Xifaaltanka iyo Colaadda Bilaashka ah ee Shaqaalaha Isku xirfadda ah ee kala Shirkadaha ah!

Soomaalida dhexdeeda, shaqaalaha isku xirfadda ahi, iyo kuwa ka kala shaqeeya shirkadaha isku adeega bixiya, ama goobaha kale ee isku shaqada qabta waa kuwa ugu badan ee isximaya, ficiltama, is isxaasida ee isku erya, aadna aan iskugu calool xaadhnayn. Tusaale aan bixiyo, laba qof oo shaqaale ah ayaa ka kala shaqeeya laba shirkadood oo isku adeeg bixiya, ama Laba Dugsi oo isku wax dhiga. Labadaas qof lagama yaabo inay si wacan u wada sheekaystaan, oo arrimo badan isla qaadaa dhigaan! Xataa haddii ay labada is fahmaan, aad iskuma caloolfurna! Marmar haddii ay isfahmi lahaayeen oo isdhexgeli lahaayeen waxa xaddidaya labadooda shaqo, oo fakaaga u dhexeeyaa waa in ay labada goobood oo tartamaya ka kala shaqeeyaan. 


Sababaha arrintaas keenay wax badanyihiin, waxa ugu mudan labada qof oo ka kala cabsanaya in haddii shirkaddu aragto hebel oo la fadhiya ama la taagan ba hebel/heblaayo oo shirkad heblaayo ka shaqaysa inuu sir u gudbinayo oo arrimaha shirkadda/shaqadan khuseeya u sheegayo! Xataa iyada oo aan dhacayn oo ayna anshaxa qofka shaqaalaha ka mid ahayn inuu xog goobtiisa khusaysa gudbiyo haddana waa laga shakiyayaa! Qofkuna wuxuuu ka qabayaa in shaqada laga eryo! Waa widhiidh inaad aragtid arrintaa. 


Ta labaad, ee dhacdaa waa in shaqaaluhu cabsanayaan oo isleeyihiin billaa lagu eryaa haddaa hebel ama heblaayaha shirkaddaa jooga wada sheekaysataan! 


Shaqaalaha Soomaalida, oo aslan arrintan u badan waxa aan usoo jeedinayaa dhawr talo: 


- Garo xuduudda u dhexaysa shakhsiyaddaada iyo shaqadaada. Shaqadu xad bay leedahay oo waxa ugu mudan inaad si wacan u gudatid waajibaadkaaga iyo inaad ilaalisid anshaxa shaqada ee xogtu ka mid tahay. Shakhsiyadduna xuduud bay leedahay oo waa in aanad qof/shirkad wac ka wayddiin go'aannadaada nolosha, waxa aad qabanaysid, iyo waxa aad odhanaysid. Waa in aad wixii noloshaada khuseeya shirkad iyo shaqo u dabafadhiisan. 

- Waa in aad xor u ahaataa noloshaada gaarka ah. 

- Waa in aad ogaatid xuquuqda shirkaddu kugu leedahay, iyo xuquuqda aad adigu goobta shaqada ku leedahay. 

- Waa in aanad kula colloobin shaqada aad haysid iyo shirkadda aad joogtid. 

- Waa in aanad qofna uga leexan ama kula tartamin shirkad heblaayo ayuu ka shaqeeyaa ama isku shaqo ayaan nahay oo wuu ila tarmayaa! Waayo, shaqadan hooyadaa malaha, berriba waad ka tegi kartaa, berrina adiga iyo walaalkaa waad is hurrantihiin. 


Mulkiilayaasha goobaha shaqada waxa aan u soo jeedinayaa inay shaqaalaha xuquuqdooda dhawraan, oo ayna ku jiidjiidan wax aan shaqada khusayn, waana inay u Madaxannaaneeyaan qofka shakhsiyaddiisa, kaliya waa inay kula xisaabtamaan shaqada uun. 

Shaqaalaha waxa aan u sheegayaa in ay kala saaraan shakhsiyaddooda iyo shaqada. Shaqada si wacan u guta, shakhsiyaddiinana ixtiraama oo si sharaf leh u noolaada. 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?