1- Inay jirto arrin laga doodayaa (Issue): Haddii ay jirto xaalad cusub ama arrin cusub oo soo darriday ama jirtayba, se aan wax xala laga gaadhin, waa in markaa xal laga gaadhaa. Waxa qasaba in xaluheliddaa arrintana ay fekrado kalageddisani iman doonaan.  2- Doode: Waxaa iyana lagama maarmaan ah inuu jiro qof bilaabay doodda, ama curiyay oo dhaliyay asalkaba. Qofkaasi oo fekrad qaba, dabadeed dadka kale uu wayddiiyo waxa ay ka qabaan.  3- Dhegaystayaal/ Markhaatiyaal; waa inay jiraan dad goobjoog ahi, ha ahaadaan kuwo ku raacsan ama ku diidan bee. Dadkaasina kaliya ma noqon karaan kuwa dhegaysta uune waxa ay noqon karaan kuwo akhrista, daawada, eega. Sidoo kale, waa inay fahmi karaan, fekeri karaan, su’a...

Sideed uga faa’idaysanaysaa sannadkan cusub 2025ka?

Image
      Waxa innoo bilowday sannad cusub. Waa sannadka 2025ka. Waxa fursad wayna in sannadkan kuu curtay, Alle mahaddii weliba caafimaad, nabad, iyo adiga oo balaayo ka badqaba kuu curtay. Waa nasiib aad dadka dheertahay, Allaha wayna eegayo sidaad uga faa’idaysatid. Waxa aan halkan ku soo koobi doonaa qodobbo aan isleeyahay qofkasta oo sannadkan 2025 u curtay waa u muhiim, wayna anfacayaan, inyar dhegaha iisoo yar jeedi, maskaxdana si wacan ugu dhuux: 1-       Cibaadada ku dadaal:  Alle waxa ugu wayn ee uu innoo abuuray waa cibaadadiisa, sidaas darteed guud ahaan Cibaadooyinka ku dadaal. Salaadaha waqtigooda tuko, Sadaqada wixii aad awooddo bixi, Quraanka akhri, wanaaga dadka far, wax wanaagsan samee, guud ahaanna isku day in aad Alle raalligelisid, waxkasta oo cadhada Alle kuu keenayana iska ilaali. 2-      Akhriska qorshaha ku darso:  Akhrisku waa quudka maskaxda, jadwal ka yeelo akhriska. Ku dadaal in aad wax akhrid...