U sheega Hablihiinna Talooyinkan
Marka ay hablihiinnu guursanayaan u sheega arrimahan:
1-
U sheega hablihiinna in sirta gurigeedu ay u dhexayso kuna
ekaato iyada iyo ninkeeda oo keliya.
2- U sheega hablihiinna in ayna jikaarin saygooda oo ayna ku
afcelin, waayo canaadku guriga wuu duminayaa.
3- U sheega hablihiinna in ay ilaaliso oo
ixtiraamto ehelka ninkeeda.
4- U sheega hablihiinna in
qosolka dheer iyo codka dheeri ay burburinayso dheddignimadeeda.
5- U sheega hablihiinna in
beenta ay u sheegaysa saygeedu- xataa hal marna ha ahaatee- in ay ku waayayso
kalsoonida ninkeeda oo isku kalsoonaantii dhimanayso.
6- U sheega inantiinna in
nadaafaddu ( ha ahaato ta jidhka ama nadaafadda guriga bee) ay ninka ku
qasbayso inuu si wanaagsan ula dhaqmo gabadha, gurigiisana uu jeclaanayo.
7- U sheega hablihiinna in
ayna noqon gabdho dadka warka u kalaqaadda oo namiimad ah.
8- U sheega hablihiinna in
ayna noqdaan gabdho khajila- xataa marka ay ninkeeda la joogto.
9- U sheega hablihiinna in
ayna laba door qaadan oo jilin: Doorka dheddignimada iyo doorka ragannimada.
Inantu waa dheddig, weligeedna dheddigaas ayay ahaanaysaa. Waxa muhiima in
gabadhu gudato oo qaadato doorkeeda dheddignimada oo ay khejisho- se waa in
ayna noqon dheddig isninaysa oo ragrag iska baadha.
10-
U sheega hablihiinna in ayna la qoslin ragga ay ninkeeda
qaraabada yihiin- marka laga yimaaddo xaalado gaar ah oo weliba ninkeeduna ka
agdhawyahay.
11- U sheega hablihiinna in
hinaasaha ninku uu ka hinaasanayo marwadiisu in uu yahay jacayl, balse aanu
ahayn shaki.
12-
U sheega hablihiinna in ayna isku illaawin guriga ehelkooda,
guriga ehelkeedu wuxuu ka mudanyahay inay booqato keliya iyo in ay jeclaado oo
xurmo u hayso, balse gurigeeda saxda ahi waa guriga ninkeeda.
13-
U sheega hablihiinna in cid aan ninkeeda ahayni aanu
culayskeeda iyo masuuliyaddeeda qaadi karin.
14-
U sheega hablihiinna in ayna markasta qaylin oo ayna codka
kor u qaadin.
15-
U sheega hablihiinna in markasta oo ay ninkeeda wada
hadlaan ama iskhilaafaan ayna soo horraysiin oo ayna odhan ‘ I fur’, oo ayna
kalmaddan ‘ I fur’ afku ka qabsan.
16-
U sheega hablihiinna in ayna ninkeeda ku cidlayna furaashka
si kasta oo ay isku khilaafaan.
17-
U sheega hablihiinna in ay u dhalloocaddeeyaan saygooda, oo
ay ku qaabbilaan weji furan oo aan xidhxidhnayn iyo in ayna ku madax adkaan
saygooda.
18-
U sheega hablihiina in ay saygoodu marka uu shaqada ka soo
laabto ay ku qaabbilaan dhunkasho, dhoollacaddayn iyo in ay koob biyo ah
siiyaan.
19-
U sheega hablihiinna in ayna ka tagin saygooda marka uu
xanuunsanayo ama marka uu taagdaranyahay ee u baahanyahay.
20-
U sheega hablihiinna in ay markasta tiir u noqdaan
saygooda, oo ayna ka tagin gurigiisa- xataa si kasta oo ay isku
khilaafsanyihiin oo khilaaf u jiro.
21-
U sheega hablihiina in ay dheddignimada ku qancin karaan
ninkooda si kasta oo uu isagu u yahay libaax wax ugaadhsanaya, balse u sheega
in madax’adaygu iyaga uun dhibayo oo naftooda uun uu dilayo.
22-
U sheega hablihiinna in ay noqdaan dheddig, in ay yihiin
boqoradaha guriga, in ay gurigooda maamulaan iyo in ay guriga ku beeraan
jacayl, maxabbo iyo naxariis.
Comments
Post a Comment