MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?
Hordhac
Ka Sandheere ahaan, markii koowaad waxa aan booqday oo soo arkay Magaalada Herar, May 19, 2o24. Herar in badan baan maqlayay, waxbadanna ka akhriyay, se inaan dhex joogsado oo wixii aan akhriyay arko waan ku faraxsanahay.
Qoraalkan kooban waxa aan kaga warrami doonaa wixii aan ku soo arkay magaalada Herar, iyo guud ahaan wax ku saabsan magaalada facawayn ee Herar.
Sooyaalka Herar
Herar, waxa ay ku taallaa Bariga Itoobbiya. Waxa ay 500 KM u jirtaa magaala Madaxda Dalka Itoobbiya ee Addis Ababa. Waa magaala madaxda Gobolka Herar. Waxa ay ku taallaa dhul buurallay ah, dhul aad u qabaw, cagaar ah, dhir badan oo inta badan roobku ka da’o. Marka aad magaala guud ahaan fiirisid waxa ishaadu qabanaysaa dhir aad u farabadan.
Magaalada Herar, waqtigii hore waxa lagu naanaysi jiray magaaladii Awliyada ( The City off Saints). Oo Carabta ayaa magacaas u taqaannay, sababtuna waxa ay ahayd culimo badan baa ku noolaa. Dhinaca kale, Magaalada Herara waxa wax ka bartay culimo badan oo Soomaaliyeed. Waxa aan ka xusi karaa Awawgay Sh. Maxamed Cumar-Daranyo, oo ka mid ahaa Culimadii wax ka baratay magaalada Herar.
Herar muddo badan ayay ahayd xarunta ganacsiga Itoobbiya iyo Geeska Afrika, waxa ay dhex u ahayd oo ku xidhnaa dhammaan Gobollada iyo Killidhada Itoobbiya, Geeska Afrika, Gacanta Cadmeed iyo Eeshiya.
Herar, waxa ka taliyay oo soo maray boqortooyooyin badan. Boqortooyinka soo maray waxa aan ka xusi karnaa Sultanate of Shewa, iyo Boqortooyadii faca waynayd ee Adal Empire.
Herar, marka la maqlo waxa la xasuustaa geesigii waynaa ee Axmed Guray oo Herar xarun u ahayd. Oo waa meeshii xarunta u ahayd markii uu dagaalka kula jiray Kiristaanka.
Magaalada Herar, waxa ay xarun u ahayd Fidinta Diinta Islaamka ee Geeska Afrika. Hoggaamiyayaasha Diineed ee qaybta wayn ka qaatay waxa aan ka xusi karnaa Sh. Abadir Umar ar-Rida, , oo ay la socdaan culimo badan oo ka timid gacanta cadmeed, oo Herar baa xarun u ahayd.
Maxaan ku arkay Herar?
Waxa aad iisoo jiitay dhismayaasha ku yaalla magaalada Herar. Oo waxa aan booqday goobaha loo yaqaano ‘ Harar Jugol’ oo ah dhismayaal waawayn oo isku sidkan oo sakado badan oo Herar ah ku yaalla. Goobahaas Jugol ka ah Haayadda UN ta gaar ahaan qaybteeda UNESCO waxa ay sannadkii 2006dii u diwaangelisay inay ka midyihiin goobaha taariikhiga ah ee qaranku leeyahay. Aad bay iisoo jiiteen Jugol ku. Waqti aad u badan ayaan dhex lugaynayay oo daawanayay.
Herar jawi ahaan waa magaalo deggan. Waxa ay u badantahay dhinaca qabawga iyo roobka. Jawigu inta badan waa mid qabaw u badan, sidoo kale roobku aad buu uga da’aa. Jawi ahaan waxa ay isku dhawyihiin magaalada Ceerigaabo la yidhaahdo oo iyadna inta badan qabaw u badan. Dhinaca kale ee ay HERAR iyo CEERIGAABO aniga aragtidayda ka Sandheere ahaan ka simanyihiin waxa weeyaan dhinaca dhirta iyo cagaarka. Dhinacaana way isku dhawyihiin labada magaalo.
Waxyaabaha jaadgooniga ah ee aan Herar ku arkay waxa ka mid ah inay dhismayaasha guryuhu isku xidhanyihiin, oo qaabka guriga loo dhisay ka duwanyahay sida caadiga ah ee magaalooyinka Soomaalida looga dhiso. Marka aad sakad gashid dhexda ayay iskaga furanyihiin oo qaab isku xigxiga ama iska soo horjeeda oo nidaamsan uma dhisna, waxa aad moodaa inay isku dhexyaallaan oo si qaabdaran u dhisanyihiin.
Dadka ku nool magaaladu waa dad aad u kala duwan, af ahaan, dhaqan ahaan, Diin ahaan, midab ahaan iyo dhinackasta. Bulshooyin meelo kala duwan ka yimid ayaa ku nool Herar. Qaar badan oo Qoomiyadaha Dalka Itoobbiya ka mid ah baa ku nool Herar. Waxyaabaha cajiibka ah ee aan ku arkay waxa ka mid ah dadkaasi midkastaa hawshiisa ayuu wataa oo midna ka kale kuma tacaddiyayo ama ma badihiisa ma galayo.
Magaalada Herar, waxa aad u yimaad Soomaali badan oo caafimaad u taga. Waxa aad arkaysaa shacab badan oo Soomaali ah oo ka kala yimid deegaannada kala duwan ee Soomaalida oo caafimaad u jooga. Herar waxa ay ka mid tahay meelaha ugu wacan ee caafimaadka loo tago Itoobbiya.
Habeennimadii xiligii fiidka waxa aan booqday beerta Waraabayaashu ku noolyihiin magaalada Herar. Waa beer wayn oo qaab wacan u diyaarsan. Markii Salaaddii Maqrib laga baxay ee ifku madoobaaday dad kala duwan oo iskugu jira dalxiisayaal iyo dadka magaalada ayaa iskugu yimid beerta Xayawaannada ee Herar. Waalidka qaar ayaa soo kaxeeyay oo keenay carruurtooda. Waxa jira kaabado kala sarreeya oo daawadayaashu fadhiisanayeen, dushooda waxa ka shidnaa iftiin yar oo goobta iftiiminayay, hortoodana waxa fadhiyay nin u yeedhaya Waraabayaasha oo beerta jooga. Waraabaha waa loo yeedhayaa, oo waxa loogu yeedhayaa hilib, wuu soo dhawaanayaa waraabuhu, ka dib si wacan bay dalxiisayaashu u arkayaan. Jawi degan ayaan goobta ku soo qaatay.
Gebagebo
Magaalada Herar, waa mid taarikhiya. Waa magaalo inta badan taariikhdeeda buugta laga warramo, dugsiyadana lagu dhigto. Ma filayo inuu jiro arday aan taariikhdeeda wax ka dhigan. Waxa aan soo jeedinayaa in la booqdo oo akhriska taariikhdeeda iyo maqalkeeda lagu aragtideeda iyo booqashadeeda.
W/Q: Cabdirisaaq Sandheere
20 May, 2024
Comments
Post a Comment