Barashadii Saaxiibkay: 7 sano oo Saaxiibtinnimo & Walaalnimo
Xalay waxa aan satoogiyay saaxiib igu qaali ah. Toddoba sano ayaan saaxiibbo dhaw oo isku meel ku wada nool ahayn. Waa halkii maahmaahdii Soomaalidee wadajoog rag waayahaa diidaye waxa na kala gaysay duruuf nololeed oo qasab noqotay, balse ma aha mid aan ku kala dheeraanayno, qalbiyadayadu way wada joogaan, waxaanan wehel wayn noo noqon doona xasuusihii aan soo wada qaadannay ee 7 sano hortood bilaabmay. Isku qabiil maanaan ahayn, walaalo hooyo wada dhaleen iyo ilma adeer iyo qaraabo kale toona maanaan ahayn. Se intaaba wuu iiga dhaawaaday, wuuna iiga wacnaa. Ujeeddada kaliya ee isku kaaya keentay waxa ay ahayd isfahan iyo isku dareen wada raba, isku dhinac u wada socda. Waan isduruuf ogayn, waanan iska warhaynay. Waxa aan isbarannay waqti aannu labadayaduba barbaar wada ahayn, waa waqtiga saaxiibtinnimadu qiimaha leedahay ee qofka haddii ay ka xumaato saamayn taban oo nololeed ku keento, haddii ay u samaatana saamayn togan u keento. Abuubakar waxa aan isku barannay ...