INTA AANAD LACAG AMAAHAN KA HOR OGOOW ARRIMAHAN
Inta aanad qof lacag ka daynsan waa muhiim in aad niyadda ku
haysid qodobbadan:
1-
Amaahdu inta aanad
qaadan ka hor waxa ay kuula muuqataa wax fudud, waayo waxa aad rabtaa in lagugu
caawiyo lacag, waxa aanad ballanqaadaysaa in aad qofkaas u celin doontid
lacagta. Haddaba dad badan marka ay lacag amaahdaan waxa ay lumiyaan saaxiibtinnimada,
ixtiraamka iyo degganaanshaha maskaxda, waayo ma fahansana waxa ay xaqiiqo
ahaan amaahdeen.
Haddaba inta aanad lacag
amaahan ogoow xaqiiqooyinkan:
-
Marka aad wax amaahatid
xidhiidhku wuu isbeddelaa. Inta aanad qofka waxba ka amaahanin wuxuu kuu arkaa
saaxiibkii, Laakiin marka lacag la kala qaato (ama
amaah la bixiyo/qaato), wuxuu qofku kuu arkaa masuuliyad uu ka welwelo ama kaa
sugayo in aad waajibkaaga ka gudato. Si kooban; qofka ka hor intaadan lacag ka
amaahan, wuxuu kuu arkaa saaxiib caadi ah. Balse, marka aad lacag ka amaahato
wuxuu sidoo kale ka fekeraa goorta aad
dib u celin doonto, sidaas darteed wuxuu kuu arkaa mas’uuliyad.
-
Xitaa haddii qofku uusan waxba ku odhan, wax baa iska beddela
maskaxdiisa. Mar kasta oo uu ku arko, waxaa maskaxdiisa ka soo bixi karta
su’aal yar: ‘ Goorma ayay lacagtaydii ii soo noqonaysaa?’
-
Lacagtu waxay leedahay awood ama hab ay ku beddesho sida ay
dadku isu arkaan ama ula dhaqmaan. Lacagtu mararka qaarkood waxay beddeshaa
qaabka xidhiidhka dadka.
2- Amaahda lacagtu waxay keeni
kartaa culays iyo feker qarsoon oo saameeya xidhiidha dadka: Xitaa haddii qofka
lacagta amaahiyay uu samir badanyahay qofka amaahday badanaa wuxuu dareemaa
cadaadis. Wuxuu bilaabaa inuu ka fogaado wicitaannada (telefoonnada) qofkaas.
Wuxuu dareemaa raaxodarro marka uu arko. Xitaa wada hadalladii caadiga ahaa
waxay u muuqdaan kuwo ka duwan sidii hore. Walwalka maskaxda ee la xidhiidha
lacag ama amaah ayaa mararka qaarkood ka culus lacagta lafteeda.
3- Inaad amaahato lacag adiga oo
aan haysan qorshe cad oo aad ku bixinayso waa arrin khatar ah: Dad badan waxay
lacag amaahdaan lacag iyaga oo kaliya rajaynaya, balse aan lahayn qorshe cad.
Waxa ay yidhaahdaan: “ Waan heli doonaa” ama “Wax baa iman doona.” Rajo kali
ahi ma aha qorshe ama xeelad lacagta lagu bixin karo, haddii uusan lahayn il lacag oo cad ama qorshe lagu bixinayo
lacagta, dhibaatadu waa dib u
dhac kaliya, balse ma
dhammaanayso.
4- Inaad lacag si joogto ah u
amaahataa waxay dhaawici kartaa sumcaddaada: Haddii qof caan ku noqdo inuu mar
walba lacag amaahdo isla markaana ku dhibtoodo bixinteeda, kalsoonida lagu
qabaa si tartiib ah ayay u luntaa. Fursaduhuna way baaba’aan. Sababta oo ah
sumcadda qofka ee la xidhiidha lacagtu waxay ku faaftaa si ka dhaqso badan inta
aad u malaynayso.
Akhristaha qaaliga ah;
Lacag
amaahasho mar walba ma aha qalad. Mararka qaar waxa ay dadka ka caawisaa inay ku badbaadaan
waqtiyo adag ama ay fursad kaga faa’iidaystaan. Balse,
waa in si taxaddar leh, mas’uuliyad leh, iyo maskax furan loo sameeyaa. Sababta oo ah marka lacag ay gasho xidhiidh, wax walba oo ku
xeeran waxay noqdaan kuwo ka dareen badan. Ma u
malaynaysaa in amaahda lacagta saaxiibbada inta badan si wanaagsan ku
dhammaato?
Farriin guud;
Amaahdu
waxay noqon kartaa xal, laakiin waxay u baahan tahay qorshe, mas’uuliyad, iyo taxaddar
si aysan u dhaawacin xidhiidhka dadka u dhexeeya.
W/Q: Alfachemistry ( The
Prince of Closing), Facebook Page.
Turjumid: Cabdirisaaq
Sandheere
15 Maarij, 2026
Comments
Post a Comment