Shaqo ka tegidda oo Dunida ku soo badanaysa!

 


 


Xilligan dunida culaysyadu ka jiraan, waxa soo badanaya dadka shaqooyinku ka kacayaan, iyo kuwa shaqadoodii ka tegaya. Maqaal ay daabacday Harvard Business Review ayay qayladhaantan ku sheegtay. Maqaalka waxa qortay aqoonyahanad Jennifer Moss, oo ah khabiir ku takhasustay shaqooyinka, iyo arrimaha la xidhiidha shaqada iyo shaqaalaha.

Judha hore waxa ay xusaysaa in dadkii afka ciidda dareen oo shaqadii soo koobantay. Shaqadu inay koobnaato oo si guud shaqooyinkii yaraadaan waxa sababay culaysyada ay ka midka yihiin xanuunnada, dhaqaale yarida IWM.

Maxay tahay sababta dadku shaqada uga tagaan? Madasha ‘ The Microsoft Work Trend Index’ oo ka warranta heerarka shaqaalaha iyo shaqada ayaa cilmibaadhis ay sannadkan 2022ka samaysay waxa ay ku sheegtay in inka badan 31,000 qof oo ku kala nool 31 waddan ay si joogto ah uga hadlaan culayskan shaqo ee yimid. Cilmibaadhistu waxa ay heshay in 43% la filayo inay shaqada ka tegi doonaan sannadka soo socda. Haddaba ujeeddada ugu wayn ee shaqaaluhu u tegayaan ma dhinaca lacagtaa? Maya, waa se wax ka xeeldheer. Waa culaysyo shaqo oo joogto ah.

Cilmibaadhis cusub ayaa waxa ay sheegaysaa in sannadkii 2021kii dadka gaadhaya 75% oo shaqadoodii ka tegay sababta ay uga tageen ay ku sheegeen in ay tahay tixgelin la’aan dhinaca shaqada ah. Sidoo kale,45% ka mid ah dadkii shaqada ka tegay waxa ay ku sheegeen inay tahay furfurla’aan dhinaca shaqada ah.

Hadda maxay shaqaaluhu rabaan? Maqaal kale oo ay qortay Harbvard Business Review waxa ay ku sheegtay in aan shaqaalaha lagu qasbin inay Xafiiska yimaaddaan si buuxda ama markasta ( Full Time). Qoraayada maqaalkaas qoray waxa ay sheegeen in 40% ka mid ah shaqaalihii Maraykanku ay raadinayaan shaqo kale haddii loo qorsheeyo ama lagu yidhaahdo Xafiiska markasta yimaadda ( Full Time).  Qoraal uu soo saaray MmKinsey oo shaqaale gaadhaya 5770 waraystay wuxuu sheegay in 40% ka mid ah dadkaasi ay ku jawaabeen inay shaqadoodii ka tageen iyaga oo aan shaqo cusub helin.

In dadkii waayeen shaqooyin waxa ay sababtay xanuunno maskaxeed, isku buuq, iyo niyadjab. Cilmibaadhis ay qortay Mareegta Mercer sannadkii 2021kii ayaa waxa ay ku sheegtay in shaqaalaha ay ku dhaceen isku buuq, niyadjab, cabsi IWM. Waxa ay waraysteen in ka badan 10,000 shaqaale.

Bangiga Adduunku wuxuu qiyaasay in inka badan 120 waddan ay sii ballaadhiyeen siyaasaddoodii ilaalinta shaqaalaha si ay jawaabcelin uga sameeyaan xanuunnada yimid. Xeerarkaasi waxa ay u badnaayeen kuwa ilaalinaya badqabka nafeed in ka badan inta ay xil iska saareen xaaladaha maskaxeed. Arrimaha farxadda lihi waxa ay tahay in waddamo ay ka midyihiin Ustareeliya iyo Kanada ay u socdaan hab cusub oo isbeddel ah.

Sannadkii hore waxa la soo weriyay in tobankii qof ee Maraykanka ku nool ba afar ka mid ahi ay hayaan isku buuq, culays iyo niyadjab. Halka sannadkii 2019kii ay ka ahayd in tobankii qof ba hal qof lagu arko astaamahaas. 

 

Xigashooyin

1-      The Pandemic Changed Us. Now Companies Have to Change Too. (hbr.org)

Diyaarinta Cabdirisaaq Sandheere

03 Julaay, 2022

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?