Faallaynta Buugga ‘ When There Was No Aid’

  



Hordhac

 

Buugga la yidhaahdo ‘ When There Was No Aid ~ Marka  uuna jirin Gargaar” waxa qortay qoraa Sarah G. Philips. Qo0raa Sarah waa qoraa iyo cilmibaadhe waxka dhigta Jaamacadda Sydney, sidoo kale waa Caawiyaha Hormuudka  kulliyadda dawladnimada. Waa buug qaab cilmibaadhisa u qoran. Qoraa Sarah, waxa ay buugga ku eegaysaa xaaladda Somaliland horraysa iyo danbaysaba. Waraysiyo badan ayay dad Somaliland ku nool la yeelatay.  Xigashooyin badan, waraysiyo, dooddo, IWM ayay isku keentay, ka dibna buug dhammaystiran ka samaysay.

Qoraa Sarah, taariikh guud bay ku noqonaysaa oo buugga kaga warramaysaa. Waxa ay buuggeeda ka soo bilaabaysaa Soomaalilaan markii ay xornimada qaadatay Sannadkii 1960kii, illaa laga soo gaadhayo sannadkii 2018kii, markii Soomaalilaan iyo Putland dirirtu dhexmartay.

Waxa aan isku dayi doonaa inaan si kooban uga warramo waxa uu buuggu daaranyahay.

Taariikhdii hore ee Soomaalilaan

Sannadkii 1960kii ayay SL xornimada ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska. Sannadkii 1961kii Bishgii Juun ayaa afti la qaaday, aftidii ayay kula midowday Soomaaliya. Sannadkii 1969kii waxa dhacay afganbigii Siyaad Barre dalkii Soomaaliya kula wareegay. Sannadkii 1977kii waxa dhacay dagaalkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobbiya. Sannadkii 1981kii Bishii Abril waxaa la sameeyaywUrurkii Dhaqdhaqaaqa Soomaaliyeed ee ( SNM), waxaana si rasmiya loogu aasaasay magaalada London. Sannadkii 1982kii bishii Febraayo waxa dhacay muddaharaadki ay sameeyeen dhallinyaradii Uffo, qaar ka mid ah dhallinyaradaas ayaa la dilay, kumannaana waa la xidhxidhay. Sannadkii 1991kii, Bishii Jannaayo xukunkii Siyaad Barre ayaa la riday, Siyaadna wuu baxsaday.

Sidee Soomaalilaan ahayd sannadihii ( 1991kii-2001dii)

Bishii Febraayo, sannadkii 1991kii maamulkii SNM ayaa la shiray odayaashii ku noolaa Soomaalilaan, si ay uga xaajoodaan in xabbadjoojin lagu dhawaaqo. Bishii Abril illaa bishii May sannadkii 1991kii Shirkii Beelaha Soomaalilaan ayaa ka socday magaalada Burco. Bishii May sannadkii 1991kii Somaliland ayaa toos uga go’day Somaliya, waxaana madaxweyne loo doortay Cabdiraxmaan Cali Tuur. Sannadkii 1992kii waxa shaqaaqo ka dhex dhacday qaar ka mid ah beelaha deggan Gobolka Saaxil iyo Gobolka Togdheer. Bishii Oktoobar, sannadkaas 1992kii waxa is afgarad lagu dhammeeyay isk hor imaadkii beelaha deegaannadaas Saaxil iyo Togdheer dega, waxaana lagu qabtay magaalada Sheekh.

Bishii Jeenawari illaa May waxa shir ka socday Boorama,waxaana la waday dhismaha Soomaalilaand, shirkaana waxa lagu doortay golaha Baarlamanka, iyo Madaxwayne, kuxigeen IWM. Shirkaas waxa la isku raacay in laga guuray nidaamkii ku meelgaadhka ahaa ee ay talada ku haysay SNM, taladana loo doorto Madaxwayne. Halkaa waxa madaxwayne loo doortay Madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, kuxigeenna waxa loo doortay Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Sannadkii 1994kii waxa dirir ka timid Garoonka Hargeysa, waxaana isku diriray beelihii hore iskugu diriray Saaxil iyo Togdheer, dagaalkii wuu fiday illaa uu ugu danbayn gaadhay illaa Burco, oo xataa dadkii qaxeen, illaa sannadkii 1996kii wuu sii socday.

Sannadkii 1994kii waxa la sameeyay lacagta Shilling ka ah ee Somaliland, waxayna noqotay lacagtii cusbayd ee Qaranka. Waxa ku guulaystay lacagtaa inuu sameeyo Madaxwayne Cigaal AHUN.

Geeddisocodkii Somaliland ( 2000-2018)

Sannadkii 2001dii waxa afti laga qaaday dadka Somaliland, aftidu waxa ay ku saabsanayd inay Soomaaliya ka go’aan iyo in kale, 97% dadkii ka mid ahi waxa ay u codeeyeen in Somaliland ka go’do Soomaaliya.

Bishii May sannadkii 2002dii waxa geeriyooday Madaxweynihii Soomaalilaan oo ahaa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, waxaana xilkii loo dhaariyay Madaxwayne kuxigeenkii waqtigaas ee Soomaaliland oo ahaa Daahir Rayaale Kaahin.

Bishii Diisambar sannadkii 2002dii waxa markii koowaad la qabtay doorashooyinkii golayaasha Deegaanka. Waa markii ugu horraysay ee taariikhda Soomaalilaan la qabto golayaasha deegaanka dawlaha hoose.

Bishii Sibtanbar Sannadkii 2005tii waxa la qabtay doorashii golaha Wakiillada, waxaana la doortay Xildhibaanno gole wakiillo oo cusub.

Bishii Diisanbar sannadkii 2005tii wuxuu Madaxbannaanida Soomaalilaan iyo qaddiyaddeeda ka hor jeediyay Midawga Afrika ( African Union). Bishii Sibtanbar Sannadkii 2009kii waxa dalka Sucuudi Carabiya xannibay Xoolaha nool ee Soomaalilaan u dhoofin jirtay.

Bishii Juun sannadkii 2010kii waxa Soomaalilaan ka dhacay doorashadii Madaxtooyada. Waxa madaxweyne loo doortay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuxuuna ka guulaystay madaxwayne Daahir Kaahin.  

Bishii Abril sannadkii 2011kii maamulkii Madaxwayne Siilaanyo ayaa Baarlamanka u gudbiyay xeer muran badan keenay oo ahaa xeerkii Isgaadhsiinta dalka.

Sannadkii 2012kii waxa markii labaad laga qabtay doorashadii golayaasha deegaanka.

Sannadkii 2013kii waxa la aasaasay Sanduuqa Horumarinta Somalilad ( Somaliland Developmenta Fund). Waxaa wada saxeexay Dawladda Soomaalilaan iyo Ingiriiska iyo Denmark. Sanduuqaasi waxa uu maamulaa lacagta debadaha iyo Hay’adaha ka timaadda.

Bishii Maarij sannadkii 2015kii waxa dib loo dhigay doorashadii Madaxtooyada iyo doorashadii Golaha Wakiillada, waxaana loo asteeyay Bishii Juun Sannadkii 2015kii. Haddana dib baa loo dhigay, waxaana loo asteeyay Noofanbar sannadkii 2017kii.

Bishii Maarij, sannadkii 2015kii waxa dib u bilowday wada hadalladii Soomaalilaan iyo Soomaaliya.

Bishii Julaay sannadkii 2015kii dalka Sucuudi Carabiya iyo dalka Isku-taga Imaaraadka ayaa soo dalbaday inay isticmaalaan Dekedda Berbera, iyaga oo raba inay dekedda u isticmaalaan dagaalkii ay kula jireen Yemen. Tani waxa ay sii xoojisay in Somaliland galangal ku yeelato awoodaha Bariga Dhexe.

Bishii Sibtanbar sannadkii 2016kii dawladda Somaliland iyo Dalka Imaaraadka Carabta waxa ay kala saxeexdeen heshiis. Waxaana lagu heshiiyay in Imaaraadku waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale ku dhiso lacag gaadhaysa $250. Sidoo kale Shirkadda DP World waxa ay horumarinta iyo maaraynta Dekedda Berbera ku maalgelisay lacag gaadhaysa $442.

Bishii Maarij, sannadkii 2017kii waxa ay dawladdii Madaxwayne Siilaanyo hormuudka ka ahaa saxeexday heshiis muran badan dhaliyay, heshiisku wuxuu ku saabsanaa Saldhigga Millateri ee Berbera.  Sidoo kale, isla sannadkaas waxa SL ka dhacay abaaro ba’an sida Qoraa Sarah xusayso.

Bishii Noofanbar sannadkii 2017kii waxa SL ka dhacay doorashadii Madaxtooyada, waxaana madaxwayne loo doortay Muuse Biixi Cabdi.

Sannadkii 2018kii waxa dirir iskala horyimid SL iyo Putland, muddo ku dhaw 10 bilood ayay labada ciidan isku hor fadhiyeen deegaanka xuduudda ee Tukaraq. Halkaas waxa lagu dilay dad ka badan 100 qof, dad bandanna way ku barakaceen sida qoraa Sarah xusayso.

Maxay SL la gaar tahay?

Qoraa Sarah, si guud waxyaabo badan oo SL aad ugu horrayso ayay xusaysaa waxa ka mid ah:

1-      Somaliland iyada oo aan caawimo badan ka helin dawlahada Caalamka ayay iyadu iskeed horumar badan ugu tallaabsatay.

2-     Nabadda: Qoraa Sarah, waxyaabaha ay Somaaliland ku amaanayso waxa ka mid ah Nabadda. Waxa ay xusaysaa in nabaddu SL muhiim u tahay, xil adagna iskaga saaraan, xilkaas waxa caddaynaya sida ay SL meelo badan ugu xuseen, Qoraa Sarah waxa ay buuggeeda ku xusaysaa inta: “ Heesta Qaranku waxa weeyaan ‘ Nabad.’ Waxaana ka mid ah ‘ Samo ku waar.’ Erayga nabad waxa Dastuurka lagu sheegay lix jeer, taasina waxa ay sheegaysaa in nabaddu siyaasadda qaranka bud’dhig u tahay; sidoo kale ilaalinta nabadduna waa mid ka mid ah masu uliyadaha Dastuuriga ah ee Madaxweynaha…”

3-     Doorashooyin: SL waxa ka dhacay Doorashooyin badan, doorashooyinkaas oo dhami waa kuwo sumcad badan caalamka uga soo jiiday.

Gebagebo

Buuggu waa mid muhiima, waxbadan ayuu qofka u kordhinayaa. Marar badan ayay muhiim tahay inaan akhrino waxyaabaha ajaanibku innaga qoraan. Waayo, waxa dhici karta in ajaanibta iyo caddaanku dacaayad aan dalka ool innaga faafiyaan, ama wax aan jirin keenaan. Si taas aan uga hortagno waa inaan waxa ay innaga qoraan akhrino.  

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

15 May, 2022.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?