Posts

Showing posts from August, 2025

Turjumaadda buuga ‘ The Rules of Wealth `Xeerarka Hodannimada.’

Image
  Muddo 3 sano ah ka dib waxa ii dhammaaday turjumaadda buugan qiimaha leh ee ‘ The Rules of Wealth `Xeerarka Hodannimada.’ Waa buug ka mid ah buugta suuqa iibka buugaagta ugu iibka badan ( Best Selling Books.’ Buuga waxa qoray qoraa wayn oo arrimahan hanti samaynta aad ugu xeel dheer, waqti badanna ka hadlayay, waa qoraa Richard Templar oo ahaa qoraa iyo tifaftire Ingiriiska u dhashay. Richard Templar waxa ay ahayd magaca qalinka ee qoraaga, se magaciisa caadiga ahi wuxuu ahaa Richard Craze. Richard, wuxuu dhashay sannadkii 1950kii, wuxuuna geeriyooday sannadkii 2006dii. Sannadkii 2022kii ayaan shaqadiisa iyo turjumaaddiisa bilaabay, sannadkan 2025 waan tifaftiray oo hawshiisa dhammeeyay. Waxa laga yaabaa in aad iswayddiinayso 3 sano sidee 1 buug loo turjumi karaa? Waa gartaa, ujeeddadayda ayaa ahayd inkasta oo ay igu qaadato in aan bulshada u soo kordhiyo oo horkeeno buug macno leh oo cashir iyo xog laga qaadan karo. Mid ogoow, markasta oo waqtiga hawsha lagu qabanayaa dheeraad...

Doodda Allayeelka iyo Allediidka

Image
Mawdduuca oo salballaadhan waxa aan isku dayayaa in aan wax ka idhaa, doodda u dhexaysa Alleyeelka iyo Allediidka. Xigashada ayaan badin doonaa, qaybo koobanna waan ka dhigi doonaa. Alleyeel: Waa qofka rumeeyay Allah, inuu jiro, wax maammulo, oo isagu adduunka abuuray, kalana wado. Allediid: Waa qof aan rumeysnayn Alleh. Waxay daliishadaan Allediidku: 1- Aragtidii uu Hogaaaminayay faryt Hool, waa odey Ingiriis ah, Fiisikisyahan, oo Mulxid ah “ Dunidu ma bilaabmine waligeed sidan ayay ahayd, sidan ayayna ahanaysaa. Dadkii hore sidan ayay ku soo gaadheen ~ Stade Steed Theory.” 2- Waata la yidhaa ‘ Necessity or Chance” Shyega koowaad nasiibuu ku samaymaa oo waa by chance. Dabadeed ‘ Evaluation’ ayaa bilaabmay. Dhammaanna waxa qorsheeyay matter of Chance. 3- Eval Argument. KIristiyaanka ayaa waxa ay ku yidhaahdeen ‘ Ilaah dadka dadka jecel ayaa jira.” Dabadeed waxa ay ku yidhaahdeen ‘ Haddii uu jiro maxay masiibooyinku ugu dhacayaan, muxuu u ciqaabayaa?’ Waxaanna dooddaa aabbo u ah IBOGRIS...

Noloshaa sidaasa.

Image
  Akhriste, da'dii dhallinyannimada ayaad ku jirtaa. Nolosha ayaad la halgamaysaa, waxbaad barataa ama imika uun baad shaqo aan quutu daruuriga dhaafsanayn heshay! Waxa aad isleedahay maalmahan isku eeg eeg waad ka bixi doontaa, oo weli rejo ayaad qabtaa! Way hagaagi mar uun. Weli rejo ayaad waayaha ka qabtaa. Waxa ku soo koriyay waalid danyara oo nolosha la daalaadhacayay. Si halgan iyo daalaadhaca ayay waxbarashada kaaga soo bixiyeen oo heer wanaagsan kuu gaadhsiiyeen. Mana jirto nolol kaa horraysay oo aabbahaa soo dhisay oo lagu yidhi sii anbaqaad, danyar ayaa lagugu koriyay, waxaana lagaa sugayaa in aad noloshaa wax ka baddeshid. Laga yaabaa in noloshii qoyskiinnu ku sugayso, oo lagaa rabo in aad adigu carruurtiinna korisid, ama xaafadda haysid, oo aabbo masuuliyad wayna isma saarine inuu carruur badan dhalay ayuu imikana hawlihiisa iska wataa oo iska qayilo! Walaalahaa in aad mustaqbal u samaysid baad ka fekeraysaa. Laga yaabaa in aad tahay agoon aabbihii dhintay marhore ooo H...

U sheega Hablihiinna Talooyinkan

Image
  Marka ay hablihiinnu guursanayaan u sheega arrimahan: 1-      U sheega hablihiinna in sirta gurigeedu ay u dhexayso kuna ekaato iyada iyo ninkeeda oo keliya. 2-     U sheega hablihiinna in ayna jikaarin saygooda oo ayna ku afcelin, waayo canaadku guriga wuu duminayaa. 3-     U sheega hablihiinna in ay ilaaliso oo ixtiraamto ehelka ninkeeda. 4-    U sheega hablihiinna in qosolka dheer iyo codka dheeri ay burburinayso dheddignimadeeda. 5-     U sheega hablihiinna in beenta ay u sheegaysa saygeedu- xataa hal marna ha ahaatee- in ay ku waayayso kalsoonida ninkeeda oo isku kalsoonaantii dhimanayso. 6-    U sheega inantiinna in nadaafaddu ( ha ahaato ta jidhka ama nadaafadda guriga bee) ay ninka ku qasbayso inuu si wanaagsan ula dhaqmo gabadha, gurigiisana uu jeclaanayo. 7-     U sheega hablihiinna in ayna noqon gabdho dadka warka u kalaqaadda oo namiimad ah. 8- ...

Talooyin ay Waajibtahay gabadh kastaa inay ogaato guurkeeda ka hor

Image
1- Lama helo nin dhinac kasta ka dhisan dhammaystiran. 2- Raggu waa sida carruurta oo kale, adna u noqo sida hooyadii oo kale. 3- Ninkaaga si wanaagsan u dhegayso, si deggana ugu sheekee. 4- Weligaa ninkaaga ha la tartamin. 5- Weligaa ha isku dayin in aad ninkaaga isku dhererisid oo la sinnaatid. 6- Si degdega ninkaaga u raalligeli marka aad ogaatid in aad adigu qaldantahay. 7- In badan isaga ha ka masayrin, waayo taasi waxa ay u fiicantahay degganaanta maskaxdaada. 8- Muhiim maaha in aad Moobilkiisa baadhid ama eeg eegtid. 9- Markasta ninkaaga runta u sheeg. 10- Markaad meel fog tagaysid adiga oo aan u sheegin ninkaaga guriga ha ka bixin. 11- Ogoow cuntooyinka uu ninkaagu jecelyahay, ugu yaraan toddobaadkiina laba mar u diyaari cuntadaas- haddii dhaqaaluhu idiin saamaxo. 12- Adiga iyo ninkaagu si wadajira u dejiya Miisaaniyaddiina dhaqaale. 13- Ninkaaga u noqo gabadh latalisa, se ha noqon mid naqdida. 14- Ha illaawin in afadu caawiye u tahay oo taageerto ninkeeda. 15- Baro oo ogoow wa...