Goormay dooddu midhadhal leedahay?

 


Qoraayadda buugga “ Essentials of Argument” ee Nancy, waxa ay iswayddiinaysaa ‘ xaaladdee ayay Dooddu aad ugu wacantahay?’ Dabadeed waxa ay qabtaa in marka dhawr qodob laga helo ay dooddu si wacan u socoto, misana noqonayso mid la mahadiyo. Qodobbadaa waxaa ka mid ah:

1- Inay jirto arrin laga doodayaa (Issue): Haddii ay jirto xaalad cusub ama arrin cusub oo soo darriday ama jirtayba, se aan wax xala laga gaadhin, waa in markaa xal laga gaadhaa. Waxa qasaba in xaluheliddaa arrintana ay fekrado kalageddisani iman doonaan. 

2- Doode: Waxaa iyana lagama maarmaan ah inuu jiro qof bilaabay doodda, ama curiyay oo dhaliyay asalkaba. Qofkaasi oo fekrad qaba, dabadeed dadka kale uu wayddiiyo waxa ay ka qabaan. 

3- Dhegaystayaal/ Markhaatiyaal; waa inay jiraan dad goobjoog ahi, ha ahaadaan kuwo ku raacsan ama ku diidan bee. Dadkaasina kaliya ma noqon karaan kuwa dhegaysta uune waxa ay noqon karaan kuwo akhrista, daawada, eega. Sidoo kale, waa inay fahmi karaan, fekeri karaan, su’aal wayddiin karaan, la faqi karaan, waxna uga jawaabi karaan. 

4- Waa inay jirto meel laga duulayaa; Waa inay dooddu leedahay meel u dhex ah lana xidhiidha arrinta, oo labaduba ka duulaanayaan. 

5- Gole; dadku waxa ay u baahanyihiin fagaare ay ku doodaan oo ay ku dareen hal’abuurkooga, laguna dhegaysto waxa ay ka hadlayaan.

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Markaad wax akhirid maxaa dhacaya?

Milicsigayga Sannadkan 2024 ( My Annual Review In 2024)