Posts

Showing posts from June, 2025

Haddii 20yadii ku jirtid...

Image
  Waa wiil dhallinyaro ah, wuxuu ku jiraa da'dii dhammaadka labaataneeyada. Waxbarashii wuu dhammeeyay, wuxuu helay shaqo iska caadiya oo dhexdhexaada. Waa qof Diin iyo akhlaaq leh. Wuxuu ku hammiyayaa inuu sameeyo guri xasilloon iyo inuu helo lammaane uu nolosha la wadaago. Wuxuu la haasaawayaa gabadh ka soo jeeda qoys sharaf leh. Balse, wiilkii waxa shuruud looga dhigayaa: - Inuu bixiyo meher badan. - Inuu xafladda ku qabto hool wayn. - Dahab badan. - iyo Guri wayn oo goglan. Qaab wanaagsan looma diidin, balse waa la niyadjebiyay, wuxuuna baxay isaga oo niyadjabsan. Goorma ayuu guurkii noqday mashruuc qofka dhabarka ka jebinaya, halkii uu ka ahaan lahaa inuu noqdo dad la dhisayo? Goorma ayuu guurkii noqday in la ismuujiyo iyo muuqaallada- halkii uu ka ahaan lahaa degganaan iyo xasillooni? Iskallifaaddan badan waxa ku burburay niyad wanaagii, dhallinyaro badanna way niyadjabeen. Aan xasuusanno; in guurku yahay cibaado, ee aanu ahayn ismuujin iyo bandhig. Guurka ugu qaalisanina maa...

Barashada Kitaabka Qiimaha leh 'بلوغ المرام في ادلة الاحكام .'

Image
  Waxa aan dib u yar eegay buugtaydii xasuusqorka sannadihii 2015-206kii. Waxa iga soo horbaxay qoraalkan oo aan ka qoray mar aan dhammeeyay Barashada Kitaabka Qiimaha leh 'بلوغ المرام في ادلة الاحكام .' Kitaabku wuxuu ka mid ahaa Kutub Axaadiis ah ooTaxane ah oo aan Masaajidda ka dhigan jirnay, waxaana ka mid ahaa Kitaabka la yidhaahdo ' العمدة الاحكام ' Taxanahaasi waa kuwo u gaar ah Barashada Axaadiista oo kaliya, waxa lagu bartaa Axaadiistii Nebiga SCW ka sugnaatay. Kitaabkan Buluuqa waxa aan bilaabay 03, Maarij, 2015kii, waxaanan dhammeeyay 15 Maarij, 2016kii. Waxa aan ku dhammeeyay 1 sano iyo 12 cisho. Waxa aan ka dhegaysan jiray Memory iigu jiray Moobilladii yaryaraa oo aan filayo inuu noocii C3-ga loo yaqaannay ah. Kitaabkan 'بلوغ المرام في ادلة الاحكام ' waa mid culus oo u baahan fahan badan. Inkasta oo aan Masaajidda ka marsaday, haddana waxa aan doorbiday inaan ka dhegaysto Caalim wayn oo faqiiha Sh. Cabdikariin Xasan Xoosh. Alla, sheekhu balaaqisa...

Murtida Waqtiga

Image
  Buuggu wax lala fadhiisto waa waxa ugu wanaaagsan, wax lala tashadana ugu weyn. Sidoo kale, waxla weheshadana waa waxa ugu dhaw. Dadka maankoogii ayaa ku qoran, Murtidii Falsafadyahannaduna way ku duugantahay. Sidoo kale, aragtidii khubarada, iyo miiddii tijaabooyinka ayaa ku xardhan. Dadka waxaa ugu wanaagsan qofka la noolaada buugaagta isaga oo fahmaya murtida waqtiga. Waxaanna dadka ugu shar badan qof ka madhan buugaagta ee ku qarqoomay waxa la yidhi, iyo wuxuu yidhi ‘ Yidhi baa la yidhi.’   Buugga waxaa ku qoran aqoon iyo murti. Aragti iyo khibrad. Tijaabo iyo werin. Dadka waxaa ugu haldoorsan qofka taga Maktabad si uu Kitaab faa’ido leh uga soo gato, ee khibradda ama tijaabada nolosha badiya.    Dadkana waxaa ugu liita qofka moloshiisa oo dhan ama inteeda badan aan waxba akhrin, ee la noolaadaa cid da’ ahaan, khibrad ahaan, iyo murti ahaan ka yar, ee qeyrkii la sinma. Oo markaa noloshu bilaa dhadhan u noqoto. Buuggu nolosha ayuu dib u cusboonaysiiyaa. Hiraalka...

Muhiimadda Shaqada

Image
Xalay waxa aan isku lug darnay oo wada lugaynay wiil muruqmaala oo suuqa ka shaqaysta. Dusha ayaan iska garanaynay oo dhawr jeer oo hore ayaan ganacsigiisa wax ka iibsaday. Marka hore waxa aan ku ogaa alaabaha yaryar sida Tusbaxyada, shiraabaaddada, Jaajarrada… ayuu suuqa la wareegi jiray. Markaas ayaan bartay. Waayadan ayaan waayay oo aanan arkin. Si guud baan isku xaal waraysanay, wuxuuna ii sheegay inuu hadda alaabihii yaryaraa joojiyay, meel bakhaarana alaabta u guro oo Kaaryoone ku shaqaysto. Masha Allah. Wan bogaadiyay. Wiilku wuxuu marhore ii sheegay inuu xaafaddooda biiliyo, oo isaga ay ku xidhantahay. Masha Allah. Intaaba uma socon, wiilkuna wuu xoogsanayaa, mashquulna uma baahnee cashir baan ka rabaa inaan ka dhiraandhiriyo: 1- Shaqadu waa haybad: Qofku markuu shaqaysto ayuu wax helaa, haddii aanu waxba qaban cidna inay wax siiso xaq uguma laha. 2- Si kastoo duruftu u adagtahay inuu qofku shaqeeyaa way caawisaa nafsad ahaan, dareen ahaan iyo nolol ahaan ba. 3- Waa inuuna qofk...