Posts

Sandheere

Ka faa’idayso sannadka cusub 2026

Image
Hordhac Waxa innoo bilaabmay sannad cusub. Waa waqti cusub iyo waayo cusub oo u baahan in laga faa’idaysto, waxna qofku iska wayddiiyo sidii uu fursaddaas cusub uga faa’idaysan lahaa. Waxa jira dad badan oo aan gaadhin sannadkan, way kula joogeen sannadkii hore ee 2025ka, balse maanta ma noola oo way innaga hooseeyaan, wayna dhinteen. Fursad wayn ayaad haysataa oo aad dadkaas kaga duwantahay, waana in aad nooshahay. Waxa jira dad badan sariir saaran ama dhakhtar ku jira, dadkaas oo aan awoodin in ay kacaan ama wax qabsadaan. Adigu in aad caafimaad qabtid oo aad socotid waa fursad aad haysatid iyo jaanis wayn. Waxa jira dad xabsi iyo jeel ku jira oo aan albaabka dhaafi karin, dadkaasi oo aan haysan xorriyad iyo madaxbannaani midna. Balse, taa cagsigeeda adigu waxa aad haysataa xorriyad iyo madaxbannaani dhammaystiran oo ma jirto cid ku haysata ama kuu diidaysa in aad hawlahaaga qabsatid. Sideed uga faa’idaysanaysaa? Maadaama aad sannadkan nolol dhammaystiran ku gaadhay, dh...

Milicsigayga Sannadkan 2025 ( My Annual Review In 2025)

Image
Hordhac Waxa dhammaanaya sannad, oo waxa lagu jiraa maalmihii ugu danbeeyay sannadka 2025ka. Waa ila muhiim inaan dib ugu laabto sannadkaas galbaday. In qofku naf ahaan u xisaabtamo, oo sannadka tagay wax iska wayddiiyaa waa muhiim. Waliba inuu qofku ogaado wixii u qabsoomay, iyo wixii ka qabyoobay saamayn wanaagsan ayay mustaqbalkiisa leedahay. In waqti tagay maxaa qabsoomay iyo maxaa qaldamay la iska wayddiiyaa horumar danbe oo amminta soo socota ah ayay keentaa. Qofku wixii ka qaldamay sannadka soo socda inuu saxo ayuu u xadhkaxidhanayaa. Sidoo kale, waxa ay keenaysaa sannadka soo socdana inuu u diyaargaroobo oo dadaal iyo halgan adag la yimaaddo. Aniga oo taas ka duulaya, waxa aan rabaa sannadkan dhammaaday ee 2025 ka aan si kooban u sheego waxa aan dheefay, buugta aan akhriyay, qoraallada aan qoray, waxa aan bartay, turjumaadda aan sameeyay, magaalooyinka aan u safray IWM. Akhriska Akhrisku waa caadadayda. Maalinkasta waxa aan jeclahay inaan wax akhriyo. Marka laga y...

Qorshahaaga sannadkii tagay 2025 maxaa kaaga hirgalay?

Image
  Hordhac Waxa dhammaanaya sannad, waxaana bilaabmay. Sidaas darted waa muhiim inuu qofku iswayddiiyo: Qorshayaashii aad hiigsanaysay sannadkan 2025ka maxaa kaaga hirgalay? Maxaa kaa qabyoobay? Maxaad fursado heshay sannadkii tagay? Maxaa caqabado ah ee kaa horyimid? Qorshahagii maxaa hirgalay? Qofkastaa wuxuu lahaa qorshayaal iyo riyooyin uu rabay inuu gaadho sannadkan dhammaanaya, adiga maxaa kaaga hirgalay qorshayaashaadii? Maxaa kaaga hirgalay qorshihii dhinaca dhaqaale samaynta? Maxaa kaaga hirgalay qorshayaashaadii dhinaca waxbarashada iyo aqoonta? Maxaa kaaga qabsoomay qorshayaashaadii dhinaca waxkorodhsiga iyo aqoonta guud? Maxaa kaaga qabsoomay qorshayaashaadii la xidhiidhay dhinaca shaqada iyo xirfadaha? Qorshayaashaadii maxaa qabyoobay? Marar badan ma dhacayaan in aad gaadhid waxkasta oo aad ku hammidid, marmar waxa imanaya gidaarro iyo caqabado kaa hor imanaya oo u baahan xal iyo taxliilin. Iswayddii maxaa qorshayaashaadii ka qabyoobay? Ma qaar ka mid ah aya...

Maxaad ka baratay sannadkan sii dhammaanaya 2025ka?

Image
  Hordhac Waxa maalmo kooban innaga xigaan dhammaadka sannadkan 2025ka. Waxa innoo dhammaaday sannad ka koobnaa 12 bilood, 52 toddobaad, 365 maalmood iyo 8,760 saacadood. Waa waqti aad u badan. Waqtiga intaas leegi wuxuu mudanyahay in laga faa’idaysto oo qofku waqtiga maalgashado. Waqtiga sifooyinkiisa uu la gaarka yahay waxa ka mid ah in marka uu tago aan dib loo soo celin karin ama xilli kale aan la helayn. Waqtigu xilliga uu joogo ayaa laga faa’idaysan karaa ama la dayaci karaa. Sannadkan 2025ka Sannadka 2025 wuxuu ahaa mid xambaarsan  casharro, waayo-aragnimo, iyo isbeddel nololeed .  Sida sannad kasta oo dhammaanaya, 2025 wuxuu innoo reebay xusuus farxad leh iyo kuwo caqabad ahaa, kuwaas oo dhammaantood qayb ka noqday korriimadeenna shakhsiyadeed iyo bulsho. Intii uu socday sannadkan, dad badan waxay wajahayeen  tijaabooyin ad’adag , halka kuwo kalena ay gaadheen  guulo ay muddo soo ku taamayeen.  Waxbarashada, shaqada, iyo nolosha guud ahaan, 2025 wux...

Maxaad ka baratay sannadkan sii dhammaanaya 2025ka?

Maalin Taariikhiya 26 Dec. 2025: Ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland

Image
  Hordhac Shalay oo ay taariikhdu ahayd 26ka bisha Diisambar, sannadka 2025 waxa ay bulshada Somaliland u ahayd maalin wayn oo taariikhiya. Waxa Somaliland u rumawday riyo ay lahaayeen 34 sano, oo ay maalin uun sugayeen in ay helaan madaxbannaani iyo aqoonsi dhaba. 34 sano waxa ay Somaliland gaadhay horumar wayn, xasillooni siyaasadeed, iyo horumar baaxad leh. Waxa keliya ka dhinnaa wuxuu ahaa in la qiro horumarka ay gaadheen iyo awooddooda dawladnimo. Sannadkii 1991kii bishii May 18-kii ayay Somaliland ka go’day dalkii   la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaliya oo ahaa Soomaaliya iyo Somaliland oo midoobay 1960kii- ka dib markii Soomaaliya xornimada ka qaadatay gumeystihii Talyaaniga, halka Somaliland na ay ka qaadatay Gumaystihii Ingiriiska. Aqoonsiga Somaliland Jamhuuriyadda Somaliland oo jirta 34 sano ka dib markii ay xorriyaddeedii kala soo noqotay Soomaaliya. Intaa ay Somaliland jirtay waxa ay gaadhay horumar baaxad leh. Waxa ay dhisatay nidaam dawladeed oo ...