Posts

Showing posts from October, 2025

10 Xeer qofka u muhiima

Image
  Waxa wanaagsan in qofku markasta la socdo habdhaqankiisa iyo ficilladiisa. Tobankan qodob waa arrimo shakhsiyadda qofka iyo habdhaqankiisa dhisayo oo wanaagsan. 1-      Waxkasta ha ka falcelin- awooddaada keydso. 2-    Dadka u oggoloow inay hadlaan, dhegaysigu wuxuu keenaa awood. 3-    Isdeji marka wax dhacaan, degganaantu waxa ay keentaa xakamayn. 4-    Cidna ha ka baryin inay ku danayso ama jeclaato, rabitaanka dhabta ahi waa mid si dabiiciya u yimaad. 5-     Waqtigaaga tixgeli, ha iska lumin awooddaada qaaliga ah oo ah waqtiga. 6-    Yoolashaadu sir ha kuu ahaadaan. 7-     Cidna ha iska dhaadhicin, waayo qofna kuma danaynayo. 8-    Noloshaada adaa ka masuula ma jiro qof kaaga masuula oo danaynayaa. 9-    Lacag keydso 10-                     ...

5 Qodob ee Wiilka ka dhiga NIN

Image
  Wiilashu way ka dhuuntaan dhibaatada, khiyaali ayay isku maaweeliyaan. Balse, raggu way waajahaan wayna ka hortagaan. 1-      Nimanku waxa ay dhisaan jidh adag Jidhka jilicda san wuxuu muujiyaa ruux jilicsan. Wiilasha jidhkoodu waa jilayc biyo-biyo ah, halka nimanka jidhkoodu u adagyahay sida hubka. 2-    Doonistaada maaree Wiilasha waxa ay ku badan daawashada muuqaallada aan wacnayn, waxa ay cunaan cunto bilaa nafaqo ah, waxa ayna waqti ku lumiyaan shaashadaha.Taas baddelkeeda nimanku waqtigooda ayay maareeyan. 3-    Raggu yool ayay leeyihiin Wiilashu waxa ay leeyihiin xiiso ay wax ku qabtaan, halka nimanku ujeeddada caydhsadaan. Yoolkaagu waa shidaalka ku baraarujinaya, dabka hore ku wadaya, iyo jaajuurka aad ku dhisaysid naftaada lakablakab. Yool la’aan qofku waa waxba la’aan. 4-    Ragga waxa haga anshax, ma hago dareen/caaddifad Wiilashu wax bay ka falceliyaan uun, halka raggu jawaab ka bixiyaan. Falcelin iy...