Taariikhda Sh. Yuusuf Al Qardaawi

 

Hordhac

Shalay oo ay taariikhdu ahayd 26kii Sibtanbar 2022kii waxa geeriyooday Sheekh Yuusuf Cabdullaahi Al Qaradaawi. Wuxuu ku geeriyooday da’da ah 96 sano jir. Sheekh Yuusuf, waxa uu ahaa aqoonyahan Islaam ah oo ku takhasusay culuumta kala duwan ee Islaamka, waxa uu baac dheer u lahaa aqoonta Diinta Islaamka. Sidoo kale, waxa uu ahaa Mufti, iyo Wadaad wax taxliiliya oo mas’alooyin badan aqoontiisa darteeda wax ku darsaday.

Dhalashadii, Barbaarintii iyo Waxbarashadii Qardaawi

Sh. Yuusuf, sannadkii 1926kii ayuu ku dhashay dalka Masar, gaar ahaanna tuulada la yidhaahdo Saft Turab. Wuxuu asal ahaan u dhashay dalka Masar, oo uu ka soo jeeday. Waxa uu ka dhashay qoys sabool ah oo beeralay ah, waalidkii waxa ay ahaayeen oo ku shaqaysan jiray xirfadda beeraha. Aabbihii ayaa geeriyooday isaga oo laba sano jiray, wuxuuna agoonnimo ku dareemay da’da laba sano jir ah. Markii aabbihii dhintay waxa soo koriyay adeerkii.

 

Sh. Qardaawi waxa uu dhashay iyada oo dalkiisii Masar uu gumaysto Ingiriisku. Isla markiiba Qaradaawi waxa uu noqday u dhaqdhaqaaqe ka soo horjeeda gumaystihii Ingiriiska, taasi waxa ay keentay in marar kala duwan la xidho.

Isaga oo 9 sano jira ayuu Quraanka bartay oo dusha ka qaybay. Intaas ka dib wuxuu ku biiray Machad ku yaalla magaalada Tanta, si uu uga barto aqoonta Diinta Islaamka, Machadkaasna 9 sano ayuu dhiganayay. Intii uu Machadkaas ku jiray waxa uu bartay Sh. Xasan Al Bannaa oo ahaa aasaasihii Ururka Ikhwaan Al Muslimiin; Sheekh  Xasanna waxa ay isku barteen Machadkaas uu Qardaawi dhiganayay ayuu Sh. Xasan Muxaadaro ka jeediyay. Qaradaawi, wuu ka warramay Sh. Xasan Al Bannaa, wuxuuna yidhi Qardaawi: “ Sh. Xasan waxa uu ahaa Cabqari diineed oo ku noolaaday dhaxalkii Nebiga.”

Markii uu Machadkaas dhammaystay Sh. Qaradaawi waxa uu u guuray caasimadda Qaahira, halkaas ayuu kaga biiray Jaamacadda guunka ah ee Al Azhar, sannadkii 1953kii ayuu Shahaadada heerka koowaad ka qaatay Jaamacadda, wuxuuna bartay culuumta caqiiqada, wuxuuna noqday ardaygii kaalinta koowaad galay. Machadka Cilmibaadhista Carabta ayuu ka qaatay Shahaado ku saabsan Luuqadda Carabigaa iyo Suugaanta. Sidoo kale, waxa uu Jaamacadda Azhar marlabaad ka qaatay Shahaadada heerka labaad ee Mastarta, isaga oo ku diyaariyay Culuumta Quraanka iyo Barashada Usuusha Axaadiista, sannadkii 1960kii. Sannadkii 1973kii wuxuu Shahaadada heerka saddexaad ee Ph.D ka dhammaystay Jaamacadda Al Azhar, wuxuuna ku diyaariyay Sakada, wuxuuna cinwaankii uu diyaariyay ee buugga ka qoray ahaa “ Sakada iyo saamaynta ay ku leedahay xallinta dhibaatooyinka bulshada.”

Sh. Yuusuf Sannadkii 1962kii Jaamacadda Azhar ayaa u dirtay Dugsi ku yaallay dalka Qadar, kaa si oo lagu baran jiray Arrimaha Diinta la xidhiidha. Sannadkii 1977kii wuxuu ku biiray maamulka Jaamacadda Qadar, wuxuuna ka dhex aasaasay Kulliyadda Shareecada iyo Barashada Islaamka, wuxuuna noqday hormuudkii kulliyaddaas. Sidoo kale, sannadkii 1977kii waxa uu aasaasay Xarunta Cilmibaadhista Sunnada iyo Shareecada. Wuxuuna Jaamacaddaas hormuud iyo Cilmibaadhe ka ahaa illaa sannadkii 1990kii.

 

Shaqooyinkii uu qabtay Sh. Qardaawi

Sannadkii 1997kii Sh. Yuusuf waxa uu madax ka noqday Xarunta  European Council for Fatwa and Research’ oo ka shaqayn jirtay baadhidda, qoridda fatwada Cilmibaadhista la xidhiidha Islaamka, xaruntaasi oo ay ku urureen aqoonyahanno Diinta Islaamka ku xeeldheer oo u fatwooda Muslimiinta wadda Yurub ku nool. Sidoo kale, waxa uu madax ka soo noqday Ururka Caalamiga ah ee Midawga Aqoonyahannada Islaamka (International Union for Muslim Scholars).

Sh. Qaradaawi, waxa uu lataliye sharci ka ahaa Bangiga Al Taqwa, sidoo kalana saami ayuu ku lahaa Bangiga. Bishii Ogosto sannadkii 201okii bangiga ayaa laga saaray liiska hantidii ay ku lahaayeen shakhsiyaadkii lagu eedeeyay inay xidhiidh la leeyihiin argagixisada Al Qaacida, waxaana ilaalin jiray Golaha Nabadda Qaramada Midoobay (United Nations Security Council.).

Sannadkii 2008dii codayn la sameeyay Sh. Qardaawi waxa uu noqday qofka ugu horreeya ee hoggaaminaya Indheergaradka dunida.

Hayaankii iyo Halgankii Sh. Qardaawi

Sh. Qaradaawi, waxa uu taageeray oo ku biiray Ururka Ikhwaanul Muslimiin, Ururkaas oo ahaa Ururka Diineed ee ugu way nee ka jiray waqtigaas Dalkiisa Masar, Ururka waxaa la aasaasay sannadkii 1928kii.

Sannadkii 2011kii markii kacdoonku ka bilaabmay dalka Masar ayuu ku soo laabtay, Masar waxa ugu danbaysay markii uu ka tegay oo ahayd 1961kii. Waqtigaas waxa Masar si xooga awoodda looga qaaday Madaxwaynihii waqtigaa mudan Xusni Mubaarik. Waqtigaas ay kacdoonnadu Masar ka socdeen wuxuu markii koowaad ka jeediyay Khudbad dad wayne, waayo Masar wuu ka maqnaa waxaana muxaadaro uu ka jeediyo ugu danbaysay markii uu ka tegay sannadkii 1961kii. Khudbadda waxa ka soo qaybgalay malaayiin dad ah oo iskugu jiray Islaam iyo Kiristaan ba,  waxaana lagu qiyaasaa in ay ahaayeen dadkaasi 2 Milyan oo Masaari ah. Dadkaasi waxa ay ka sinnaayeen muddaharaadkii lagu diiddanaa keligiitaliye Xusni Mubaarik. Waxyaabaha uu khudbaddaas kaga hadlay waxa ka mid ahaa xaaladdii uu markaas dadkiisu ku sugnaa oo kacdoon ahayd. Dulmidiide kuwa xukunka jecel neceb ayuu ahaa.

Markii Xusni Mubaarika la riday waxa Madaxwayne loo doortay Maxamed Mursi oo ahaa madaxwaynihii ee si xora Masar loo doorto, waxaana la doortay Bishii Juun sannadkii 2011kii. Maxamed Mursi waxa uu ka mid ahaa Ururka Ikhwaanul Muslimiin, waxa ayna ahayd markii koowaad ee ururka dalka Masar awoodda Diineed ku lihi in ay noqdaan Madaxwayne. Waxa ayna ahayd guul cimri gaaban. Sannad ka dib Maxamed Mursi waxa afgenbiyay oo xilkii hannaan afganbi ah kala wareegay Wasiirkii Difaaca Mudane Cabdifataax Al Siisi.

Markii Cabdifataax Al Siisi, afganbiga dalka kula wareegay waxa uu xidhxidhay dadkii ugu badnaa ee ka mid ahaa ururka Ikhwaanul Al Muslimiin, dadka la xidhxidhay waxa ka mid ahaa Madaxwayne Maxamed Mursi. Dad badan baa la laayay, oo dil lagu xukumay, qaar kalana waa la xidhxidhay. Dadka dilka lagu xukumay waxa ka mid ahaa Sh. Yuusuf Al Qaradaawi, balse sheekhu dalka wuu ka maqnaa, waxaana sannadkii 2015kii lagu xukumay xukun dila oo maqnaanshiyo ah.  

Sheekhu Fatwooyin badan ayuu soo saaray, qaar waxa ay ahaayeen kuwo la xidhiidha arrimaha xukunka, siyaasadda, madaxwaynayaasha IWM. Fatwooyinkiisa waxa ka mid ahaa inuu banneeyay in la dili karo Madaxwaynihii Liibiya Mucammar Al Qaddaafi, wuxuuna fatwadaas soo saaray 21 Febraayo 2011kii. Mursi sannadkii 2019kii ayuu ku dhintay Jeelkii uu sannadaha ku xidhnaa.

Sidoo kale, sannadkii 2014kii Sh. Yuusuf wuxuu ku dhawaaqay in ururka ISIS ay suuradxumaynayaan Shareecada Islaamka.

Intii uu ku noolaa dalka Masar, Sh. Qaradaawi marar kala duwan ayay mnaamulladii jiray xidheen, markii uu boqor Faaruuq xukumayay Masar sannadkii 194oyadii wuu xidhay Qaradaawi, sidoo kalana Madaxwayne Jamaal Cabdinaasir wuu xidhay Qaradaawi intii uu xukumayay Masar.

Sannadkii 2011kii waxa uu si cad oo shaacsane ah ( Public) ah u taageeray gugii Carabta, si gaara waxa uu u taageeray kacdoonkii Keligiitaliyaha la iskaga xoreeyay ee dalkiisa Masar ka socday.

Taageeradii uu Sh. Qardaawi taageeray kacdoonkii gugii Carabta iyo Mucaaradaddii uu ku sameeyay Madaxwayne Cabdifataax Al Siisi waxa la sheegaa inay ka mid ahaayeen sababaha xiisadaha siyaasadeed ka dhex dhaliyay dalka Qadar iyo waddamo ka mid ah dalalka Carabta.

Sh. Yuusuf Qardaawi inantiisii Calaa ayaa la xidhay 2017kii, waxaana lagu xidhay dalka Masar, waxaana lala xidhay saygii iyada qabay, waqtigaasi waxa ay ahayd waxyar ka dib markii xiisaddii go’daanka Qadar iyo Waddamada Carabtu dhacay 2017kii. Afar sano ka dib ayaa Calaa jeelka laga sii daayay, balse, waxa jeelka lagaga reebay saygeedii Xasam Khalaaf. Lammaanahaas waxa lagu eedeeyay inay xidhiidh la leeyihiin Ururka Ikhwaanul Muslimiin, waayo ururkaas dalka Masar waa laga mamnuucay, waxaana loo diwaangeliyay inuu yahay urur argagixiso ah ka dib markii Cabdifataax Al Siisi afganbi kula wareegay Masar.

Sannadkii 1961kii ayuu Sh. Qaradaawi si rasmi ah ugu guuray dalka Qadar, halkaas ayuuna shaqadiisii ka bilaabay, oo markii hormuud Kulliyadda Shareecada Jaamacadda Qadar ah ka noqday sidii aan hore u soo xusnay. Sannadkii 1968kii ayaa si rasmiya loo siiyay dhalashada dalka Qadar.

Ururkiisii Midowga Aqoonyahannada Islaamka ( International Union of Islamic Scholarswaxa uu waddamo badan kaga qoranyahay ama ay ka aaminsanyihiin argagixiso. Waddamada argagixisada ururku kaga liis garaysanyahay waxa ka mid ah: Masar, Sucuudi Carabiya, Iskutagga Imaaraadka Carabta, Baxrayn IWM.

 

 

Fidintii Diinta Islaamka

Sheekhu waxa uu si toos ah ugu biiray Telefishanka Caalamiga ah ee Al Jazeera, halkaas oo uu marti ku ahaan jiray barnaamijyada ku saabsan Diinta, iyo Fatwada shareecada Islaamka, wuxuuna lahaan jiray barnaamij caana oo la odhan jiray ‘ Shareecada iyo Nolosha’ oo uu ka sii dayn jiray Telefishanka Al Jazeera. Waxa barnaamijkaas ku taxnaa Malaayiin qof oo daafaha dunida ku kala nool.

Sheekh Yuusuf waxa uu aad uga soo horjeestay aragtiyaha ururka Al Qaacida iyo ururrada kale ee argagixisada, arrintaas khudbado badan iyo muxaadarooyin badan ayuu ka jeediyay, goobo kala duwan iyo qaabab kala duwanna wuu uga hadlay.

Sheekh Yuusuf, waxa sidoo kale muddo badan ka hadlayay qaddiyadda Falastiin, wuxuuna taageersanaa dhinaca Falastiin, buug iyo maqaallo bandanna wuu ka qoray, buugta uu qoray waxa ka mid ah buugga la yidhaahdo ‘ Qudus yaa iska leh?’

Sidoo kale, Sh. Yuusuf waxa uu aad uga soo horjeeday fekerka Tagfiiriga, oo ay dad badan aad u buunbuuniyaan. Buuggiisa Te Law of Jihad  waxa uu ku xusay dhalliisha uu Selefiyada Jihaad doonka ku dhalliilayo aragtidaas, iyo sida uu u taageerayo qawaaniinta caalamiga ah.

Sh. Yuusuf, waxa uu aad uga hadli jiray xuquuqda dumarka, wuxuuna aad uga soo horjeeday tacaddiyada dumarka lagula dhaqmo, waxa xusid inuu fatwo ku mamnuucay Gudniinka Fircooniga ah ee hablaha lagu sameeyo.

Waxsoosaarka Sh. Qardaawi

Sh. Yuusuf, waxa uu ahaa maktabad socota, waxa uu qoray buug aad u tira badan, buugta uu qoray waxa weeyaan 120 buug. Sidoo kale, kumannaan maqaal ayuu qoray, kumannaan muuqaal ayuu duubay, kumannaan muxaadaro ayuu jeediyay, sidoo kale, boqollaal shir iyo barnaamij oo waddamo kala duwan ka dhacay ayuu ka qaybgalay.

Buugta uu qoray waxa ay ka warramaan mawduucyo kala duwan sida Caqiidada, Fiqiga, fekerka, Axaadiista, Suugaanta, Fatwada IWM.

Buugta uu qoray waxa xusi karnaa:

1-      Fiqhu Sakaat.

2-   Fiqhu Jihaad.

3-   Qudus Yaa leh?

4-   Fiqhu Dawla.  

Sheekh Yuusuf, waxa la siiyay abaalmarinno badan. Abaalmarina la siiyay sababta loo siiyay waxa ay ahayd qaadhaanka aqooneed iyo fekerka uu aqoonta iyo Diintaku darsaday darteed. Abaalmarinahaas waxa ka mid ah:

1-      Abaalmarinta la yidhaahdo “ The Islamic Development Bank (IDB)” oo lagu siiyay dhaqaalaha Islaamka ( Islamic Economics) qaadhaanka aqooneed ee uu ku darsaday awgeed, waxaana la siiyay sannadkii 1991kii.

2-    Abaalmarinta la yidhaahdo “ King Faisal International Prize” oo lagu siiyay daraasaadka ISLAAMKA, waxaana la siiyay sannadkii 1994kii.

3-     Abaalmarinta la yidhaahdo “Sultan Hassanal Bolkiah (Sultan of Brunei) ” waxaana la siiyay sannadkii 1997kii.

Maxaa laga baran karaa Sh. Yuusuf?

Waxa laga baran karaa:

1-     Fatwooyinka uu soo saaray.

2-   Buugta tirada badan ee uu qoray.

3-   Muxaadarooyinka uu jeediyay.

4-   Dadaalkiisa aqooneed iyo halganka uu diinta geliyay.

Gebagebo

Sh. Yuusuf Al Qaradaawi, waxa uu lahaa laba xaas, wuxuuna dhalay 7 carruur ah.

Noloshiisa inta ugu badan waxa uu Sh. Yuusuf ku qaatay u adeegidda Diinta. Waqti badan ayuu geliyay barashada, baridda, wax ka qoridda, fatwada, iyo arrimaha la xidhiidha Diinta Islaamka. Wuxuu ahaa caalim ummadda Islaamka oo dhan ka dhexeeya, ma ahayn nin Carabta uu ku dhashay uun ku kooban.

Shalay oo ay taariikhdu ahayd 26kii bishii Sibtanbar sannadka 2022kii ayuu sheekhu geeriyooday. Wuxuu ku dhintay da’da 96 sano jir, wuxuuna ku dhintay dalka Qadar. Waxa uu dhintay isaga oo gacanta ku haya oo qoraya buug. Alle ha u naxariisto.

 

Xigashooyin

1-    MiddleEast.net: (Yusuf al-Qaradawi: Influential Muslim cleric dies at 96 | Middle East Eye).

2-    Yusuf al-Qaradawi - Wikipedia

3-    يوسف القرضاوي - ويكيبيديا (wikipedia.org)

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

27 Juun, 2022.

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?