Asxabigii la La jarjaray/Googooyay!


Kumannaan dad ah ayaa meel barxad ah iskugu soo baxay oo soo dareeray. Goobtu waa meesha la yidhaahdo Tanciim oo Maka ku agtaalla. Madaxdii iyo mijihii Qureysheed ayaa goob fagaare ah iskugu soo baxay. Sababta la iskugu yimid waa daawashada dilka iyo googoynta lagu fulinayo Khubayb Binu Caddi oo ka mid ahaa Asxaabtii Nebi Muxammad. Kumannaanka qof ee goobtaas joogay waxa ka mid ahaa Saciid Binu Caamir.
Geedkii toogashada ayaa la taagay Khubayb. Khubayb, wuxuu codsaday in loo oggolaado inuu tukado laba Ragcadood intaan la toogan ka hor. Hadalkiisii degganaa ayaa laga dhexmaqlayay qaylada carruurta iyo dumarka. Waa loo oggolaaday inuu tukado. Waqtigaas uu tukanayay waxa eegayay Saciid Binu Caamir, oo wuxuu yidhi: “ Wuxuu tukaday laba Ragcadood oo dhammaystiran oo aad u qurxoon.”
Khubayb wuxuu fiiriyay madaxdii qoomka oo isaga soo eegaya oo indhahoodii ku soo maqanyahay, markaasuu yidhi: “ Wallaahi haddii aydaan u malaynayn in aan Salaadda u dheeraynayo cabsi aan geerida ka cabsanayo Salaadda ayaan sii wadan lahaa.”

Saciid, wuxuu xaadiray, oo indhihiisa ku eegayay tolkii oo qaybqayb u googaynaya jidhka Khubayb oo nool. Jidhkiisa ayay qurubqurub u jarjarayeen iyaga oo ku leh: “Ma jeclaan lahayd inuu Nabi Muxammed booskaagaa jooga, oo aad adna badbaadid?” Khubayb oo dhiiggu ka tifiq leeyahay ayaa lahaa: “ Wallaahi, ma jeclaadeen in Nabi Muxammed (NNKH) qodaxi muddo, aniga oo ehelkayga iyo carruurtayda la jooga oo nabadqaba.” Markaas ayay dadkii qayliyeen oo ku dhawaaqeen: “Dila, dila, dila.” Saciid Binu Caamir, ayaa eegay Khubayb oo indhihiisa samada u jeediyay, geedkii lagu daldalayay dushiisa, isaga oo leh: “Allow tiradooda koob, dhammaantood wada laa’ oo waxba dhulka korkiisa ha ka tagin.”

Intaa wixii ka danbaysay wiilkan yare ee Saciid, maskaxdiisa kamay maqnaanin sidii Khubayb loo galay. Marka uu seexdo wuu ku qarwi jiray. Marka uu soo jeedana wuu sawiran jiray. Waxaa markasta hor iman jiray Khubayb oo si wanaagsan labadii Ragcadood u tukanaya iyo isaga oo la googoynayo. Saciid, dilkii Khubayb ka dib, wuxuu bartay wax aannu intii hore aqoon. Wuxuu bartay in nolosha dhabta ahi ay tahay Caqiidada wanaagsan iyo Jihaadka. Waxa kale oo uu bartay in Iimaanka qofka ku degay uu ku sababo inuu sameeyo waxyaabo layaab leh. Ugu danbayn, wuxuu ogaaday in ninkan ay Asxaabtiisu jecelyihiin uu yahay Nabi Samada laga taageersanahay.
Intaas ka dib Alle wuxuu laabta Saciid ku sharraxay Islaamnimada. Wuxuu sheegay in uu bari ka yahay waxa ay Qureyshi caabuddo, iyo waxa ay samaynayaanba, Diinta Allana uu galay. Saciid, wuxuu u hijrooday Madiina. Rasuulka ayuu ku taxmay. Wuxuu ka qaybgalay dagaalkii Khaybar iyo dagaalladii kale ee ka danbeeyay. Markii uu Nabigu dhintay wuxuu aad ula shaqeeyay oo la saaxiibay labadiisii asxaabi ee Abuubakar, iyo Cumar Binu Khaddaab Ilaahay raali haka noqdee. Wuxuu tusaale u noqday qof adduunyadiisii aakhiro ku iibsaday oo raalligelinta Rabbi ka doorbiday wixii ay naftu jeclayd iyo wixii uu jidhku u hamuunqabayba.
Labadii Khaliif ee Abuubakar, iyo Cumarba talada Saciid aad bay u weelayn jireen. Cumar markii uu talada qabtay ayuu Saciid u soo galay oo ku yidhi: “Cumaroow, waxa aan kuu dardaarmayaa in aad Alle dadka uga cabsato, oo aanu hadalkaagu ka hor iman ficilkaaga. Hadalka ka ugu wanaagsani waa ka uu ficilku ka runsheego e.” Dardaaranno kale oo badan ayuu Cumar siiyay.
Ka sii akhri Qisadiisa Kitaabka aan turjumay ee " Milicsiga Sooyaalkii Asxaabta Nebi Muxammed SCW."

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Markaad wax akhirid maxaa dhacaya?

Milicsigayga Sannadkan 2024 ( My Annual Review In 2024)