5 Caado oo aad ku dhisi kartid kalsooni badan
Waxa jira habdhaqanno haddii
qofku sameeyo uu helayo kalsooni wanaagsan oo la isku hallayn, habdhaqannaas
waxa aan ka xusi karnaa shantan qodob:
1-
Ilaali ballamaha: In aad
ballanta ilaalisaa waa arrin muhiim u ah tixgelinta naftaada iyo tixgelinta
bulshadaba, ballan oofintu waa u muhiim xidhiidhka labada qof. Sidaas si la mid
ah ilaalinta ballantu axa ay keentaa in kalsoonida labada qof badato.
2-
Hadal yar iyo hawl
badan: Waa in aad hadalka yaraysaa, waxqabadkana badisaa, taasi waxa ay keentaa
in kalsoonida labada qof dhisanto.
3-
Jidhkaaga si maalinle ah
u tababbar: In aad jidhkaaga si maalinle ah uga warhaysid oo ilaalisaa waxa ay
keenaysaa in kalsooni badan aad dhistid.
4-
Ku dhac oo same waxyaabaha
aad ka baqdid: In waxyaabaha aad ka baqdid ee cabsidu kaa hayso wajahdid oo samaysid
waxa ay keenaysaa kalsooni xad dhaafa.
5-
Ka fiirso hadalladaada: Waxkasta
ha iska odhan, baro xilliga la hadlo iyo sida loo hadlo, in aad ka fiirsatid
hadalladaadu waxa ay keenaysaa in aad dhistid kalsooni badan.
Kalsoonida waa la abuuraa, ma
aha hadiyad iyo wax iska timaadda.
W/Q: Cabdirisaaq Sandheere
Comments
Post a Comment