Waa maxay faa’idada ku jirta akhrinta buugaag badan?
Intii aan noolaa buug badan ayaan akhriyay, balse intooda
badan ma xasuusto xogahii aan ka helay. Sidaas darteed, waa maxay faa’idada ku
jirta akhrinta buugaag badan?
Maalin maalmaha ka mid ah ayaan wayddiintaas wayddiiyay Barofaseerkaygii.
Maalintaas Barofaseerku wuu aamusay, kamana jawaabin wayddiintii. Maalmo yar ka
dib arday iyo Barofaseerkii ayaa ku kulmay Webi. Barofaseerkii ayaa ardaygii
tusay meel biyo ka soo burqanayaan, wuxuuna ku yidhi: “ Innamari aynu soo eegno
biyahan Webigan meesha ay ka soo burqanayaan.’ Ishu waxa ay ka imanaysaa dhulka.
Ardaygii ayaa wareeray, iyaga oo u maleeyay in arrintani tahay mid bilaa
macniya oo macallinku u diray, iyada oo ayna suurtagal ahayn in biyuhu ka
yimaaddaan meel daloosha.
Ardaygii ma addeecin taladii Barofaseerka, macallinkii wuxuu soo
qaatay weel daloola, wuxuuna ula kacay dhinaca Webiga. Weelkii ayuu Biyo ka
buuxiyay, dib ayuuna Webiga ugu tuuray, balse kama fogaan oo meel dheer ma
tagin. Waxoogaa yar ka dib, Biyihii ayaa ka soo daatay meeshii dillaacsanayd ee
weelku ka daloolay, waxayna ku soo daateen dhulka. Dhawr jeer ayuu isku dayay
inuu biyaha celiyo, balse kuma guulaysan, wuxuuna dareemay diiqad iyo culays.
Waxoogaa ka dib, ardaygii wuxuu ku soo laabtay Macallinkiisii,
wuxuuna yidhi: “ Waan ku guuldarraystay. Meeshan biyo kama keeni karo. Suurtagal
iima aha, Fadlan I cafi.’ Macallinkii si wanaagsan ayuu u dhoollacaddeeyay,
wuxuuna yidhi: ‘ Maad guuldarraysan, eeg weelka, hadda waa nadiif. Wuxuuna u
eegyahay sidii wax cusub, markasta oo biyuhu ka yimaaddaan meelahaa daloola wasakhda
ku jirta weelka ayay soo maydhayaan oo nadiifinayaan. Sidaas si la mid ah marka
aad akhridid buug maskaxdaadu waxa ay la mid tahay daldaloollada weelkaas,
xogta buuga ku jirtaana waa sida biyaha. Marka aad akhridid buug, ma xasuusan
kartid waxkasta. Balse ma muhiim baa in
aad xasuusatid dhammaan waxa aad akhriday? Maya, waayo akhrinta buugtu waxa ay
ku siinayaan fekrado, aqoon, falcelinno, dareenno, iyo run nadiifisa maskaxdaada.
Markasta oo aad akhridid buug, waxa aad helaysaa isbeddel
ruuxeed, waxaanad u dhalanaysaa sidii qof cusub. Tanina ujeeddada ugu wayn ee akhrinta
buugta.
Comments
Post a Comment