Bandhiga Buugta Goday 2024

 




Hordhac

Sannadkan 2024 waxa markii 1aad magaalada Goday ka dhacay bandhig buug. Taariikh wayn iyo horumar ayay u tahay dadwaynaha magaalada Goday iyo cidkasta oo bandhigaa goobjoog u ahayd. Anigu shakhsiyan markii aad ayaan fursad u helay ka qaybgalka bandhiga Caalamiga ah ee Goday ( Goday International Book Fair).


Bandhiga waxa cinwaan ama ladh looga dhigay ‘ Wax BARO, waxna BEERO.’  Waa halkudheg wayn oo ururinaya laba arrimood oo muhiim ah: Waxbarasho iyo shaqo. Waa laba qodob oo Bini’aadanka u muhiima, kaalin wayna ugu jira. Bandhigu wuxuu ka qabsoomay Xarunta Dhallinyarada Goday, iyo Hoolka Hotelka Shabeelle. Buugta waxa lagu iibinayay oo loo sharraxay Xarunta Dhallinyarada, halka doodaha iyo bandhigyada lagu qabanayay Hoolka Hotelka Shabeelle. Bandhiga waxa soo qabanqaabiyay dhallinyaro kala duwan ka soo jeeda magaalada Goday. Iyaga ayaa isxilqaamay oo u badheedhay inay markii 1aad bandhig sidaa u wayn ku qabtaan deegaannadan oo aan hore loogu qaban jirin bandhigyada.


 

Bandhiga Maxaa lagaga hadlayay?

Waxa qabsoomay doodo badan oo ku saabsan noocyada laamaha aqoonta taabanaya. Waxyaabaha doodaha ama Panels ka lagaga hadlay waxa ka mid ah waxsoosaarka dhinaca beeraha iyo xoolaha. Khubaro ku takhasusay waxsoosaarka ayaa arrintaa ka qaybgalay. Waxa ay xuseen muhiimadda waxsoosaarku leeyahay, gaar ahaanna u leeyahay deegaannadaas. Muhiimaddaas waxa ka mid ah wuxuu leeyahay faa’ido caafimaad, waxa laga helaa dhaqaale, waxa laga helaa shaqo abuur, wuxuu dhiirrigeliyaa qofka iyo bulshada. Sidoo kale, waxa ay xuseen caqabadaha haysta beerallayda iyo xooladhaqata. Caqabadahaas waxa ka mid ah: Aqoonta ay u leeyihiin waxsoosaarka oo xaddidan, qalabka la haysto oo aan casri ahayn, dhiirrigelinta oo yar, IWM.


Cashirrada kale ee muhiimka ah waxa ka mid ah Raadka tiknoolajiyadda casriga ahi ku leedahay hal’abuurka dhallinyarada. Waxa qaybtan ka qaybgalay oo soo jeediyay khubaro kala duwan oo aqoon u leh tiknoolajiyadda, ganacsiga, suuqyada caalamka IWM. Ka qaybgalayaashu waxa ay xuseen muhiimadda ay leedahay tiknoolajiyaddu. Tiknoolajiyadu waa tiir wayn oo ka mid ah waxyaabaha haga nolosha casrigan. Waqtigan la joogo tiknoolajiyaddu melena kama madhna, waxkasta oo la qabanayo qayb ayay ka tahay oo saamayn bay ku leedahay Tiknoolajiyaddu. Waxyaabaha ay xuseen aqoonyahannadu waxa ka mid ah inay muhiim tahay inuu qofku barto xirfadaha la xidhiidha tiknoolajiyadda sida Digital Marketing ga, Web Design ka, copywriting IWM.

Intii bandhiggu socday waxa lagu soo bandhigay buugaag kala duwan, buugtaasi oo ku kala saabsan mawduucyo kala duwan, mawduucyadaas waxa ka mid ahaa taariikhda Soomaalida, Suugaanta Soomaalida, dhaqanka Soomaalida, dawladnimada, siyaasadda, dhaqaalaha, sirdoonka, akhriska, arrimaha bulshada iyo IWM. Waxa kale oo iyaguna ku jiray buugaag ka warramaya mawaadiic guud oo bulshada nolosheeda taabanaya.


Anigu shakhsiyan waxa aan kaga qaybgalay oo ku soo bandhigay buuga la yidhaahdo ‘ SIRDOON’ oo aan anigu turjumay. Buugu wuxuu ka warramayaa arrimaha la xidhiidha Sirdoonka, basaasnimada iyo guud ahaan mukhaabaraadka. Panel kii aan ku qornaa waxa aan kaga warramaya hordhac guud oo ku saabsan buuga SIRDOON. Buuga Sirdoon waxa qoray Qoraa Maxamuud Cabdillaahi. Waxa guula inaan xuquuqda buuga ( Copyright) ka iibsaday oo lacag ka bixiyay, waraaqad heshiis ah oo helidda xuquuqda ku saabsanna kala saxeexannay Madbacaddii daabacday buuga. Buuga sirdoon wuxuu ka warramayaa 25 qiso oo basaasnimo ah. 25ka qof ba waa dumar. Qisada basaasadda, guud ahaan nolosheeda, cashirrada laga baran karo, iyo guud ahaan wax ku saabsan mawduuca qisadu daarantahay ayaan buuga sheekada ku koobayaa.

Bilowga hore waxa aan ku xusayaa qaabka dumarku ugu habboonyihiin inay sirdoon noqdaan ama shaqadaa ugu soo baxaan, ama guud ahaan sida dumarku ugu jajabanyihiin shaqadan ee ragga ugaga wacyihiin. Dhawrkan sababood aan ku soo koobo:

-         Way ku habboonyihiin: Shaqadan sirdoonku waa shaqo ku habboon dumarka, maadaama ay tahay xog la raadinayo, war la gudbinayo IWM. Maadama wuxuu waryahay, warkuna waa shaqo dumar, maaha shaqo rag.

-         Dumarku waxa ay leeyihiin soojiidasho badan oo ragga soo jiita sida soojiidasho muuqaal, mid nafsadeed IWM.

-         Dumarku waxa ay leeyihiin jiljileec badan, jiljileeca ay dumarku leeyihiin waxa ka mid ah oohinta, qosolka dhoolacaddaynta, hadalka dabacsan IWM.  Waxa la yidhaahdaa in nin raga gabadhi ku hor oydaa waxa ay kaga darantahay dagaal lagu jebiyay.

-         Xogta si fudud bay dumarku ku heli karaan: Maadaama xogta raggu hayaan inta badan, cidda ay raggu wax u sheegi karaan waa dumarka, ninka nin kale wax u sheegi maayo.

-         Dumarku wax bay jili karaan: Dumarku waxa ay jili karaan kolba waxa ay ugu talogalaan, wayn adagtahay sida loo fahmaa.

-         Dumarka waa la ilaaliyaa: Dhaqan ahaan, diin ahaan iyo dhinackasta dumarka guud ahaan caalamka waa la ilaaliyaa. Maadaama la ilaalinayo ilaalintaa farabadan waxyaabo badan bay ku dhexqarin karaan oo dhexraacin karaan.

Si kooban dumarku dhinaca sirdoonka way ku wacanyihiin, waana hub socda ayaan ku doodi karnaa.


Waxyaahaba buuga aan ka xusi karno waxa ka mid ah maxaa sirdoonka loo galaa? Sirdoonka arrimo badan ayaa loo galaa. Waxa aan ka xusi karnaa:

-         Dano dhaqaale: Qofku wuxuu u geli karaa inuu dhaqaale iyo hanti ka helo. Sirdoonku wuxuu ka midyahay dunida waxyaabah dhaqaalaha badan lagu bixiyo ee lacagaha badan laga helo.

-         Sumcad iyo saamayn: Sirdoonku wuxuu ku midyahay shaqooyinka dadka ku jira sida wayn loo yaqaan ee dunida saamaynta muuqata ku dhex leh. Qofku wuxuu u geli karaa isaga oo raba inuu sumcad ka helo bulshada.

-         Caannimo: Sirdoonka waxa loo galaa in caan lagu noqdo, dad badan ayaa waxa ay u galaan si ay caan u noqdaan oo bulshada dhexdeeda magac ku yeeshaan.

-         Aragti iyo Mabda’a: Waxyaabaha sirdoonka loo galo waxa ka mid ah qofka oo u gala aragti iyo mabda’a.

-         Muwaadinnimo iyo daljacayl: Muwaadinnimadu sirdoonka waa u muhiim. Basaasiinta qaarkood waxa ay sirdoon u noqdaan muwaadinnimo, iyo daljacayl.

Waxyaabaha aan xusay waxa ka mid ah qof shaqo kale haya ( sida fannaan weriye) ma noqon karaa Sirdoon? Hadduu sirdoon noqdana muxuu saamayn keeni karaa?  Haa, wuu noqon karaa, oo qofku labada shaqaba wuu isku qaban karaa. Se saamayn taban buu keenayaa. Tusaale ahaan, qofka fannaanka ah, ee shaqada sirdoonnimada wadaa wuu kaga saamayn badanyahay qofka sirdoonka ah ee aan shaqo kale lagu aqoon. Sababtu waxa weeyaan in qofka shaqada fannaanka lagu yaqaan uu kaga saamayn badanyahay cidda kale, waayo qofkan waxa lagu yaqaan shaqo aan sirdoon ahayn oo ah fannaanimo ama weriyannimo.

 

Gebagebo

Bandhiga buugta Goday wuxuu ahaa bandhig si heersare ah loo agaasimay, waxbadanna lagu kala faa’iday. Waxa lagu soo bandhigay waxyaabo badan oo qofka iyo bulshadaba u dana. Waxa ka soo qaybgalay dad farabadan oo kaladuwan oo iskugu jiro aqoonyahanno, qoraayo, suugaanyahanno, arday, macallimiin, dhaqaalayahanno, khubaro ganacsi, iyo dad kale.

Bandhigu waxbadan buu ii fududeeyay, waxyaabaha uu ii fududeeyay waxa ka mid ah inaan maro ama soo arko deegaanno badan oo aan maqli jiray ama qaarkood aanan maqal, inaan soo arko goobo caana oo aanan hore u arag, inana soo barto dad kala duwan, oo dad isku baranno, iyo inaan markii 1aad taariikhda diyaarad raaco.

Waxa aan si ballaadhan ugu mahadcelinayaa dhallinyaradii soo agaasintay bandhiga, iyo guddidii hawsha wadday oo hawl wacan qabtay, martidii bandhigana si fiican usoo dhaweeyay. Waxa aan si gaara ugu mahadnaqayaa saaxiibkay Maxamed Marsheeye oo bandhigan qiimaha leh igu martiqaaday.

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

Sept. 2024.

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?