Posts

Showing posts from March, 2025

Imaam Axmed maalmihii ugu danbeeyay noloshiisa markii la wayddiiyay " Illaa intee in leeg baad aqoonta baranaysaa?" Wuxuu yidhi: " Illaa intaan dhimanayo."

Image
  Markii aan arkay sawirka sheekhan oo qolkii uu dhakhtarka kaga jiray u baddelay Maktabad waxaan xasuustay sannad ka hor mar aan Sheekha gurigiisa ku booqday. Wuu xanuunsanayay, oo wejigiisa waxa ka muuqday xanuun, hadalkiisana waa laga dareemayay xanuunka. Waxa aan wax ka wayddiiyay caafimaadkiisa, iyo qorshihiisa, iyo aqoonta uu maalmahan ku mashquulsanyahay. Wuxuu ii tilmaamay oo faraha iigu ishaaray Maktabaddisii, wuxuuna igu yidhi: " Waxa aan gacanta ku hayaa 15 buug, qaar aan tifaftirayo, iyo qaar aan qorayo/quraarayo oo ku hawlanahay, Alle ayaan wayddiisanayaa inuu Cimriga ii dheereeyo illaa aan buugtaa dhammaynayo. Buugtaas waxa ka mid ah buug aan 20 sano qorayay, buugaas waxa magaciisa la yidhaahdaa ' Buugii Da'da'..." Imaam Axmed maalmihii ugu danbeeyay noloshiisa markii la wayddiiyay " Illaa intee in leeg baad aqoonta baranaysaa?" Wuxuu yidhi: " Illaa intaan dhimanayo." Sheekh Abuu Isxaaq Alle ha u naxariistee wuxuu ka mid ahaa da...

Sookoobidda Buugga “ Afric’s First Democracy”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaa “ Afric’s First Democracy”, waxa qoray Cabdi Ismaaciil Samatar. Cabdi, waa aqoonyahan Siyaasadda, dhaqaalaha, iyo taariikhda ka faallooda, kuna xeeldheer oo muddo badan baranayay. Buuggu waxa uu ka koobanyahay 308 bog. Waxa uu kaga warramayaa in Soomaaliya waqtigii ay xornimada qaadatay ee Aadan Cabdulle Cismaan, iyo Cabdirasaaq Xaaji Xuseen maamulayeen aya ahayd Waddankii Afrika ugu horreeyay ee Dimuqraaddiyad ku dhaqma. Dooddaas ayuu qoraagu ku soo bandhigayaa. Si guud ayaynu u tilmaami. Nuxurka Buuga Qeybta koowaad, Qoraagu waxa uu kaga warramayaa Afrika nidaamyadii maammul ee ka jiray waqtigii Gumeystuhu ka baxay, iyo wixii ka horreeyay. Afrika, markii gumeystuhu ka baxay dhawr nidaam oo kala duwan ayay qaateen. Waxa ka mid ah: 1- Nidaamka Dumuqraaddiyadda. 2- Boqortooyada. 3- Diktaytarrada. Qoraagu, halkan waxa uu ku dooddayaa in waddamo badan oo Afrikaan ah oo sheegtay inay Dimuqraaddiyihiin, oo nidaam dumuqraaddiyadeed qaat...