Sookoobidda Buugga “ Afric’s First Democracy”
Hordhac
Buuggan la yidhaa “ Afric’s First
Democracy”, waxa qoray Cabdi Ismaaciil Samatar. Cabdi, waa aqoonyahan
Siyaasadda, dhaqaalaha, iyo taariikhda ka faallooda, kuna xeeldheer oo muddo
badan baranayay.
Buuggu waxa uu ka koobanyahay 308 bog. Waxa
uu kaga warramayaa in Soomaaliya waqtigii ay xornimada qaadatay ee Aadan
Cabdulle Cismaan, iyo Cabdirasaaq Xaaji Xuseen maamulayeen aya ahayd Waddankii
Afrika ugu horreeyay ee Dimuqraaddiyad ku dhaqma. Dooddaas ayuu qoraagu ku soo
bandhigayaa. Si guud ayaynu u tilmaami.
Nuxurka
Buuga
Qeybta koowaad, Qoraagu waxa uu kaga
warramayaa Afrika nidaamyadii maammul ee ka jiray waqtigii Gumeystuhu ka baxay,
iyo wixii ka horreeyay. Afrika, markii gumeystuhu ka baxay dhawr nidaam oo kala
duwan ayay qaateen. Waxa ka mid ah:
1- Nidaamka Dumuqraaddiyadda.
2- Boqortooyada.
3- Diktaytarrada.
Qoraagu, halkan waxa uu ku dooddayaa in
waddamo badan oo Afrikaan ah oo sheegtay inay Dimuqraaddiyihiin, oo nidaam
dumuqraaddiyadeed qaateen ayna qaadan dhab ahaan.Muuqaalka guud ‘ Dimuqraaddi’
ayay ka sheeganayeen. Se marnaba Dimuqraaddiyadda kumay dhaqmayn.
Waxa uu qabaa hadda in waddankii ugu
horreeyay ee ‘ Dimuqraddiyadda’ siday tahay ugu dhaqmay, kana runsheegay inuu
SOOMAALIYA ahaa. Soomaaliya waqtigaa waxaa maamuli jiray Aadan Cabdulle
Cismaan, iyo Cabdirasaaq Xaaji Xuseen, oo iyaga ayaa hormuud ka ahaa arrintaas.
Qoraagu, waxa uu qabaa maadaama Aadan iyo
Cabdirasaaq ka soo mid noqdeen Xisbigii SYL in ay ahaayeen laba nin oo xaaladda
Soomaalida fahansan, oo garan kara caqabadaha Soomaalida haysta, iyo sida loola
tacaali karo.
Qaybta 2aad, waxa uu kaga warramayaa
Sooyaalka Aadan Cabdulle Cismaan. Afrika inta badan gaar ahaan, aqoonta ‘
African Studies’ marka hoggaamiyayaasha laga hadlayo aad baa Sooyaalka
hoggaamiyaha loo daraaseeyaa ayuu qoraagu ku doodayaa.
Aadan, waxa uu ku dhashay meel la yidhaa
Ceelqurun, oo Baladwaynta Gobolka Hiiraan u dhaw. Waqti ahaan waxa lagu
hillaadin karaa 1908kii ama 1909kii. Waxa uu ahaa wiilka kaliya ee ay dhaleen
Hooyadii iyo Aabbihii. Bilo ka dib dhalashadii Aadan Hooyadii iyo Aabbihii way
isfureen. Ayaydii Hooyo ayaa xannaanaysay oo soo korisay, iyada ayaanna haysay
illaa ay indhaha beeshay 4 sano ka dib.
Aadan Aabbihii Cismaan waxa uu tagay Taleex,
oo waxa uu ku biiray Halgankii gobonnimodoonka ahaa ee Sayid Maxammed Cabdulle
Xasan. Se muddo ka dib ayuu Hiiraan ku soo laabtay. Aadan Aabbihii halgan badan
ayuu galay oo meelo badan ayuu maray. Waxa uu noqde xoolojire oo muddo ayuu
xoolaha eegi jiray. Xoolaha ayuu qoysas badan u soo eegay. Dhacdooyinna wuu
kala kulmay.
Aadan, shaqooyin badan oo uu soo qabtay ka
dib waxbarasho ayuu bilaabay. Waxbarashada ayuu sii watay, dhinacna wuu ka
shaqaysan jiray. Kalkaasinnimo ayuu muddo ku shaqaynayay, Aadan.
Aadan, ganacsad ayuu noqday oo waxa uu ka
shaqaysan jiray Magaalada Baledwayn. Sidoo kale, waxa uu ku biiray Ururkii SYL,
oo xubin firfircoon ka ahaa. Qofkii 30naad ee ku biira ayuu noqday. Xoghaye
ayuu Xisbiga ka noqday.
Sifooyinkiisa waxa ka mid ahaa:
1- Waxa uu ahaa nin naxariis badan.
2- Nin gobonnimo badan.
3- Nin go’aan leh
Halgankii uu soo galay Aadan, waxa ay
keentay inuu Soomaalida maamulo sannado badan, oo uu weliba si wanaagsan ugu
adeego. Inuu Si wanaagsan wax u maamulo waxaa u saamaxday:
1- Halgankii uu nolosha u soo galay, iyo
sidii uu ugu guuleystay inuu ganacsi sameeyo.
2- Waxa uu waxbadan ka yaqaannay maammulkii
Faashiistaha, iyo bahalnimadiisii.
3- Caddaaladda ayuu ku dadaali jiray oo ka
go’nayd.
4- Qabyaaladda ma aqoon.
Qeybta 3aad, qoraagu waxa uu kaga warramayaa
sooyaalka Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. Ladh waxa uu uga dhigay ‘ Geeljire illaa
Xorudirirnimo.’ In Cabdirasaaq, dhawr sifo kaga duwanaa Aadan, kuwa kalana kala
mid ahaa ayuu xusayaa.
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, waxa uu ku dhashay
Gobolka Nugaal. Meesha saxda ah ee uu ku dhashay, iyo taariikhda uu dhashay si
wanaagsan looma garanayo. Xaaji Xuseen odey caana oo la yaqaannay ayuu ahaa.
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Carruur badan ayay walaalo ahaayeen; 24 Wiil, iyo 13
hablood. Xaaji Xuseen, hooyadii waxa ay dhimatay isaga oo 6 sano jira.
Dabadeedna, geeljire ayuu noqday. Magaalada Gaalkacayo ayuu tagay. Wuxuu ku
biiray Madarasad. Quraanka ayuu ka dhigan jiray. Magaalooyin badan ayuu
isku maray. Sida Gaalkacayo, Baladwayn, Doollo, Wardheer, Muqdisho IWM.
Shaqooyin kaladuwan ayuu ka hayay. Luuqadda Talyaaniga si wanaagsan ayuu u
bartay.
Gumeystaha shaqooyin kaladuwan oo Qaranka u
dana ayuu Cabdirasaaq la qabtay. Muddo ayuu la shaqaynayay.
Cabdirasaaq, waxa uu ku biiray oo xubin ka
noqday Ururkii Gobonnimodoonka ahaa ee SYL.
Khibrad kaladuwan ayuu Cabdirasaaq hawllahaa
uu soo qabtay ka dhaxlay. Khibraddaas waxa ka mid ahaa:
1- Waddannnimo: Macallinkiisii Quraanka ee
Gaalkacayo ayaa su’aalo ay ka midtahay ‘ Maxaynu Caalamka uga hadhnay?’ waydiin
jiray. Taasina waxa ay keentay inuu dalka jeclaado.
2- Gumeystihii uu la shaqaynayay waxa uu ka
faa’idey in Soomaalidu isxorayso oo iyadu ismaamusho inay u baahantahay.
3- Maadaama uu muddo shaqaynayay, waxa uu
bartay sida loo maamulo Xafiisyada dawladda.
4- Wuxuu bartay marka Qaranka la dhisayo
waxa loo baahanyahay, iyo in aan kaliya lagu dhisin dhaqan ay wadaagaan
Qaranku.
5- SYL shaqada wanaagsan ee ay ummadda u
hayso ayuu gartay.
Qeybta 4aad, qoraagu waxa uu kaga warramayaa
Ururkii SYL iyo sidii uu ahaa. Markii hore Ururka waxaa aasaasay 13 dhallinyaro
ah. Se markii danbe dad badan ayaa ku soo biiray, oo ururkii wuu ballaadhay.
Ugu horrayn qoraagu waxa uu xusayaa in
Ajandayaasha ugu waaweyn ee SYL ay ka mid ahayd Waddaniyadda iyo in Qaranka la
xoreeyo, oo gumeystaha laga saaro. Markii hore urur Siyaasadeed muu ahayn, oo
looma samayn siyaasad. Se markii danbe Urur Siyaasadeed caadiya ayuu noqday.
Soomaalidu gumeystaha inay dalkeeda ka
saarto waxa ay ku baraarugtay sannadii 1940meeyadii. Ururro kale dalka way ka
jireen. Se Ururka ugu dhaqdhaqaaqa iyo saamaynta badan ayuu ahaa SYL. Aadan,
iyo Cabdirasaaq xubno Firfircoon ayay ka ahaayeen. Aadan, waxa uu xalliyay
dhibaatooyin iyo qalalaase SYL ah. Waxa uu xalliyay waxa ka mid ahayd:
1- Dhibaato dhinaca hoggaaminta Ururka ah
wuu xalliyay.
2- Dhibaato u dhexaysay SYL iyo Ururradii
Mucaaradka ahaa ee dalka ka jiray, oo ku saabsanaa doorashooyinka door muhiima
ayuu Aadan Cabdulle Cismaan ka qaatay.
Qoraagu, waxa uu xusayaa in Ururkaa SYL qayb
laxaadle ka qaatay Midayntii labada gobo lee Soomaalilaan, iyo Soomaaliya
Julaay, 1960kii.
Qeybta 5aad, qoraagu waxa uu ku tilmaamayaa
In Dimuqraaddiyaddii ugu horraysay uu sameeyay Aadan Cabdulle Cismaan oo dalka
ku dhaqay. Ka dib markii midawgu dhacay intii u dhexaysay 1960kii illaa
1964kii, waxa uu salka u dhigay Dimuqraaddiyadda, oo uu fadhiisiyay ayuu
qoraagu qabaa.Waqtigan waxa dalka Raysalwasaare ka ahaa Cabdirashiid Cali
Sharmaake.
Aadan waxa uu dhisay Hay’ado dawladeed oo
shaqeeya. Dadku way u sinnaayeen oo dhaqanka iyo waayaha ayuu ku saleeyay. Se
isaga laftiisa caqabado ayaa soo wajahay. Caqabadaha waxa ka mid ahaa:
1- Dalkan midoobay ee Soomaaliya loo
bixiyay, waxa soo kala gumeystay laba Maammul oo kaladuwan Ingiriis iyo
Talyaani. Taasi caqabad waxa ay ku noqotay isdhexgalkii dadkal, iyo
maamuliddii. Markaa isdhxegal iyo is oggalaysiin ayay u baahnaayeen.
2- Dalka dadka ku nooli 90% sida qoraagu
xusayo dad aan waxna Akhrin, waxna qorin ayay ahaayeen.
3- Dadku may fahansanayd sida ay u shaqayso
Dimuqraaddiyadda casriga ahi.
Qoraagu, waxa uu xusayaa in Aadan qaab
wanaagsan dawladda u dhisay, oo xulashada wanaajiyay. Haddii ay noqoto
xulashada Raysalwasaaraha, iyo kuwa kalaba. Rag kale oo Miisaan lahaa oo
booskaas u qalmayay ayaa jiray sida Cabdullaahi Ciise, iyo Maxammed Xaaji
Ibraahin Cigaal. Sababta uu u dooranwaayay labadaas nin Madaxweyne Aadan, waxa
ay ahayd:
1- Cabdullaahi Ciise, iyo Aadan isku gobolka
Hiiraan ayay ka soo wadajeedeen, oo haddii uu Cabdullaahi Raysalwasaare ka
dhigayso dimuqraaddiyadda ayay foolxumaynaysaa.
2- Cabdullaahi marhore ayuu Raysalwasaare
soo noqday, oo waa inuu dadka kale fursad siiyaa.
3- Aadan aqoon badan iskumay lahayn Maxamed
X. Cigaal, walow ay laba jeer Hargeysa iyo Muqdisho ku kulmeen, haddan barasho
la sheego ismay aqoon.
Qeybta 6aad, qoraagu waxa uu kaga warramayaa
sannadihii u dhexeeyay 1964-1967dii. Waqtigan waxa Raysalwasaare ahaa
Cabdirasaaq Xaaji. Cabdirasaaq waxa uu hore u ahaa Wasiirkii Ariimaha Gudaha ee
dalk, oo caqabado badan oo ay ka mid ahayd iskudaygii afganbi ee Hargeysa ka
dhacay ayaa soo wajahay. Cabdirasaaq, waxa uu soo magacaabay Golaha Wasiirrada
cusub. Sidan ayuu u kala magacaabay 1964tii:
1- Wasiirka Arrimaha Gudaha: Axmed Yuusuf
Ducaale.
2- Wasiirka Difaaca: Aadan Isaaq.
3- Wasiirka Arrimaha Gudaha: Cabdiqaaddir
Maxamed Aaden.
4- Wasiirka Maaliyadda: Cawil Xaaji
Cabdillaahi.
5- Wasiirka Waxbarashada: Keenadiid Axmed
Yuusuf.
6- Wasiirka Hawllaha Guud iyo Isgaadhsinta:
Sh. Cabdillaahi Maxammuud.
7- Wasiirka Beeraha: Ismaaciil Ducaale
Warsame.
8- Wasiirka Caddaaladda: Cabdiraxmaan Xaaji
Muumin.
Sharmaake, waxa uu u soo koobay oo ku dul
akhriyay mabaadi’da guud ee laga rabo. Waxaa ka mid ahaa:
1- Midnimada Soomaaliya, iyo inay difaacdo
xuduuddaheeda.
2- In la bilaabo dawlad Dimuqraaddiyadeed oo
shaqaynaysa.
3- In la ilaaliyo xaqa iyo xornimada uu
Dastuurku Dammaanadqaaday.
4- In la haagaajiyo maamulka guud,
5- In meel looga soo wadajeesto
musuqmaasuqa.
6- In ilaaliyo, la faafiyo, lana tixgeliyo
Shareecada Islaamka.
7- In kor loo qaado heernololeedka dadka
dhinaca dhaqaalaha, arrimaha bulshada dhaqanka IWM.
Sannadahaa, waxa uu qoraagu ku doodayaa in
Dimuqraaddiyaddii Soomaaliya liicday oo hoos u dhacday. Sidii ay sannadihii
hore aya ahayd maaha. Waxbadan baa isbeddelay. Waxyaabaha keenay waxa ka mid
ah, doorashooyinka golaha deegaanka oo hoos u dhacay, ragga qaar awood
siyaasadeed isticmaalayay IWM.
Qeybta 7aad, oo ah qaybta ugu danbeysa
qoraagu, waxa uu kaga warramayaa sidii wanaagsanayd ee sannadkii 1967kii Aadan,
iyo Cabdirasaaq u wareejiyeen madaxnimada. Doorasho ayaa dhacday. Rag badan oo
Cabdirashiid C. Sharmaake ka mid ahaa ayaa galay. Cabdirashiid, oo mar
Raysalwasaare u ahaa Aadan, ayay tartan adag wadagaleen. Cabdirashiid ayaa
guuleystay. Aadan, markii laga helay madaxnimada ee doorashadii qanacday, aayar
ayuu ku qancay, xilkiinna iska wareejiyay. Aadan, waxa uu ahaa madaxweyne si
nabdoon u wareejiyay xilka, iyo masuuliyaddii uu Qaranka u hayay isaga oo aan ‘
Waa la igaga shubtay’ Iyo ‘ Ma yeelayo’ odhan.
Gebagebo
Qoraagu intaas ayuu buugga ku soo koobayaa
Nuxurkana waxa aad mooddaa inuu intaas ku wareegayo. Si guud ayaynu u
dulmarnay. Intaas ayaan ku soo xidhayaa. Nabadeey.
W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Qoraa
iyo Turjumaa Madaxbannaan.
Juun 03, 2020.
Comments
Post a Comment