Sideed Dhaqaale ahaan u kori kartaa?

 



Dunida qiimo kama laha, kamana shaqeeyo cudurdaarku — waxa ka shaqeeyaa waa natiijada iyo ficilka. Si kasta oo aad xog u leedahaya, haddana haddii aad shied tahay ma tihid qof muuqda.

1-    Ha yaraysan keydsiga waxa yaryar: Waxyaabaha yaryar ee la ururiyo, iyo xaddiga kooban ee lacagta ah ee la isku daro ayaa keena hodantinnimo waqti qaadata.

2-    Had iyo jeer laba jeer feker ka hor inta aanad waxba iibsan: Kharashaadka badan wuxuu dilaa dhaqaalaha, isaga ayaana ka daran saboolnimada.

3-    3-Kharashaadkaaga xaddi u samee: Qofka aan garanayn halka lacagtu kaga baxayso weligii caydh kama baxo.

4-    Lacagtaada ha ku bixin si aad dadka uga yaabsatid ama isku tustid in aad lacag haysatid: Istunimadu qofka waxa ay ka dhigtaa faqiir, dadka hantiilayaasha ahi uma baahna in ay dadka isku tusaan.

5-    Ha iska indhatirin qorshaynta dhaqaalahaaga: Qorshaynta lacagtaadu waa qrshaynta mustaqbalkaaga, qorshe la’aan waxa aad tahay qof hallawsan ama bilaa jiho ah.

6-    Baro xirfadda gorgortanka: Shillinkasta oo ku dhigmaa waa shilin aad heshay. Dadka caqliga badani ma bixiyaan qiimo badan.

7-    Baro aasaaska maalgelinta: Haddii ayna lacagtaadu sii badanayn oo korayn, way dhimanaysaa oo way yaraanaysaa.

8-    Iska ilaali khiyaamooyinka sheegaya ‘ in aad degdeg hantiile ku noqotid’: Hodannimada dhabta ahi waqti bay qaadataa oo waa geeddisocod, ma aha wax hal habeen kaliya lagu sameeyo.

9-    Kaydinta lacagta ka dhig wax aanad ka gorgortami Karin oo joogto ah: Haddii aanad marka hore naftaada wax ku bixin dadka kale ayaad wax ku bixin doontaa.

10-                       Iska ilaali nolosha sicirbararka leh: Shilinkii ku soo galaaba maaha inuu soo kordhiyo kharashaad cusub, xakamee baahidaada.

11-                       Baro kala duwanaanshaha u dhexeeya baahida iyo doonista: Dadku intooda badan waxa ay ku mashquulaan doonistooda, iyaga oo iska indhatiraya baahidooda aasaasiga ah.

12-                       Had iyo jeer yeelo dhaqaale aad waxyaabaha kediska ah ugu talogashid: Nolosha waxa yimaadda culaysyo iyo caqabado, qofka aan lahayn lacag dhigaalana wuu jabaa.

13-                       Shilinkasta u samee qorshe uu ku koro oo ku bato: Lacagta iska taallaa way dhimataa, se lacagta la hawlgeliyaa way badataa.

14-                       Lacagtaada oo dhan ha dhigin hal meel: In aad lacagta dhawr meelood kala gelisid ama dhigtid waxa ay keentaa badbaado.

15-                       Fahan sida lacagtaadu u shaqayso: Haddii aanad garanayn sida lacagtaadu u shaqaynayso, qof kale ayaa jaahilnimadaada kuu adeegsan doona oo kaa faa’idaysan doona.

Hadalka u danbeeya

Qofka aan lahay habdhaqan ama anshax dhaqaale waa qof u diyaara inuu burburo. Lacagtaada waad maamuli ama iyadaa ku maamuli. Jooji lacagtan badan eed ku bixinaysid dumarka, habnololeedkaaga iyo waxyaabaha ku burburinaya. Ilaasho lacagtaada, boorsadaada- markaa waxaad hantiyi mustaqbalkaaga.

 

W/Q: Adventist home

Turjumaad: Cabdirisaaq Sandheere

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Markaad wax akhirid maxaa dhacaya?

Milicsigayga Sannadkan 2024 ( My Annual Review In 2024)