8-dan waxyaabood ha ku samayn lacagtaada
Xasilloonida dhaqaale ma aha inta lacaga ee aad
macaashtid, balse waxa weeyi sida maangalka ah ee aad lacagtaada u adeegsatid.
1- Lacag ha amaahin ehelkaaga
iyo asxaabtaada: Asxaabtaada iyo ehelkaaga in aad caawisaa waa sax, balse in
aad lacag amaahisid xeer la’aani waxa ay dhaawici kartaa xidhiidhka idinka
dhexeeya, adna waxa ay kaa dhigaysaa sabool. Ehelka ama asxaabta lacag amaahi
haddii aad rabtid in aad lumisid xidhiidhkooda!
2- Wax u iibsan si aad dadka
uga yaabisid ama uga naxsatid: In aad wax u iibsatid si aad dadka isku tustid
waa farxad waqti kooban jiraysa, balse waxa ay kugu sababaysaa in aad waqti
dheer daymaysnaatid. Hantida dhabta ahi si qunyar ah ayay u kobocdaa, iibso wax
qiimo leh, se ha iibsan wax aad dadka uun kaga yaabsatid oo ay kuugu
sacabbiyaan.
3- Ha kharash garayn lacag
aanad haynsanin: In aad Kaadh daymaha ah isticmaashid ama in aad waxyaabaha
qaar daynsatid waxa ay kugu sababaysaa werwer. Kaliya kharash garee oo bixi
waxa aad haysatid. Marka hore naftaada wax ku kharashgaree.
4- Ha iska indho tirin
kharashaadkaaga: Lacagtaada ilaali, haddii aanad garanayn halka lacagtaadu ku
baxayso ma xakamayn kartid. Waxa aad samaysataa qoondo lacageed si aad xor u
noqotid.
5- Weligaa ha isdhaafin kharashaadka
kedis ah ee sida lamafilaanka ku yimaadda: Noloshu way kaa yaabinaysaa, gaadhi
baa kaa kala jabaya, qof baa kaa xanuuunsanaya oo lacag caafimaad u baahanaya,
shaqo la’aan ayaa dhici karta oo shaqada ayaa lagaa eryi karaa. Haddii aanad
keyd lahayn hal dhibaato oo si kedisa kuugu soo dhacda ayaa ku burburin karta.
Ugu yaraan keydso kharash aad ku noolaan kartid 3 bilood illaa lix bilood.
6- Lacagta ha ku bixin qorshe
la’aan: Waa caadi in aad nolosha ku raaxaysatid qof ahaan, balse waa haddii ayna
saamayn taban ama burbur u keenayn lacagtaada, keydkaaga, iyo yoolashaada.
7- Ha maalgashan wax aanad
garanayn: In aad lacag gelisid wax aanad fahansanayn waa khatar. Marka hore
waxa aad rabto horta baro, ka dibna baadh, ka dibna maalgeli.
8- Ha iska indhatirin in aad
lacagta wax ka baratid: Lacagtu ma aha keliya wax la macaasho, balse waa sida
loo maareeyo. Lacagta wax ka akhri, wax daawo, su’aalana iska wayddii lacagta.
Barashada lacagtu waxa ay u kordhisaa hantida in ka badan inta ay kordhiso
lacagta caddaanka ahi.
W/Q: The Dark Mentor 2.0
Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere
26 Maarij, 2026
Comments
Post a Comment