Safarkaygii Magaalada Goday
Hordhac
30 Ogosto, 2024ka waxa aan safar saacado badan qaatay ku gaadhay magaalada Goday ee Xarunta Gobolka Shabeelle. Ujeeddada safarku waxa ay ahayd ka qaybgalka Bandhiga Caalamiga ee Goday oo maalmahaas ka furmayay magaalada Goday, iyo dalbarasho dadban oo ay muhiim tahay in qofku dhulka, bulshada iyo ciiddiisaba bartaa.
Qoraalkan kooban waxa aan kaga warrami doonaa socdaalkaas dheer ee aan ku tagay magaalada Goday, meelihii aan sii maray, iyo guud ahaan wixii aan deegaannadaa ku soo arkay. Waxa kale oo aan si guudmara uga warrami Bandhiga Caalamiga ee Goday oo maalmahaas magaalada ka socda iyo sidii jewigu ahaa.
Deegaannada aan Maray
Markii koowaad ayaan magaalada Jigjiga dhinaca Koonfur Bari uga baxay, waa jidka dheer ee boqollaalka kiiloomitira ee deegaanno badan taga, aakhirkana gaadha magaalada aan u socdo ee Goday. Abbaaro 10:00 ayaan ka dhammaaday Jigjiga oo dariiqa cagta saaray. Dhulku cagaar buu ahaa, agagaarka iyo meelaha ku hareeraysan laamaydu waxa ay ahayd doog iyo cagaar cajiiba oo indhaha u roon. Runtii aad baad ugu raaxaysanaysaa laamayda siman ee sida wacan u dhisan, iyo dhulka ku hareeraysan ee wada dooga iyo cagaarka leh ee indhaha u roon. Soo jiidasho wayn buu deegaanku lahaa.
Arrinta ashqaraarka leh waxa ka mid ah amminta ay isku beegmaan buuraha, dooga, cagaarka, laamayda siman ee nadiifta ah, cirka wada daruuraha ah iyo jawiga deggan ee guud ahaan dhulka iyo cirkaba. Waxa aad moodaa inay is aroosayaan cirka iyo dhulku oo isku soo muusoonayaan oo sida ay iskugu soo dhawaadeen ee cirku darooraha usoo dhaysiyay, dhulkuna dooga iyo degganaanta usoo dejiyay waxaad moodaa lammaane ismehersaday oo dhawaan aqalgalaya. Heersare.
Markii aan waxoogaa socday waxa aan galay magaalada Qabribayax oo ahayd meel aan aad u maqlay. Inkasta oo ay xukunto degmo ahaan goobta aan ku dhashay ee Qabalayga Gobyarta ( Qorijabka), haddana magaalada lafteeda hore uma arag, maqal mooyee. Aad bay dhegahayga uga badatay. Inaan arki waayana waxa sababay aniga oo deegaankaas yaraan kaga tagay, markii aan xoolaha eegi jirayna xooluhu halkaas ilama gaadhi jirin, safarka aan magaalo ku tagaana waqtigaas aan yaraa ma safri jirin. Safarka iigu dheer waqtigaas wuxuu ahaa ka aan foofiyo xoolaha ee halka caanamaal ah qaata. Magaaladaas dhegahayga ka badatay waxa aan fursad u helay inaan markan arko.
B) Gobolka Jarar
Intii aan sii socday meelaha aan sii maray waxa ka mid ahayd magaalada Dhagaxbuur ee Xarunta Gobolka Jarar. Magaalada Dhagaxbuur in badan baan maqlay, aadna xiiso gaara ayay iigu lahayd. Waayo, waa magaalo taariikhi ah oo aan arkay ama aqaan dad badan oo ka soo jeeda ama ka yimid ba. Waa magaalo taariikhi ah. Taariikhda Soomaalida meel wayn bay kaga jirtaa.
Gobolkan Jarar waxa aan sii maray deegaanno badan oo aan ka maqli jiray suugaanta Soomaalida iyo dhaantooyinka dhulka lagu ammaanayo. Deegaannadaas waxa aan ka xusi karaa: Araarso…
T) Gobolka Qorraxay
Safarku wuu dheeraa, deegaanno badan, tuulooyin ciiddaa ka badan iyo daabiyado badan waan sii maray. Meelaha hadalka aan ku hayay ee aan indhahayga ku arkay magaalada Qabridahar ee xarunta Gobolka Qorraxay. Waa magaalo inta badan suugaanta Soomaalida aan ku maqlay, oo aan xog badan ka hayay. Waxa ay ka mid ahayd meelaha xiisaha gaarka ii samaynaysay inaan arkaa. Magaalada Qabridahar waxa ay leedahay meelo badan oo taariikhi ah, waxyaabaha taariikhiga ah waxa ka mid ah Gaawaha ku xardhan badhtamaha magaalada ee isgoyska ah. Waa ‘ Gaawe’ muujinaya dhaqankii asalka ahaa ee Soomaalida. Gaawaha ama dhinac aan u dhigee ‘ Gorofku’ taariikhda Soomaalida iyo dhaqankaba aad buu ugu waynyahay oo kaalin wayn buu kaga jiraa. Aasarta cajiibka ayuu ka midyahay astaanta Gaawaha ah ee ka taagan badhtamaha magaalada Qabridahar.
Waxyaabaha bogaadinta mudan ee deegaannada kale dheertahay Qabridahar ee aan ku soo arkay waxa ka mid ah Jaamacadda wayn ee Qabridahar oo duleedka magaalada ku taalla. Jaamacadda dhismaha loo sameeyay, bilicda loo yeelay, qaabka loo qorsheeyay iyo muuqaalkeeda guudba waa mid soo jiidasho leh oo farriin gudbinaya. Waan booqday oo indhahayga ayaan ku arkay, runtii aad bay iisoo jiidatay. Albaalbka hore ee laga galayaa waa mid loo nashqadeeyay qaab cajiib ah. Arday aad u badan ayaa ku xeraysan oo wax ka barta Jaamacadda.
Waa Jaamacadda Qabridahar
Waxa jira deegaanno badan oo ku yaalla gobolkan Qorraxay oo aan inta badan magacyadooda aad uga maqlay dhaantooyin iyo suugaanta lagu ammaanayo dhulkaas. Deegaannadaas aan sii maray ee indhahayga ku arkay waxa ka mid ah: Shaygoos, Ijiwaaji, Booddalay, Birqod…
Magaalada Goday
Waxa aan si nabada u gaadhay magaalada Goday ee xarunta gobolka Shabeelle, oo ahayd meesha aan u socday ee socdaalaygu ku jihaysnaa. Magaalada Goday waa magaalo kulul oo cimilo ahaan kulul. Waa magaalo si wacan loo qorsheeyay oo loo nashqadeeyay. Waxa ka dhisan jidad qurxoon oo bilicsan. Dhinaca kale, magaaladu waa mid horumarsan oo waxa ka dhisan hudheello casriya.
Magaalada Goday waa magaalo qadiimi ah, oo taariikhda Soomaalida baal dahabi ah ku leh. Waxa lagu naanaysaa Goday Gacalo. Waa meel dadkeedu yihiin dad goba oo gacala oo lala noolaan karo. Jawi ahaan waxa ay ka mid tahay meelaha ugu kulul Dawlad deegaanka Soomaalida.
Magaalada waxa u astaan ah ‘ XASIID’ ama waxa deegaannada qaar looga yaqaan ‘ SABUUL.’ Sawir muujinaya ‘ Xasiid’ ayaa farasmagaalaha ku yaalla. Xasiiddaa waxa laga dhigay astaanta magaalada. Xasiid bislaatay oo galkii tuurtay ayaa la sawiray. Waan booqday astaantaa. Aad bay iisoo jiidatay.
Meelaha cajiibka ah ee intii aan magaalada joogay aan booqday waxa ka mid ah Webiga Shabeelle oo kanbalka magaalada mara. Webigu magaalada wuu u muuqdaa, wuxuuna ku kordhiyay bilic, waxsoosaar, iyo waxyaabo badan oo faa’ido u leh dadka iyo deegaankaba. Webigu magaalada wuu quudiyaa, oo waxsoosaarka magaaladu ku nooshahayba isaga ayay ku xidhantahay.
Meelaha aan booqday waxa ka mid ahaa Beerta Nasashada Goday. Waa beer ballaadhan oo si aad u ballaadhan looga shaqeeyay. Waxa laga beeray dhir aad u farabadan oo noocyo badan iskugu jira. Beerta waxa ku dhex yaalla meel cuntooyinka iyo sharaabka lagu bisleeyo oo makhaayada. Waxa cajiiba in isla beerya laga helo waxkasta oo qofku u baahdo oo cunto ah. Ayi nooc khudaara ah ayaa ka baxa.
Magaalada Goday waxyaabaha ay ku caantahay waxa ka mid ah waxsoosaarka. Waxa lagu qureecdaa hadhuudhkii la soo saaray, waxa lagu qadeeyaa Bariiskii iyo khudaartii la beeray, waxaana lagu casheeyaa cuntada waddanida ay beertaan. Khudaarta noockasta waa laga beeraa magaalada Goday.
Bandhiga Buugta Goday (Goday International Book Fair)
Intii aan magaalada joogay waxa aan ka qaybgalay bandhiga Caalamiga ah ee Buugta Goday ( Goday International Book Fair) oo maalmahaas socday. Bandhigu wuxuu u dhacay qaab wanaagsan.
Bandhiggu wuxuu ka qabsoomay Xarunta Dhallinyarada Goday, iyo Hoolka Hotelka Shabeelle. Buugta waxa lagu iibinayay oo loo sharraxay Xarunta Dhallinyarada, doodaha iyo bandhigyada waxa lagu qabanayay Hoolka Shabeelle. Waxa qabsoomay doodo badan oo ku saabsan noocyada laamaha aqoonta taabanaya. Waxyaabaha doodaha ama Panels ka lagaga hadlay waxa ka mid ah waxsoosaarka dhinaca beeraha iyo xoolaha. Khubaro ku takhasusay waxsoosaarka ayaa arrintaa ka qaybgalay. Waxa ay xuseen muhiimadda waxsoosaarku leeyahay, gaar ahaanna u leeyahay deegaannadaas. Muhiimaddaas waxa ka mid ah wuxuu leeyahay faa’ido caafimaad, waxa laga helaa dhaqaale, waxa laga helaa shaqo abuur, wuxuu dhiirrigeliyaa qofka iyo bulshada. Sidoo kale, waxa ay xuseen caqabadaha haysta beerallayda iyo xooladhaqata. Caqabadahaas waxa ka mid ah: Aqoonta ay u leeyihiin waxsoosaarka oo xaddidan, qalabka la haysto oo aan casri ahayn, dhiirrigelinta oo yar, IWM.
Cashirrada kale ee muhiimka ah waxa ka mid ah Raadka tiknoolajiyadda casriga ahi ku leedahay hal’abuurka dhallinyarada. Waxa qaybtan ka qaybgalay oo soo jeediyay khubaro kala duwan oo aqoon u leh tiknoolajiyadda, ganacsiga, suuqyada caalamka IWM. Ka qaybgalayaashu waxa ay xuseen muhiimadda ay leedahay tiknoolajiyaddu. Tiknoolajiyadu waa tiir wayn oo ka mid ah waxyaabaha haga nolosha casrigan. Waqtigan la joogo tiknoolajiyaddu melena kama madhna, waxkasta oo la qabanayo qayb ayay ka tahay oo saamayn bay ku leedahay Tiknoolajiyaddu. Waxyaabaha ay xuseen aqoonyahannadu waxa ka mid ah inay muhiim tahay inuu qofku barto xirfadaha la xidhiidha tiknoolajiyadda sida Digital Marketing ga, Web Design ka, copywriting IWM.
Intii bandhiggu socday waxa lagu soo bandhigay buugaag kala duwan, buugtaasi oo ku kala saabsan mawduucyo kala duwan, mawduucyadaas waxa ka mid ahaa taariikhda Soomaalida, Suugaanta Soomaalida, dhaqanka Soomaalida, dawladnimada, siyaasadda, dhaqaalaha, sirdoonka, akhriska, arrimaha bulshada iyo IWM. Waxa kale oo iyaguna ku jiray buugaag ka warramaya mawaadiic guud oo bulshada nolosheeda taabanaya.
Anigu shakhsiyan waxa aan kaga qaybgalay oo ku soo bandhigay buuga la yidhaahdo ‘ SIRDOON’ oo aan anigu turjumay. Buugu wuxuu ka warramayaa arrimaha la xidhiidha Sirdoonka, basaasnimada iyo guud ahaan mukhaabaraadka. Panel kii aan ku qornaa waxa aan kaga warramaya hordhac guud oo ku saabsan buuga SIRDOON. Buuga Sirdoon waxa qoray Qoraa Maxamuud Cabdillaahi. Waxa guula inaan xuquuqda buuga ( Copyright) ka iibsaday oo lacag ka bixiyay, waraaqad heshiis ah oo helidda xuquuqda ku saabsanna kala saxeexannay Madbacaddii daabacday buuga. Buuga sirdoon wuxuu ka warramayaa 25 qiso oo basaasnimo ah. 25ka qof ba waa dumar. Qisada basaasadda, guud ahaan nolosheeda, cashirrada laga baran karo, iyo guud ahaan wax ku saabsan mawduuca qisadu daarantahay ayaan buuga sheekada ku koobayaa.
Waxyaabaha gaarka ah ee safarka Goday ka bartay
Runtii socdaalka aan ku tagay magaalada Goday wuxuu ahaa mid cajiiba oo waxyaabo badan oo noloshayda aanan hore u arag ku arkay. Waxyaabahaas waxa ka mid ah
B) Raacid Diyaaradeed markii 1aad
Intii aan noolaa diyaarad hore uma raacin ka hor maalintan 2 Sept. 2024. Labadii bisha sagaaladaa sannadkan 2024 ayaan markii 1aad diyaarad raacay. Waxa aan ka raacay magaalada Goday, waxaanan ku tegay magaalada Jigjiga. Waxyaabaha xiisaha ii samaynayay ee aan arkay waxa ka mid ah garoonka ay diyaaraddu ka haaddo ama soo fadhiisato. Wuxuu ahaa mid baaxad wayn oo ballaadhan, runtii waa khibrad. Waxa iyadna xiiso gaara lahayd baadhidda iyo isbaarooyinka kala duwan ee la sii maro marka diyaaradda la raacayo, markii aan garoonka galayay illaa laba jeer ayaa nala baadhay oo Kabaha iyo suumankaba la bixiyay. Waa arrin kale oo maqal uun iga ahayd, se markan aan ficil ahaan ku arkay. Waxa iyadna xiiso gaara lahayd meesha terminal ah ee lagu sugo inta diyaaradda loo diyaargaroobayo ee la sugayo duulimaadka. Waa meel aan hore u maqli jiray.
Waxyaabaha aan la yaabay waxa ka mid ahayd diyaaradda oo markii hore ee aan sawirrada ku arki jiray ila ahayd wax wayn, se markaan arkay ila noqotay wax aan sii waynayn. Muuqaal ahaan markaad dusha ka eegto waxa ay u muuqataa mid aan waynayn, se gudaha way ka ballaadhantahay, wayna ka waasacsantahay. Sidoo kale, markaad dusha ka eegtid ee markay garoonka fadhido aragtid wax sii waynayn maaha. Se markaad dhexgashid way waasacsantahay. Sidoo kale, waxa aad mooddaa inay gudaha u yartahay, se uma yara. Waayo, calaa dhinac waxa ay leedahay afar kursi. Runtii waa arrin kale oo aan khibrad ahaan ku arkay.
Marka ay diyaaraddu kacayso iyo marka ay soo degaysaba waa naxdin. Guux badan, isbeddel iyo jewi aan degannayn ayay samaysaa. Qof aan hore u arag aad buu u yar naxayaa oo wuxuu isleeyahay malaha way ba dhacaysaa diyaaraddu. Marka ay hawada gasho jawigu wuu degayaa, waxaanad moodaysaa inayna soconayne ay taagantahay. Jawiga ay ku jirtaa waa mid deggan oo aad moodaysid inayna socon ba. Waxyaabaha cajiibka ah ee marka ay diyaaraddu hawada ku jirto aad arkayso waxa ka mid ah in daruuruhu kaa hooseeyaan, oo waxa hoos kaaga muuqda waxa aad moodaa qiiq meel ka kacay oo samada galay. Maalintan aan raacay diyaaradda daruuro ayaa jiray, daruurahaas markii hore waxa aan moodayay qiiq hawada galay ama inuu dikhow jiray.
Runtii maalintaas waxa ay ii ahayd khibrad iyo waa’ayaragnimo ii dhinnaa. Inaan diyaarad raaco ama safar diyaaradeed galo waan xiisaynayay oo xiiso gaaray igu haysay maadaama aanan hore u raacine maqal uun igu ahayd.
T) Deegaanno badan baan maray
Waxyaabaha cajiibka ah ee aan socdaalkan ku arkay waxa ka mid ahaa inaan indhahayga ku arkay deegaanno badan oo ay ka midyihiin gobollo, magaalooyin, tuulooyin, daabiyado iyo dhul badan ba. Dhul sidaa u ballaadhan way yartahay intaan maray. Dawlad deegaanka Soomaalidana waa markii 1aad ee dhulka ugu badan aan ka maray ama arkayba.
Gebagebo
Wuxuu ahaa safar dheer oo waqti badan qaatay, se aan ka dhaxlay khibrad badan. Waxa aan soo arkay dhul badan iyo gobollo badan. Waxa aan booqday meelo kala duwan oo ay ka midyihiin Webiga Shabeelle, Jaamacadda Qabridahar, Beerta Nasashada Goday, Calaamadda magaalada Goday, iyo meelo badan oo kale.
Waxa aan si ballaadhan ugu mahadcelinayaa dhallinyaradii soo qabanqaabisay bandhiga buugta Goday oo I martiqaaday, fursadna ii siiyay inaan magaaladan booqdo. Si gaara waxa aan ugu mahadcelinayaa saaxiibkay Maxamed Marsheeye oo ahaa Agaasimihii bandhiga Buugta Goday, oo anna si gaara martiqaadka iigu fidiyay. Sidoo kale, waxa aan u mahadcelinayaa dhallinyarada magaalada Goday, maamulka magaalada iyo guud ahaan shacabka magaalada Goday oo si wayn oo qiimo leh noo soo dhaweeyay intaan joognay. Mahadsanidiin, dhammaantiin.
W/Q: Cabdirisaaq Sandheere
Sept. 2024
Comments
Post a Comment