Posts

Showing posts from March, 2026

8-dan waxyaabood ha ku samayn lacagtaada

Image
  Xasilloonida dhaqaale ma aha inta lacaga ee aad macaashtid, balse waxa weeyi sida maangalka ah ee aad lacagtaada u adeegsatid. 1- Lacag ha amaahin ehelkaaga iyo asxaabtaada: Asxaabtaada iyo ehelkaaga in aad caawisaa waa sax, balse in aad lacag amaahisid xeer la’aani waxa ay dhaawici kartaa xidhiidhka idinka dhexeeya, adna waxa ay kaa dhigaysaa sabool. Ehelka ama asxaabta lacag amaahi haddii aad rabtid in aad lumisid xidhiidhkooda! 2- Wax u iibsan si aad dadka uga yaabisid ama uga naxsatid: In aad wax u iibsatid si aad dadka isku tustid waa farxad waqti kooban jiraysa, balse waxa ay kugu sababaysaa in aad waqti dheer daymaysnaatid. Hantida dhabta ahi si qunyar ah ayay u kobocdaa, iibso wax qiimo leh, se ha iibsan wax aad dadka uun kaga yaabsatid oo ay kuugu sacabbiyaan. 3- Ha kharash garayn lacag aanad haynsanin: In aad Kaadh daymaha ah isticmaashid ama in aad waxyaabaha qaar daynsatid waxa ay kugu sababaysaa werwer. Kaliya kharash garee oo bixi waxa aad haysatid. Marka ho...

INTA AANAD LACAG AMAAHAN KA HOR OGOOW ARRIMAHAN

Image
Inta aanad qof lacag ka daynsan waa muhiim in aad niyadda ku haysid qodobbadan: 1-      Amaahdu inta aanad qaadan ka hor waxa ay kuula muuqataa wax fudud, waayo waxa aad rabtaa in lagugu caawiyo lacag, waxa aanad ballanqaadaysaa in aad qofkaas u celin doontid lacagta. Haddaba dad badan marka ay lacag amaahdaan waxa ay lumiyaan saaxiibtinnimada, ixtiraamka iyo degganaanshaha maskaxda, waayo ma fahansana waxa ay xaqiiqo ahaan amaahdeen.   Haddaba inta aanad lacag amaahan ogoow xaqiiqooyinkan: -          Marka aad wax amaahatid xidhiidhku wuu isbeddelaa. Inta aanad qofka waxba ka amaahanin wuxuu kuu arkaa saaxiibkii, Laakiin marka lacag la kala qaato (ama amaah la bixiyo/qaato), wuxuu qofku kuu arkaa masuuliyad uu ka welwelo ama kaa sugayo in aad waajibkaaga ka gudato. Si kooban; qofka ka hor intaadan lacag ka amaahan, wuxuu kuu arkaa saaxiib caadi ah. Balse, marka aad lacag ka amaahato wuxuu sidoo kale ka fekeraa g...

Qisada Saxaabiyaddii Qumaysa Bintu Milxaan

Image
  Saxaabiyaddii Ummu Sulaym Nebiga Alle SCW way jeclayd, weliba jaceylkaasi oo ahaa mid dhiigga iyo lafaha raacay oo kaga milmay, qalbigeedana degay. Jaceylkeedaasi Nebiga wuu gaadhay, waxaana uga warramay inankeedii Anas, wuxuuna yidhi: “ Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Nebigu SCW seexday gurigeenna, waxa ay ahayd maalin aad u kulul oo dhabannadiisa waxa ka da’ayay dhidid, hooyaday ayaa soo qaadatay weel, ka dibna waxa ay hoos dhigtay oo ku shubaysay dhididkii Nebiga, ka dibna Nebiga SCW ayaa baraarugay, wuxuuna yidhi ‘ Waa maxay waxan aad samaynaysaa Ummu Sulaymeey?’ Ummu Sulaym baa tidhi ‘ Nebiyoow, kani waa dhididkaagii oo aan ururiyay, waxaanan ka dhigayna udugayaga, wuxuuna noqon doonaa udugga ugu wacan ee ugu carafta badan.’…” Qisada Ummu Sulaym oo dhammaystiran waxa aad ka akhridaa buuga Milicsiga Sooyaalka Asxaabta oo ah turjumaadda kitaabka ‘صور من حياة الصحابة والصحابيات .’ ~ Cabdirisaaq Sandheere