Marka Qofku Qalinjebiyo: Fursadaha iyo Caqabadaha
Hordhac
Bishan iyo tii ka horraysaay waxa geyiga Soomaalida guud ahaan laga qabanayay xaflado qalinjebineed. Xafladahaasi oo loo qabanayay arday Jaamacaddii dhammaysay oo shahaadooyin kala heerar duwan qaadatay. Ardeyda xafladda loo qabtaa waxa ay u badanyihiin arday muddo dheer wax soo baranayay. Ardayda ugu yar waa kuwo wax soo baranayay muddo ku dhaw 16-19 inta u dhexaysa. Maalintaas muhiimadda xafladda loo qabtaa waa in ardayga la dhiirrigeliyo oo tacabka dheer ee uu soo galay loogu hanbalayeeyo.
Maalintaas ardeygu waxa uu galayaa xaalad kala guur. Wuxuu ka soo baxayaa marxalad nololeed oo uu muddo la qabatay, wuxuuna galayaa marxalad kale oo cusub oo muddo u baahan inuu la qabsadaa. Marka qofku waxbaranayo ee Dugsi ama Jaamacad ku jiro wuxuu ku jiraa xaalad isku toosan oo dhinac loo socdo oo ardaygu dariiq iyo waddo uu raaco ayuu haystaa. Balse, marka qofku soo qalinjebiyo ma jiro dariiq sax ah oo uu raacaa, wuxuu galaa marxalad furan iyo nolol ballaadhan oo fursado iyo caqabadaba leh, oo qofka ku xidhan sida uu u waajaho. Xaaladdaas qofku wuxuu u baahanyahay talo iyo tusaale. Waxa aan qabaa inay tahay marka ugu habboon ee qofku talo iyo tusaale u baahanyahay.
Dalka waxa ka jirta shaqala’aan baahsan, oo shaqala’aanta waxa lagu qiyaasaa 60%. Marka aad dadka Soomaaliyeed eegtidna dhallinyaradu waa kuwa ugu badan oo waxa lagu qiyaasaa inay bulshada ka yihiin 70%. Waa muhiim markaa inay dhallinyaradaasi shaqo helaan, weliba waa inay iyagu dadaalaan oo curin iyo dadaal la yimaaddaan.
Qoraalkan kooban waxa aan isku dayi doonaa ardeyda qalinjebisay in aan ku hogatusaaleeyo oo wuxuun ka idhaahdo. Sannadkasta waa la qalinjebiyaa oo arday cusub ayaa soo baxda oo nolosha furan gasha. Markaa waa muhiim in la helo tusaalayn iyo jihayn ku saabsan kumannaankaas arday ee sannadkasta jaamacadaha ka qalijebinaysa.
Dhinacyo badan ayaa laga eegi karaa xaaladda ardeyda qalinjebinaysa. Anigun waxa aan ka eegi doonaa laba dhinac. Dhinaca koowaad waxa aan eegi doonaa fursadaha uu haysta ardayga qalinjebiyay, iyo sida uu uga faa’idaysan lahaa fursadaha jira. Marka labaad waxa aan ka eegi doonaa caqabadaha haysta ardeyga qalinjebinaya iyo sida uu u xallin lahaa.
Fursadaha uu haysto Qalinjebiyuhu
Ardeygu marka uu qalinjebiyo waxa uu galayaa marxalad nololeed oo kala guur ah. Marxaladdaasi waa mid furan oo aan jiho iyo jaad loo raaco lahayn. Sida ay noloshiisu u ekaanaysaa waxa ay noqonaysaa sida uu u maareeyo marxaladdaas cusub ee uu galay.
Marka qofku qalinjebiyo waxa ugu wayn ee uu naawilayaa waa inuu shaqo helo. Sababta uu shaqada u doonayaa waa inuu noloshiisa iyo dadka ku xidhan ba ku maareeyo. Muddo badan ayaa lagu tabcayay oo isaga wuxuun la siinayay, balse, aan waxba laga doonayn. Waxkasta oo uu u baahdo waa la siin jiray, wax uu waqtigaas soo celiyana lagama sugayn. Hadda isaga ayaa la sugayaa. Qofku waqtigaas waxa uu raadiyaa fursado shaqo, hadda aynu dhawr dhinac ka eegno fursadaha uu qofka qalinjebiyay uu haysto:
1- Qofka qalinjebiyay waxa uu fursad u haystaa inuu shaqo helo: Shahaadadu waa aalad ama nooc ka mid ah noocyada shaqada lagu helo. Marka qofka la shaqaalaysiinayo waxyaabaha ugu mudan ee lagu xusho, laguna xidho waxa ka mid ah shahaadada. Marar badan shahaadala’aan ayaa sababta in qofku shaqo waayo. Qofka shahaadada haystaa wuu ka fursado badanyahay, ugana qiyaasdhawyahay shaqa helidda qofka aan shahaado haysan.
2- Qofka qalinjebiyay waxbuu bartay: Qofka shahaadada haystaa waxa uu haystaa aqoon iyo waxbarasho uu wax ku kala wadi karo, kuna maarayn karo.
3- Fursadaha shaqo ayaa qofka qalinjebiyay haystaa: Qofka qalinjebiyay waxa uu ka shaqayn karaa shaqooyin badan sida dawladda, shirkadaha waawayn, Jaamacadaha IWM.
4- Qofka waxbartay waxa uu kansho u haystaa inuu wax baddelo: Isbeddel nololeed inuu keeno wuu awoodaa, tubtii ugu horraysay ee nolosha wuu hayaa, wuuna awoodaa.
5- Qofka qalinjebiyay wuxuu fursad u haystaa inuu yahay qof wax fahansan oo sida ay wax u socdaan la socon kara: Ardaygu waxa uu si dhaw ula socon karaa meelaha fursado shaqo ka soo bannaanaan karaan, meelaha wax laga naawili karo IWM.
6- Qofka qalinjbeiyay aqoon iyo ogaal buu ku hubaysan yahay: Qofka qalinjebiyay waa qof ogaal leh, ogaalku waa waxa adduunyada ugu qaalisan. Qofka ogaal haysta maskax ahaan wuu dhisanyahay.
Caqabadaha hortaagan Qalinjebiyaha
Ardeygu marka uu qalinjebiyo waxa uu galayaa marxalad nololeed oo kala guur ah. Marxaladdaas kala guurka ahi waxa ay leedahay caqabad aad u badan. Caqabadaha qofka qalinjebiyay horyaalla waxa aynu ka xusi karnaa:
1- Fursadihii shaqo oo xaddidan: Dalka guud ahaan shaqaalaysiint way koobantahay, markasta waxa kala badan fursadaha shaqo iyo dadka shaqaraadiska ah. Waxa farqi wayn u dhexeeyaa dadka sooqalinjebiya ee shaqada raba iyo fursadihii shaqo ee suuqa yaallay. Taasi waa caqabad haysata ardayda qalinjebiyay.
2- Qalinjebiyayaasha oo suuqa ku badan: Ardayda qalinjebisaa sannadkasta waxa ay isku soo gaadhaan suuqa. Kalhore kuwii baxay ayay kuwa sannadku soo gaadhaan. Illaa 3 lod ama ka badan ayaa isku soo gaadha. Waxa suurtagala in 3 lod oo saddexdii sano ee u danbeeyay baxay inay tiro kooban ka shaqeeyaan. Markasta oo ardayda soo baxaysaa badato suuqii shaqadu cidhiidhi ayuu noqonayaa.
3- Qabyaalad: Dalka marka aynu eegayno shaqaalaysiinta waxa saamayn badan ku leh qabiilka. Qofka shaqa tagaya waxa u horreeya ee lagu xulaa waa wejiga qabiilka. Ardayda qalinjebisay waxa ay ku qasbanyihiin inay hab qabiil shaqo ku raadiyaan marka aqoontoodii iyo waxa ay soo barteen loo tixgelin waayo. Taasi waa caqabad qofka qalinjebiyay haysta.
4- Xirfadaha oo yar: Dalka way ku yaryihiin goobaha lagu barto xirfadaha kaladuwan sida haddii ay tahay farsamada gacanta iyo xirfadaha kalaba. Taasi waxa ay keenaysaa in qofkii shaqadii dhib ku noqoto oo u baahdo xirfad. Xirfaddaasina waxa ay u baahantahay in loo tababbaro. U tababbarka xirfaddaasina waxa ay ka qaadanaysaa waqti iyo dadaal kale.
5- Boosaska shaqo ee suuqa looga baahanyahay iyo Waxa Jaamacadaha lagu barto oo aan isbuuxinayn: Shaqooyinka la soo xayaysiiyo, iyo qofkii wuxuu soo bartay marar badan ayay kaladuwanaadaan. Taasina caqabad ayay ku noqonaysaa qofkii wax soo bartay.
6- Khibradla’aan: Qofku marka uu soo qalinjebiyo ma haysto khibrad shaqo, waayo hadda uun buu soo qalinjebiyay ooh ore uma soo shaqayn. Markasta oo uu shaqo codsadana inta badan waxa lagu xidhaa khibrad, haddii aanu qofkaasi khibraddaas lahayna shaqadii ma galayo. Taasi arday markaas uun soo qalinjbeiyay way ku adkaanaysaa. Waana caqabad ardayga cusub ee hadda so qalinjebiyay la soo gudboonaata.
Talo soo jeedin
Mar haddii aynu ka soo warrannay fursadaha uu ardayga qalinjebiyay haysto, iyo caqabadaha ardayga qalinjebiyay hortaagan, waxa aan isku dayayaa wixii aan kula talin lahaa ee ah inuu fursadahaas jira ka dhex faa’ideysto, caqabadahaasna la tacaalo oo xalliyo.
Aragti ahaan, qofka qalinjebiyay ama waxbartay ee aan weli shaqo helin waxa aan kula talinayaa dhawrkan qodob:
1- Xidhiidhka aad bulshada la leedahay kordhi: Xidhiidhka qofku la leeyahay guud ahaan bulshada, gaar ahaanna cidda ay isku bahda yihiin ee isku wax wada barteen waa muhiim inuu kordhiyaa. Qofku waa inuu shabakadda xidhiidhkiisa badiyaa oo cidda ay isku wax soo barteen ama isku shaqo noqon karaan xidhiidh badan la yeeshaa. Waxa kale oo iyadna muhiim ah oo aan soo jeedinayaa in qofku xidhiidh dhaw la yeesho dadka fursadaha haya sida madaxda shirkada, madaxda hay’adaha, madaxda dawladda, iyo cidkasta oo uu is odhan karo waxbay kuu fududayn kartaa. Taasi waxa ay keenaysaa in qofkii marka ay shaqo soo baxdo si fudud loo ogaysiiyo ama loo soo dhammeeyo. Waqtigan hadda la joogo waxyaabaha ugu fudud ee shaqo lagu helo waxa ka mid ah qofku xidhiidhka uu bulshada qaybahaeeda kaladuwan la leeyahay. Waa qodob muhiim ah oo aan carrabka ku adkaynayo.
2- Baro xirfadaha ku caawinaya: Baro xirfadaha ku caawinaya in aad shaqo heshid. Xirfadahaas waxa aan ku xusi karaa: Xirfadda qoraalka,Xirfadda barashada Kombuyuutarka, xirfadda shabakadda xidhiidhka bulshada, barashada luuqadaha, barashada hadalka wanaagsan IWM. Waax xirfado qofka caawin kara.
3- Baro Luuqadaha: In qofku luuqadaha si fiican u bartaa waxa ay keeni kartaa inuu si fudud shaqo u helo. Marka aynu luuqadaha leennahay waxa aynu u jeednaa luuqadda dalka uu qofku joogo lagaga hadlo, iyo luuqadda dalkaasi u ah luuqadda koowaad, iyo luuqadda wax lagu qoro ama wax la isku dhaafsado IWM. Barashada luuqadda waxa aynu ka wadnaa in qofku barto qoraalka toolmoon ee luuqadda, ku hadalkeeda iyo waxkasta oo luuqadda kaga xidhma.
4- Baro dadka sida loola dhaqmo: In qofku barto sida dadka loola dhaqmaa waa muhiim. Baro sida wanaagsan ee dadka loola dhaqmo. In qofku dadka si wanaagsan ula dhaqmo iyo inuu wanaajiyaaba waxa ay keni kartaa inuu si fudud shaqo u helo.
5- Shaqo kasta oo aad heshid qabo: Marka ardaygu soo qalinjebiyo waxa aan qabaa inay muhiim u tahay inuu qabto waxkasta oo uu awoodo qabashadeeda iyo shaqo kasta oo uu helo. Waa inuuna qofku u eegin shaqadan ma bartay mise ma baran, muhiimaddu waa in qofkani awoodo inuu shaqadan qaban karo. Bes. Haddii aad shaqada qaban kartid biloow oo ka shaqee.
6- Shaqada ha ka faanin: Qofku marka uu soo qalinjebiyo ee uu muddo badan wax soo baranayay waxa suurtagal inuu ka faano shaqooyinka qaarkood oo uu ismoodsiiso inayna u qalmayn. Taasi uma fiicna qof hadda soo qalinjebiyay oo hadda shaqa raba. Inta badan waxa dhacda in qofku shaqo uu diido oo yidhaahdo iguma habboon, dabadeedna uu muddo bilaa shaqo ahaado oo meelahaas iska fadhiyo ama dad kale ee shaqeeya shaxaada, ma fiicna taasi. Waa laga fiicanyahay. Adiga oo shaqeeya oo shaqo hoosaysa haysta ayaa ka fiican adiga oo si fiican u lebbisan oo bilaa shaqo ah, dadkana shaxaada. Shaqadu waa sharafe ha ka faanin, nooca ay doontaba ha ahaatee.
7- Isku day inaad adiguba shaqo abuuratid: Haddii aad dadaalkasta samaysid, samaysidna waxkasta oo isku dayn ah oo aad shaqo waydid, dhinac kale u wareeg oo isku day shaqo kooban oo aan lacag badan u baahnayn in aad abuurtid. Lacagta aad shaqadaas ku abuuraysid isku day inaad si uun u maaraysid; haddii ay tahay inaad shirkad ka amaahatid iyo haddii ay tahay inaad cid kale ka sii amaahatid. Cidda aad shaqada ka amaahanaysid isku day inaad ku qancisid inaad u soo celin doontid. Isku daygaasi waa muhiim, waana mid aan isku dayi kartid.
8- Saaxiibkaa ama cidda kuu dhaw shaqo wada abuurta: haddii aad shaqo waydi, sidoo kale aad awoodi waydid inaad kalidaa shaqo kooban abuuratid, isku day inaad saaxiibkaa ama cidkale oo kuu dhaw shaqo wada samaysataan. Waa shaqo aad ka maarmi kartid shaqala’aanta.
Gebagebo
Ardaygu marka uu qalinjebiyo waxa uu gelayaa nolol kale, noloshaasi oo tiisii hore ka duwan, qofku waxa uu u baahanyahay talo iyo tusaale. Waxa muhiim ah qofka qalinjebiyay inuu helo talooyin badan iyo waxyaabo ka caawinaya sidii uu mustaqbalkaas culus u waajihi lahaa.
Waxa aynu ka soo warrannay fursadaha ay haystaan ardayda waxbaratay. Fursado badan ayay haystaan, waxa aynu ka soo xusnay inay haystaan fursado shaqo iyo fursado badan oo kale. Waxa muhiim ah uun inay ka faa’idaystaan. Sidoo kale, waxa aan soo sheegay inay jiraan caqabado badan oo ku wajahan ardayda qalinjebisay. Caqabadaas waxa ka mid ah qabyaaladda, khibradyaraanta IWM. Waxa muhiim in ay bartaan sida looga takhalluso ama loo xalliyo caqabahaas.
Ugu danbayn waxa aynu sheegnay talooyin guud oo ku saabsan sida caqabadaas looga gudbi lahaa, iyo sidii fursadaha looga faa’idaysan lahaa.
W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Oktoobar, 2021
Comments
Post a Comment