Barashada Kitaabka Qiimaha leh 'بلوغ المرام في ادلة الاحكام .'

 


Waxa aan dib u yar eegay buugtaydii xasuusqorka sannadihii 2015-206kii. Waxa iga soo horbaxay qoraalkan oo aan ka qoray mar aan dhammeeyay Barashada Kitaabka Qiimaha leh 'بلوغ المرام في ادلة الاحكام .' Kitaabku wuxuu ka mid ahaa Kutub Axaadiis ah ooTaxane ah oo aan Masaajidda ka dhigan jirnay, waxaana ka mid ahaa Kitaabka la yidhaahdo ' العمدة الاحكام ' Taxanahaasi waa kuwo u gaar ah Barashada Axaadiista oo kaliya, waxa lagu bartaa Axaadiistii Nebiga SCW ka sugnaatay. Kitaabkan Buluuqa waxa aan bilaabay 03, Maarij, 2015kii, waxaanan dhammeeyay 15 Maarij, 2016kii. Waxa aan ku dhammeeyay 1 sano iyo 12 cisho. Waxa aan ka dhegaysan jiray Memory iigu jiray Moobilladii yaryaraa oo aan filayo inuu noocii C3-ga loo yaqaannay ah.

Kitaabkan 'بلوغ المرام في ادلة الاحكام ' waa mid culus oo u baahan fahan badan. Inkasta oo aan Masaajidda ka marsaday, haddana waxa aan doorbiday inaan ka dhegaysto Caalim wayn oo faqiiha Sh. Cabdikariin Xasan Xoosh. Alla, sheekhu balaaqisanaa, aqoonyahansanaa oo xikmad badanaa. Waqtiga aan dhegaysan jiray oo sida Xasuuqorkan ka muuqata ahayd labadii sano ee 2015kii iyo 2016kii sheekha waxaan ka qoray xikmado badan iyo QAWAACID ciiddaa ka badan. Salaadda Subax ka dib illaa inta aan Dugsiga tagayo ayaan dhegaysan. Keliya wuxuu ahaa dhegaysi aan sheekha toos lo arkayn muuqaalkiisa iyo xarakaadkiisa. Waa Kitaabkii i baray Sh. Cabdikariin Xasan Xoosh inuu yahay caalim wayn oo bad ah.
Ujeeddada aan xasuusqorkan usoo sawiray, qoraalkana uga qoray waxa weeyi: In qofku inta uu yaryahay barashada Culuumta Diinta, iyo in qofku isku dayo in uu waxbadan korodhsado markuu yahay-inkasta oo ay muhiim tahay inuu markasta wax bartaa, haddana waxbarashada yaraantu waa dhaxax wax lagu qoray oo kale sidii xikmaddu ahayd. Dhinaca kale, waa inuu qofku xasuusqor samaysto, si uu markuu waynaado u xasuusto waayihii uu soo maray iyo halgankii uu nolosha soo maray.

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Markaad wax akhirid maxaa dhacaya?

Milicsigayga Sannadkan 2024 ( My Annual Review In 2024)