Qorshaha Qalijebinta ka dib

 



Bishan waxa geyiga Soomaalida guud ahaan laga qabanayay xaflado qalinjebineed. Xafladahaasi oo loo qabanayay arday Jaamacaddii dhammaysay oo shahaadooyin kala heerar duwan qaadatay. Ardeyda xafladda loo qabtaa waxa ay u badanyihiin arday muddo dheer wax soo baranayay. Ardayda ugu yar waa kuwo wax soo baranayay muddo ku dhaw 16-19 inta u dhexaysa. Maalintaas muhiimadda xafladda loo qabtaa waa in ardayga la dhiirrigeliyo oo tacabka dheer ee uu soo galay loogu hanbalayeeyo.

Maadaama ardaygu muddadaas wax soo baranayay, wuxuu u baahanyahay talo iyo tusaale, waayo waxa uu gelayaa marxalad nololeed oo tii hore ka duwan. Sida uu marxaladdaas u la qabsan lahaana waqti bay qaadanaysaa, awood riixdana way u baahantahay.

Mar haddii ardaygii qalinjebiyay waxa laga filayaa isbeddel badan, oo dad ay ugu mudanyihiin kuwii ku soo tabcay waxa ay ka sugayaan inuu iyaga waxtaro. Arrinta ugu muhiimsani waa shaqo, shaqana waqtigan la joogo sida lagu helaa way adagtahay.

Ardayoow, muddo badan baa lagugu soo tabcayay oo dadaal lagu geliyay, hadda adiga ayaa lagu sugayaa. Waatii Soomaalidu tidhi ‘ Nin la sugayoow maxaad sugi.’ Hadda adiga ayaa la rabaa inaad aqoon, hal’abuur, iyo horumar badan soo kordhisid.

Ardayoow, marxaladdii ardaynimo waad ka baxday, oo suuqa ayaad u soo baxday. Waxa aad timid madal ballaadhan oo aan hagitaan toosa sidii goobaha waxbarashada lahayn. Cid toos kuu hagaysaa ma jirto, waa adiga iyo halkii dadaalkaagu ku dhigo.

Haddaba waxa aan jeclaa inaan ardayda qalinjebisay la wadaago dhawr talo, oo aan isleeyahay way anfacayaan. Talooyinkaas waxa ay yihiin:

1-      Alle talo saaro: Mar haddii aad jaamacaddii dhammaysay Allaha wayn waxa isaga talada u dhiibo, oo u muuji inaad isaga u baahantahay markasta, noloshaas cusub ee aad gashay isagu kugu asturo, oo shaqo kuu fududeeyo.

2-     Hel cid ku hagta: Noloshii ardaynimo waxa ay lahayd macallin iyo maamul kolba wixii kula gudboon kuu tilmaama oo talo iyo tusaalaba ku siiya. Noloshan aad soo gashay malaha cid toos kuu hagta, kolba waa sida qofku isku dhigo. Cid kula Talisa oo saaxiib iyo sokeeyaba kuu noqotaba samayso. Weliba ciddaa aad talada wayddiinaysaa ha ahaato cid kaa aqoon iyo khibrad badan oo suuqa shaqada, iyo wixii aad soo baratay sidii aad shaqo ugu heli lahayd kuu tilmaanta.

3-     Cidna ha isku hallayn: Arday badan marka ay qalinjebiyaan awooddooda iyo aqoontooda iskuma halleeyaane CIDKALE ayay wax ka sugaan, Tusaale ahaan wuxuu qofkii odhanayaa ‘ adeerkay, inaadeerkay ayaa shaqo ii siinaya, oo aan sugayaa.’ Markaa iskuma dayayo inuu isagu si iskii ah shaqo u raadsado, oo kartidiisa tijaabiyo. Taasi waa yara kartidarro. Inta bandanna waa waxa ardayda dib u dhiga ee hadhaw shaqala’aanta dhiga, waayo sida uu cidkale u sugayo ayuu waqtigu ka dhacaa.

4-     Qaamuuskaaga Niyadjabka ka saar: Waxkasta oo ku soo wajaha ha niyadjebin. Waxyaabo ada’adag ayaa kaa hor iman doona, balse ha niyadjebin.

5-     Xidhiidhka aad bulshada la leedahay kordhi: Xidhiidhka qofku la leeyahay guud ahaan bulshada, gaar ahaanna cidda ay isku bahda yihiin ee isku wax wada barteen waa muhiim inuu kordhiyaa. Qofku waa inuu shabakadda xidhiidhkiisa badiyaa oo cidda ay isku wax soo barteen ama isku shaqo noqon karaan xidhiidh badan la yeeshaa. Waxa kale oo iyadna muhiim ah oo aan soo jeedinayaa in qofku xidhiidh dhaw la yeesho dadka fursadaha haya sida madaxda shirkada, madaxda hay’adaha, madaxda dawladda, iyo cidkasta oo uu is odhan karo waxbay kuu fududayn kartaa. Taasi waxa ay keenaysaa in qofkii marka ay shaqo soo baxdo si fudud loo ogaysiiyo ama loo soo dhammeeyo. Waqtigan hadda la joogo waxyaabaha ugu fudud ee shaqo lagu helo waxa ka mid ah qofku xidhiidhka uu bulshada qaybahaeeda kaladuwan la leeyahay. Waa qodob muhiim ah oo aan carrabka ku adkaynayo.

6-     Qorshe samayso: Qorshaha aad yeelanaysaa ha ahaado sidii aad shaqo ku heli lahayd, halka aad shaqada ka helayso, meelaha aad abbaaraysid, fursadaha bannaan sidii u waajahaysid.

7-     C.V ga si wanaagsan u qoro: Meelo badan oo aad codsiyadaada gaysid waxa lagugu xulan doonaa sida aad C.V gaaga u soo qortay. Waayo, waxa la iska dhaadhicinayaa in aad aqoon ahaanna tahay sida aad C.V gaaga u soo qortay. Markaa iska hagaaji C.V aad xarumaha shaqada aad ka dalbanaysid aad gaynaysid.

8-    Samirka badi: Adiga oo dadaal badan sameeyay ayaad haddana shaqo waayi kartaa, waayo marar badan shaqadu inta ay dadaal tahay wax aka badan inta ay nasiib tahay. Markaa haddii ay hore kuugu soo bixi waydo samirka ogoow, adiga oo wixii awooddaada ah markasta qabanaya.

9-     Baro xirfadaha ku caawinaya: Baro xirfadaha ku caawinaya in aad shaqo heshid. Xirfadahaas waxa aan ku xusi karaa: Xirfadda qoraalka,Xirfadda barashada Kombuyuutarka, xirfadda shabakadda xidhiidhka bulshada, barashada luuqadaha, barashada hadalka wanaagsan IWM. Waax xirfado qofka caawin kara.

10-Baro Luuqadaha: In qofku luuqadaha si fiican u bartaa waxa ay keeni kartaa inuu si fudud shaqo u helo. Marka aynu luuqadaha leennahay waxa aynu u jeednaa luuqadda dalka uu qofku joogo lagaga hadlo, iyo luuqadda dalkaasi u ah luuqadda koowaad, iyo luuqadda wax lagu qoro ama wax la isku dhaafsado IWM. Barashada luuqadda waxa aynu ka wadnaa in qofku barto qoraalka toolmoon ee luuqadda, ku hadalkeeda iyo waxkasta oo luuqadda kaga xidhma.

11-Baro dadka sida loola dhaqmo: In qofku barto sida dadka loola dhaqmaa waa muhiim. Baro sida wanaagsan ee dadka loola dhaqmo. In qofku dadka si wanaagsan ula dhaqmo iyo inuu wanaajiyaaba waxa ay keni kartaa inuu si fudud shaqo u helo.

12-  Shaqo kasta oo aad heshid qabo: Marka ardaygu soo qalinjebiyo waxa aan qabaa inay muhiim u tahay inuu qabto waxkasta oo uu awoodo qabashadeeda iyo shaqo kasta oo uu helo. Waa inuuna qofku u eegin shaqadan ma bartay mise ma baran, muhiimaddu waa in qofkani awoodo inuu shaqadan qaban karo. Bes. Haddii aad shaqada qaban kartid biloow oo ka shaqee.

13-Shaqada ha ka faanin: Qofku marka uu soo qalinjebiyo ee uu muddo badan wax soo baranayay waxa suurtagal inuu ka faano shaqooyinka qaarkood oo uu ismoodsiiso inayna u qalmayn. Taasi uma fiicna qof hadda soo qalinjebiyay oo hadda shaqa raba. Inta badan waxa dhacda in qofku shaqo uu diido oo yidhaahdo iguma habboon, dabadeedna uu muddo bilaa shaqo ahaado oo meelahaas iska fadhiyo ama dad kale ee shaqeeya shaxaada, ma fiicna taasi. Waa laga fiicanyahay. Adiga oo shaqeeya oo shaqo hoosaysa haysta ayaa ka fiican adiga oo si fiican u lebbisan oo bilaa shaqo ah, dadkana shaxaada. Shaqadu waa sharafe ha ka faanin, nooca ay doontaba ha ahaatee.

14-   Isku day inaad adiguba shaqo abuuratid: Haddii aad dadaalkasta samaysid, samaysidna waxkasta oo isku dayn ah oo aad shaqo waydid, dhinac kale u wareeg oo isku day shaqo kooban oo aan lacag badan u baahnayn in aad abuurtid. Lacagta aad shaqadaas ku abuuraysid isku day inaad si uun u maaraysid; haddii ay tahay inaad shirkad ka amaahatid iyo haddii ay tahay inaad cid kale ka sii amaahatid. Cidda aad shaqada ka amaahanaysid isku day inaad ku qancisid inaad u soo celin doontid. Isku daygaasi waa muhiim, waana mid aan isku dayi kartid.

15-   Magaalada aad wax ka baratay ama hore ugu noolayd baddel: Haddii magaalada aad wax ka baratay ama ku nooshahay hore fursad shaqo uga waydid ka tag oo magaalo kale tag. Waxa aad isku daydaa in aad tagtid magaalo kale oo aad isleedahay fursad baad ka heli. Ha joojin magaalo aad la qabsatay, se aad u joogtid uun waa taad ku dhalatay, wax ku baratay ama u dhalatay ba. Magaalooyin kala duwan tag.

Gebagebo

Ardaygu marka uu qalinjebiyo waxa uu gelayaa nolol kale, noloshaasi oo tiisii hore ka duwan, qofku waxa uu u baahanyahay talo iyo tusaale. Waxa muhiim ah qofka qalinjebiyay inuu helo talooyin badan iyo waxyaabo ka caawinaya sidii uu mustaqbalkaas culus u waajihi lahaa.

 Muuqaal ahaan halkan ka daawo: Qorshaha Qalinjabinta ka Dib| The Plan after the Graduation - YouTube 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

09 Sibtanbar, 2022.

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?