Xog SIRDOON



Qofkan la yidhaahdo ‘ Basaasku’, caalamku hal maalin kama maarmin; waa na xirfad. Dhulka waxaa ka jira loollan iyo dagaallo u dhexeeya dadka. Maadaama dagaallo iyo loollan jiro waxaa lagamamaarmaan ah in la helo basaasiin, oo halkaas ayay ka soo bidhaamaysaa doorka basaasiintu. Maskaxda basaasiintuna waa kuwo tababbaran, waxayna leeyihiin shakhsiyad jaadgooni ah oo suurtagelisa inay guuleystaan oo ay wax isku miisaamaan, iyo inay guuldarrooyinka u baddelaan guulo.
Tan iyo intii ay taariikhdu jirtay ee ay soo ifbaxday, dumarku awood wayn ayay ku lahaayeen caalamka sirdoonka. Dadku markii horaba waxa ay ku baraarugeen awoodda dumarku ku keliyoobeen ee ay gaarka ku yihiin, si gaar ah majaalkan, iyo hubka ay dumarku ku hubaysanyihiin ee aan laga salgaadhin, waxyaabaaas waxa ka mid ah: oohinta, dabacsanaanta, iyo sida ay u adagtahay in sirta laga helo oo laga gungaadho…
Waxa taariikhda lagu xusay tobannaan ka mid ah basaasiintii doorka ugu wayn iyo qaybta laxaadka leh ka soo qaatay loollannadii iyo dagaalladii taariikhda bini’aadamka. Waxa aan hubaa in basaasiintaas aynu waxyar sheekooyinkooda ka naqaanno. Waxaa jira kuwo khatar badan oo saamayn leh. Waa caadada taariikhda–gaar ahaanna caalamka basaasnimada in la qariyo waxa kor loo yidhaahdo ama in la qariyo wax ka badan waxa la shaaciyo, waayo caalamka basaasnimada ayaa inta badan ku dhisan sir ama qarsoodi.
Caalamka sirdoonnimada waxaa lagu hayaa oo waaray shaqooyin sir ah oo caalamkaas qarsoon dhexdiisa cilmi ka noqday, waxaana ka buuxa sheekooyin iyo waxyaabo qarsoon. Shakhsiyaadkaas waxa ka mid ah:
- Mata Hari.
- Carmen Mory.
- Saybiil Diikloor.
- Inshirax Muse.
- Iimaas Idmuundis.
Tariikhdii duugga ahayd:
- Raaxaab.
- Istiir.
- Daliila.
- Saaxiibaddii Xaadim Binu Baltaca RC.
Waa magacyo boos ka bannaystay/samaystay taariikhda basharka. Waxaa ku jira hablo doortay dariiq ka duwan hablaha kale, iyo kuwa kale oo doortay wax ka duwan waxa inta badan la doorto.
Si kasta oo ay arrintu tahay ba waa loo baahanyahay sirdoonnimada. Waa loo baahanyahay sirdoonnimada, illaa waqtigu dhammaanayo.

Qisooyin faahfaahsan ka akhri buugga SIRDOON.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?