Noloshaa sidaasa.





 Akhriste, da'dii dhallinyannimada ayaad ku jirtaa. Nolosha ayaad la halgamaysaa, waxbaad barataa ama imika uun baad shaqo aan quutu daruuriga dhaafsanayn heshay! Waxa aad isleedahay maalmahan isku eeg eeg waad ka bixi doontaa, oo weli rejo ayaad qabtaa! Way hagaagi mar uun. Weli rejo ayaad waayaha ka qabtaa.

Waxa ku soo koriyay waalid danyara oo nolosha la daalaadhacayay. Si halgan iyo daalaadhaca ayay waxbarashada kaaga soo bixiyeen oo heer wanaagsan kuu gaadhsiiyeen. Mana jirto nolol kaa horraysay oo aabbahaa soo dhisay oo lagu yidhi sii anbaqaad, danyar ayaa lagugu koriyay, waxaana lagaa sugayaa in aad noloshaa wax ka baddeshid.
Laga yaabaa in noloshii qoyskiinnu ku sugayso, oo lagaa rabo in aad adigu carruurtiinna korisid, ama xaafadda haysid, oo aabbo masuuliyad wayna isma saarine inuu carruur badan dhalay ayuu imikana hawlihiisa iska wataa oo iska qayilo! Walaalahaa in aad mustaqbal u samaysid baad ka fekeraysaa.
Laga yaabaa in aad tahay agoon aabbihii dhintay marhore ooo Hooyadii soo korisay! Aduu waxa aad ka fekeraysaa in aad meel wanaagsan gaadhi doontid oo mustaqbalku hagaagi doono. Waa gar. Wuu hagaagi.
Waxa aad ku jirtaa da'dii Soddomeeyada, welina doob baad tahay. Duruufaha noloshu kuumay saamixin in aad reer samaysid. Markasta waxa lagu wayddiiyaa maxaad u guursan wayday? Dadka qaar waxa ay moodayaan in aad xanuunsanaysid, qaar waxa ay ku moodayaan qof xun... Wad uun. Dadku kama wada warhayaan duruufaha aad ku sugantahay, muuqaalkaaga sare uun bay eegayaan.
Waxa aad maalinkasta aragtaa dhallinyaro aad isku ayni ahaydeen oo waalidkood usoo shaqeeyeen oo waxbarasho debadeed loo dirayo, ama guursanaya, ama dalxiis wanaagsan qaadanaya! Waxoogaa niyadda ayaad iska leedahay Alla miyuu aabbahaa adna sidà kuugu shaqeeyo! Haddana waxa aad xasuunaysaa in ay Qaddar Alle tahay, ka dib waad degaysaa oo waxa aad is leedahay adigu dadaal.
Noloshaa sidaasee inyar iisoo jeedso. Hal mid niyadda ku hay, ma aha kelidaa! Waa lagula qabaa. Bulshada aad ku dhex nooshahay intooda badan dadka kula ayniga ahi waa sidaas- marka laga yimaad in kooban oo aan iyagu ku dhaafine waalidkood nooshooda soo dhiseen. Waa inyar kuwaasi. Kuwa kula duruugta ah baa ka badan toban laab. Waxa jira kumanaan qof oo sidaada aan mushaharku ku filnayn, waxa jira kumanaan qof oo weli sidaada doobab ah/gashaantimo ah, waxa jira kumanaan qof oo agoonnimo lagu soo koriyay oo ka fekeraya inay hooyadood nasiyaan, waxa jira kumanaan qof oo masuuliyadii aabbonnimo saarantahay oo masuuliyaddii waalidkii haya, waxa jira kumanaan qof oo sidaada oo kale xaaladdaada ku sugan. Kumanaan qof baa kula duruufa, bal hareerahaaga eeg, yaab baad la tacajabi!
Noloshaad sidaasa, maaha wax kelidaaya. Kumanaan iyo Malaayiin baan halgankaaga oo kale ku jira. Kumanaan baa sidaada oo kale qisooyin badan oo qarsoon leh. Kumanaan baa sidaada oo kale dhoollacaddeeya oo laabtoodu gubanaysaa. Noloshaa sidaasa.
Noloshaa sidaasa.

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Markaad wax akhirid maxaa dhacaya?

Milicsigayga Sannadkan 2024 ( My Annual Review In 2024)