Posts

Showing posts from May, 2024

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Image
     Hordhac   Ka Sandheere ahaan, markii koowaad waxa aan booqday oo soo arkay Magaalada Herar, May 19, 2o24. Herar in badan baan maqlayay, waxbadanna ka akhriyay, se inaan dhex joogsado oo wixii aan akhriyay arko waan ku faraxsanahay. Qoraalkan kooban waxa aan kaga warrami doonaa wixii aan ku soo arkay magaalada Herar, iyo guud ahaan wax ku saabsan magaalada facawayn ee Herar.                                             Sooyaalka Herar   Herar, waxa ay ku taallaa Bariga Itoobbiya. Waxa ay 500 KM u jirtaa magaala Madaxda Dalka Itoobbiya ee Addis Ababa. Waa magaala madaxda Gobolka Herar. Waxa ay ku taallaa dhul buurallay ah, dhul aad u qabaw, cagaar ah, dhir badan oo inta badan roobku ka da’o. Marka aad magaala guud ahaan fiirisid waxa ishaadu qabanaysaa dhir aad u farabadan. Magaalada Herar, waqtigii hore waxa lagu naanaysi jiray magaaladii Awliyada ( The City off Saints). Oo Carabta ayaa magacaas u taqaannay, sababtuna waxa ay ahayd culimo badan baa ku noolaa. Dhinaca kale, Magaalada

Xifaaltanka iyo Colaadda Bilaashka ah ee Shaqaalaha Isku xirfadda ah ee kala Shirkadaha ah!

Image
Soomaalida dhexdeeda, shaqaalaha isku xirfadda ahi, iyo kuwa ka kala shaqeeya shirkadaha isku adeega bixiya, ama goobaha kale ee isku shaqada qabta waa kuwa ugu badan ee isximaya, ficiltama, is isxaasida ee isku erya, aadna aan iskugu calool xaadhnayn. Tusaale aan bixiyo, laba qof oo shaqaale ah ayaa ka kala shaqeeya laba shirkadood oo isku adeeg bixiya, ama Laba Dugsi oo isku wax dhiga. Labadaas qof lagama yaabo inay si wacan u wada sheekaystaan, oo arrimo badan isla qaadaa dhigaan! Xataa haddii ay labada is fahmaan, aad iskuma caloolfurna! Marmar haddii ay isfahmi lahaayeen oo isdhexgeli lahaayeen waxa xaddidaya labadooda shaqo, oo fakaaga u dhexeeyaa waa in ay labada goobood oo tartamaya ka kala shaqeeyaan.  Sababaha arrintaas keenay wax badanyihiin, waxa ugu mudan labada qof oo ka kala cabsanaya in haddii shirkaddu aragto hebel oo la fadhiya ama la taagan ba hebel/heblaayo oo shirkad heblaayo ka shaqaysa inuu sir u gudbinayo oo arrimaha shirkadda/shaqadan khuseeya u sheegayo! Xataa