Posts

Showing posts from February, 2025

Maxaan ku soo arkay Diridhaba?

Image
  Magaalada Diridhaba Juqraafi ahaan waxa ay ku taallaa Bariga Itoobiya. Waxa ayna u dhexaysaa xadka oomiyadaha Soomaalida iyo Oromada. Diridhaba waxa ay ka mid ahayd Maamulka Soomaalida ka hor intii aan Itoobbiya loo qaybin Kilillada iyo Ismaamullada.  Magaalada Diridhaba, waa mgaalo waddooyin qurux badan leh.Waddooyinka magaaladu waa kuwo waasica oo aad u ballaadhan sida  magaalooyinka kale ee Itoobiya. Waddooyinka Diridhaba waa 4 haad, halka dhinacba laba baabuur oo isku jiho u socda ayaa wada mari kara. Waxa kale oo cajiiba qaabka loo dhisay labada haad dhexdooda oo waxa laga sameeyay Land Scape qurux badan. Si qurux badan badan inta loo qurxiyay ayaa weliba waxyaabo badan lagu qurxiyay. Waxa kale oo lagu beeray dhir qurux badan. Dhirtaasina aad bay u qurxisay.  Magaalada Diridhaba waxyaabaha aan ku arkay ee bogaadinta mudan waxa ka mid ah khudaarta, iyo dhiraynta magaalada. Labadaas arrimood waa farxad, walow Itoobbiya guud ahaan labadaba hodan ku tahay, haddana...

Waa maxay faa’idada ku jirta akhrinta buugaag badan?

Image
  Intii aan noolaa buug badan ayaan akhriyay, balse intooda badan ma xasuusto xogahii aan ka helay. Sidaas darteed, waa maxay faa’idada ku jirta akhrinta buugaag badan? Maalin maalmaha ka mid ah ayaan wayddiintaas wayddiiyay Barofaseerkaygii. Maalintaas Barofaseerku wuu aamusay, kamana jawaabin wayddiintii. Maalmo yar ka dib arday iyo Barofaseerkii ayaa ku kulmay Webi. Barofaseerkii ayaa ardaygii tusay meel biyo ka soo burqanayaan, wuxuuna ku yidhi: “ Innamari aynu soo eegno biyahan Webigan meesha ay ka soo burqanayaan.’ Ishu waxa ay ka imanaysaa dhulka. Ardaygii ayaa wareeray, iyaga oo u maleeyay in arrintani tahay mid bilaa macniya oo macallinku u diray, iyada oo ayna suurtagal ahayn in biyuhu ka yimaaddaan meel daloosha. Ardaygii ma addeecin taladii Barofaseerka, macallinkii wuxuu soo qaatay weel daloola, wuxuuna ula kacay dhinaca Webiga. Weelkii ayuu Biyo ka buuxiyay, dib ayuuna Webiga ugu tuuray, balse kama fogaan oo meel dheer ma tagin. Waxoogaa yar ka dib, Biyihii ay...

Markasta muhiim baa tahay!

Image
  Waxa caana in qofku marka uu ladanyahay la wada jecelyahay, oo lagu soo hirto, halka marka aanad waxba hayn cidina ayna ku danayn, waxna ku soo moodin, laguna aan jeclay. Ladnaanshuhu maaha kaliya uun jeebka, se wuu noocyo badanyahay, ladnaanshaha waxa ka mid ah in qofku yahay afmaal, inuu yahay qof miisaan leh oo bulshadu qawlkiisa ku go’do, in qofku daacadyahay oo la aamini karo IWM. Isku soo xooriyoo qofka Tayada leh waa la daneeyaa. Tayadu way noocyo badantahay, ugu yaraan noqo qof tayo leh oo daacadnimo, aaminaad, ballan oofin, run iyo wanaag ku caanbax oo ha lagugu barto sifooyinkaas. Adigu muhiim baad tahay, kaliya naftaada muhiim uma tihid, bulshadana muhiim baad u tahay. Waxa aad tahay xubin ka mid ah bulshada, kaalin baad ugu jirtaa bulshada. Kaalintu maaha mid muuqata uun, waxa ay noqon kartaa mid aan la ogayn oo kaliya adigu aad ogtahay. Kaalinta ugu yar ee aad bulshada ugu jiri kartaa waa in aanad cidna ku tiirsanayn oo adigu dhuunigaaga iyo baahidaada kaafisid, oo a...