Dheelmintii Nebiga SCW
Taariikhyahannadu
waxa ay iswayddiiyaan waqtigii ay dhacday dheelmintii Nebigu SCW. Waxa ay isku waafaqsanyihiin inay dhacday
Hijradii Nebiga SCW ka hor. Balse, waxa ay isku khilaafeen sannadkii ay dhacday
dheelmintu sannadka uu ahaa. Culimada qaarkood waxa ay yidhaahdeen wuxu dhacay 16
bilood ka hor hijradii Nebiga SCW, halka culimada qaarkood kale ay yidhaahdeen
waxa ay ahayd hijrada ka hor sannad badhkeed; culimada qaarkood intaa wax u dhawa
yay yidhaahdeen. Intaas ka dib waxa ay ku kala duwanaadeen bisha ay dhacday
dheelmintu. Culimada qaarkood waxa ay ku adkaysteen inay dheelmintu dhacday
bisha Rabiicu Saanii, Bishan waxa xoojiyay Imaamu Nawawi. Culimada qaarkood waxa
ay yidhaahdeen dheelmintu waxa ay ahayd bisha Dulqacda. Culimada qaar ka mid
ahina waxa ay yidhaahdeen waxa ay ahayd bisha Ramadaan. Sidoo kale, Culimada
qaar baa tidhi bisha Rejab ayay ahayd. Gorfaynta arrimahan laga sameeyay way
badanyihiin, mas’alooyin badan baa laga yidhi. Aqwaashan waxa aan ka dhadhansan
karnaa in Salafka agtooda ayna bisha iyo maalintu muhiim ka ahayn, balse arrinta
muhiimka ahi ay tahay dhacdada. Cayimidda waqtiga ay dhacday dhacdadu iskumay
waafaqin culimadu, balse iskuma diiddana goobta ay ka dhacday dheelmintu. Arrintu
waxa ay ka bilaabantay Masjidka sharfan ee Masjidu Al Xaraam, waxayna ku dhammaada Masjidka Al
Aqsaa ee ku yaalla Qudus.
Su’aasha iswayddiinta
mudan waxa ay tahay: Dheelmintu ma waxa ay ka bilaabantay gurigiisa? Mise waxa
ay ka bilaabantay guriga Ummu Haani? Mise waxa uu ka bilaabmay Masjidka Al
Xaraam? Saddex qawl oo kala duwan ayaa laga yidhi. Balse, waxa dhaba inuu ka
bilaabmay Masjidka Xaramka, Maka na dhammaanteed xurmo ayay leedahay. Culimadu
intooda badan waxa ay isku raaceen inuu ka bilaabmo masjidka Xaramka, halka
gurigiisa iyo Guriga Ummu Haanina uu ku danbeeyay oo ka dib markii uu Xaramka
ka soo bilaabay ku xigsiiyay. Taariikhyahannadu waxa ay isku waafaqsanyihiin in dheelmintu
dhacday ka dib dhimashadii Nebiga Adeerkii Abu Daalib, Abu Daalib oo Nebiga u
ahaa garab wayn oo difaaca. Sidoo kale, waqtigaas waxa iyadna geeriyooday
Nebiga Xaaskiisii Sayidatu Khadiija Bintu Khuwaylid. Abu Daalib Nebiga garab wayn
ayuu uga ahaa Fidinta dacwadda dhinaca debadda, halka Khadiijana garab wayn uga
ahayd dhinaca gudaha. Waqtigaas ay geeriyoodeen wuxuu ahaa markii Nebigu SCW ka
soo laabtay safar halis badnaa oo uu ku tagay Daa’if, halkaas oo uu dadkii
Madiina ku noolaa kala soo kulmay dhibaato wayn. Wuxuuna Maka ku soo laabtay
isaga oo niyadjabsan.
Ujeeddadii
Dheelminta
Suuradda Al
Israa Alle waxa uu kaga warramay ujeeddadii iyo hadafkii dheelminta, Alle wuxuu
yidhi “ Waxa aannu u dheelminnay si aannu u tusno Aayadahayaga…” May ahayn
safar xog raadin ah kaliya, ama safar dalxiis. Balse, wuxuu ahaa safar gaar ah
oo loogu talagalay qof gaar ah oo tagaya meel gaar ah. Qofkaasi oo ka tegaya
meel gaar ah, una sii jeeda oo ku socda meel gaar ah. Qofkaasi oo gaadiid gaar
ah raacaya. Safarkaasi intii uu dhulka marayay waxa Nebigu raacay gaadiid
cajiiba oo la yidhaahdo ‘ Buraaqa’ oo ah afarlugood leh waxoogaa ka yar Faraska,
kana wayn Baqasha. Waxa ay lugaheeda dhigaysay halka araggeedu qabto/ku dhaco.
Safarkan Nebigu SCW wuxuu soo arkay Nebiyadii, isaga ayaana hoggaaminayay oo
Salaad buu tujiyay oo Imaam buu u noqday. Safarkaa samada waxa Nebiga la socday
oo ku wehelinayay Jibriil SCW, ujeeddada dheelmintuna waxa ay ahayd in Nebigu
soo arko ama ogaado ballaadhnida kawnka, iyo inuu soo ogaado waxa Alle dunida
ku dul abuuray ( kuwo muuqda iyo kuwo qarsoon ba), si uu u rumeeyo hadalkii
Alle ee ahaa ‘ لقد رأى من آيات ربه الكبرى ) .’
Ujeeddada ah
‘ Si aan u soo tusno aayadahayaga’ waa ujeeddada ugu horraysa, uguna muhiimsan.
Balse, muxuu safarku u ahaa mid ka bilaabma masjidka Xaramka, kuna dhammaaday
Masjidka Barakaysan ee Al Aqsaa? Muxuu Nebigu SCW Maka intuu ka bilaabo Samada
uun aayar u tagi waayay? Waxa jirta ujeeddo siyaasiya oo wayn, taasi oo ah
xidhiidhka wayn ee ka dhexeeyay labada masjid ee Xaramka iyo Al Aqsaa. Meesha
laga tagayaa waa hal meel uun. Sidaas darteed buu Cumar Al Faaruuq gacanta ugu
dhigay furayaashii Qudus. Kelidii uun ma ahayn. Sidaas darteed cidna uma habboona
inay ka gaabiyaan xaqa Masjid Al Aqsaa. Se qofka ka gaabiyaa, kuma sugan
dariiqadii Nebiga SCW diin ahaan iyo ilbaxnimo ahaan ba. Ummaduna kamay
tanaasulin xaqii taariikheed ee ay ku lahayd masjidkan, balse way diideen inay
qabsadaan Yuhuuddu masjidan Sharfan ee Al Qudus, mana aha inay daciifnimo ama sababo
kale oo liita uga tanaasulaan xaqiisa. Macquulna maaha in loo oggolaado Yuhuddu
inay qabsato masjidkan. Waa masjidkii saddexaad ee ummaddan, qofka xaqiisa ka
gaabiyaana shaki la’aan wuxuu ka gaabiyay xaqii Masjidkan xurmaysan, sidaas
darteed bay culimadu tawjiih cajiiba u saaraan Aayadahan ‘ (
سبحان الذى أسرى بعبده ليلا من المسجد الحرام إلى المسجد الأقصى.’ Waxa ay culimadu yidhaahdeen
Aayaddan waxa si cad loogu sheegay Masjidka Al Xaramka iyo Masjidka Al Aqsaa.
Cashirro
aynu ka baran karno
Waxa jira
cashirro badan oo muhiim u ah dhammaan ummadda heerarkeeda kala duwan, gaar
ahaan marka ummaddu ku nooshahay lababoglayn sida ay waaqican tahay oo kale,
waxaana ummadda agyaalla waxa ugu wanaagsan oo ah Siiradii Nebiga SCW. Cashirradan
ayaan ka baran karnaa:
-
Faa’idada ay leedahay xaaska wanaagsan: Waa muhiim xaaska wanaagsan, waxa
aan aragnay in Nebiga SCW Khadiija garabkiisa ahayd waqtigii uu dacwadda waday
ee dagaalku ku socday. Dad hortii ayay rumaysay Khadiiji Nebiga SCW. Khadiiji
xoolaheedii ayay Nebiga SCW siisay markii ay dadku u diideen, waxayna la garab
istaagtay xoolaheedii, caqligeedii iyo nafteedii ba.
-
Waa lagama maarnaan in Dacwaddu hesho rag ilaaliya: Waa muhiim inay rag heshaa, xataa
ragaasi yna ahaanin ba Muuminiin, Abuu Daalib Diinta iyo Nebigaba wuu difaaci
jiray isaga oo aan rumaysan. Cashir muhiima ayaa ugu sugan dadka Ducaadda ah ee
Diinta faafiya, waana in bulshada la geliyo fekrad ah inay dacwadda ilaaliyaan.
-
In la hindiso fekrad shaqaynaysa oo ku salaysan
mashruuca faafinta Diinta oo wadata qorshaheedii iyo asluubteedii: Nebigu SCW wuxuu sameeyay inuu ballaadhiyo
qaabkii loo faafinayay dacwadda, wuxuuna qorsheeyay qorshe ku saabsan sidii uu
Diinta ugu faafin lahaa meelaha Maka ka baxsan. Qaar badan oo asxaabtiisa ka
mid ah wuxuu u diray dhulka Xabashida, si ay dacwadda ugu faafiyaa, si la mid
ah sida uu isaguba Daa’if u tagay ee Diinta u faafinayay.
-
In la dhiiso jiil Muslimiina oo rukun adag u ah Dacwadda: Dacwadi ma jirto rag la’aan, ragna
ma jirayaan tarbiyad la’aan, tarbiyad la’aanna ma jirayso manhaj la’aan, Manhajkuna
waa Kitaabka, Murabbigii koowaadna waa Rasuulka SCW, jiilkii koowaadna tiir
wayn ayay u ahaayeen Dacwaddii Nebi Muxammad SCW.
-
Dacwaddii Nebi Muxammed SCW kaliya may ahayn Dacwad
ruuxi ah, sidii ay ahayd Dacwaddii Nebi Ciise, balse waa dacwad shaamil oo waxkasta
kulmisay oo hadafkeedu yahay dhisidda ummadda. Dawladdu waxa ay ka shaqaysaa
dhismaha ummadda. Dr. Axmed Riisuuni wuxuu yidhi: “ Dhismaha dawladdu waa
waajib, balse ma aha wajibka koowaad, balse waa waajib laga horreeyo oo kuwa
kale ku xidhan…’ Balse Dr. Al Marsuuqi wuxuu ku adkaystay in dhismaha dawladdu
kelideed waajib tahay, ummadduna ayna macno lahayn dawlad la’aan.’ Marka aynu
fiirinno Aayadaha waxa aynu ogaanaynaa in hadalka uu yidhi Marsuuqi uu u
dhawyahay ruuxda nusuusta.
-
Alle tabaaraka watacallaa wuxuu la jiraa muuminiinta,
oo noloshooda wuu garabjoogaa: Alle weligii kama tagin ama naxariistiisu kamay madhnaan muuminiinta,
balse wuu imtixaanayaa oo jarribayaa. Imtixaanku waxa uu noqonaysaa mid wayn, balse
cidhibta danbe iyo guusha waxa leh dadka Alle ka cabsada. Waana Sunno ka mid ah
Sunnaha nolosha sida uu Alle sheegay ‘… Ha murugoon Alle ayaa innala jira…’
Dacwaddu si
ay u guulaysato waxa ay u baahantahay Samir uu dariiqa dacwadda ku maro.
Dariiqan Dacwadda Alle lagu gudbinayaa maaha mid ay ubaxyo yaallaan, balse waa
mid qodxo leh oo qodxo yaallaan. Ma jiro qof dariiqaa dacwadda wadi kara marka
laga yimaaddo cid Alle ku xidhan, Kuna dayanaya Rasuulka SCW, Manhajna ku
xidhan, akhlaaq ahaanna dhisan oo akhlaaqdiisu hufantahay.
Rasuulku SCW
ma joojin dacwaddiisii, sidoo kale maalinna ma joojinin qaabkii uu dacwadda u
waday, tarbiyadii iyo halgankii uu ku jiray. Wuxuu diiday in Dacwadda wax lala
simo, wuxuuna yidhi: ‘ Wallaahi haddii ay cadceedda gacantayda midig saaraan, gacantayda
bixidna dayaxa saaraan arrintan ( dacwaddan) aan wado kama tagayo illaa Allle daahiriyo
ama aan dhimanayo). Qofka guulaystay waa ka aan joojinnin dacwadda xaaladkasta
iyo si kasta. Nebiguna halkan ayuu addoonnimada Rabbi ku caddeeyay, waana Addoon
Alle markasta.
W/Q: Cabdiraxmaan
Bashiir ( Af Carabi)
Turjumid:
Cabdirisaaq Sandheere ( Af Soomaali).
27 Rejab 1446.
Jeenawari 27, 2025
Comments
Post a Comment